Sign in to follow this  
Liibaan

Buuhoodle, Soomaaliya: Shacabka ooSii Laba Jibbaaray Xawliga Dhismaha Madaarka

Recommended Posts

Liibaan   

cagaf1.jpg

 

Buuhoodle - Soomaaliya; Shacabka Reer Buuhoodle Oo Dhismaha Garoonka Qayb Ka Qaadanaya, Siina Laba Jibbaaray Xawliga Dhismaha Lagu Wado

 

 

Buuhoodle(Jidbaale):-Hadal haynta ugu badnayd maanta shaaricyada magaalada Buuhoodle, ayaa waxay ahayd hadalkii kasoo yeedhay xalayto Faysal Cali Waraabe, kaasi oo ku aaddanaa Garoonka Diyaardaha ee laga wado Buuhoodle, arrintaas oo layaab ku noqotay bulshada Buuhoodle.

 

Shucuurta iyo dareenka dadwaynaha ayaa aad u kacsanayd saaka, iyadoo aad looga wada xumaaday hadalkaasi. Waxaana dareenka shacabku aad usii kacay, kadib markii Koox si xun u fakar ah, oo badanaa isku dayda inay awaamiirta Hargaysa ka fuliso Buuhoodle isku dayeen inay joojiyaan dhismaha Garoonka, iyagoo kaxaystay Koox aan sidaa u badnayn Maleeshiyo beeleed ka amar qaata.

 

 

Arrintaasi oo cirka kusii shareertay dareenka iyo shucuurta shacabka, waxaana dhammaan bulshada deegaanka Buuhoodle ay saaka si Mutadawac-nimo ah uga qayb qaateen bannaynta dhulka loogu talo galay dhismaha Garoonka, ka dibna Cagaf la marin doono marka baaxadda dhulka waddadu noqonayso dhirta laga jaro. Iyadoo kooxihii Caada-qaatayaasha ahaa ay iskaga carareen Garoonka, kadib markii ay ******** inay kusoo fool leeyihiin Shacabkii magaaladu.

 

 

Madaxa Mashruucan dhismaha Garoonka Xasan Faarax Baad, ayaa waxaan wax ka waydiiyay qaabka ay Kooxdani saaka ku tagtay Garoonka, wuxuuna ii sheegay inay yimaaddeen xilli ay ka maqan yihiin goobta hawl-wadeenadii Garoonku, isla markaana ay Sawirro iskaga soo qaadaan, markii ay ******** in Shacabkii kusoo kacayna ay iskaga carareen.

 

 

 

Kooxdan Caada-qaatayasha ah ayaa waxay iyagu isku dayayaan inay ka fuliyaan awaamiirta Maamulka Hargeysa, taasi oo aan Marnaba Suurto Galayn. Waxaana saaka wax-garadka iyo odayaasha deegaanku u sheegeen inay iskaga baxaan magaalada ama ay joojiyaan falalka noocan oo kale ah ee ay ku kacayaan.

 

 

 

Dhismaha iyo hawshan Garoonka ayaa haatan si habsami leh u soconaysa, waxaana si toos ah uga qayb qaadanaya shacabka deegaanka rag iyo dumar, kuwaasi oo ka talinaya aayahooda iyo mustaqbalkooda.

 

Dhalinyarada degaanka ayaa ku tilmaamtay hadalka Hargeysa ka soo yeedhay "Neef Tuug Ka Baxsatay". Shacabka degaanka Buuhoodle ayaan dhag Jalaq u siinayn hadallada kasoo yeedhaya maamulka Hargeysa.

 

C/raxmaan Cumar Cabdi

Buuhoodle - Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this