Jacaylbaro Posted January 4, 2009 Labo Saxafi oo u kala dhashay wadamada Spain iyo Britain oo lagu heystay Boosaaso ayaa maanta la sii daayay. Si deysmada wariyayaashani ayaa waxaa ay ka danbeeysay kadib markii wadahadalo dheer uu dhex marayay maamulka Puntland iyo Kooxaha heystay wariyayashani oo in dhawaalabo lagu heystay meel magaalada Boosaso u jirta 30-km. Si deysmada labadani wariye ee u kala dhashay wadamada Spain iyo Britain ayaa waxaa ay ka danbeeysay kadib makii labo Ajaanib ah ay soo gaareen Puntland is ay gacan uga geystaan sidii Wariyaashaasi loo sii dayn lahaa. Warar ku dhow dhow kooxaha afdubayaasha ah ayaa waxaa ay sheegayaan in ay qaateen lacago gaaraya 8-boqol oo kun oo dolarka Mareykanka. Ma jira cid xaqiijisay arintani oo ku aadna maamulka Puntland,waxana soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo wasirka Amniga maamulka Puntland Cabdullaahi Siciid Samatar iyo labada Nin ee Ajaanibta ah ee halkasi u tagay sii deysmada wariyayaashani. Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in ay ka war bixiyaan sida lagu sii daayay wariyayaashani Ajaanibta ah hadii lacag laga bixiyay iyo hadii kaleba waxana sidoo kale lagu wadaa saacadaha soo aadan in ay ka duulaan magaalada Boosaaso oo ay iminka diayaarada u taagan tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 4, 2009 Warar ku dhow dhow kooxaha afdubayaasha ah ayaa waxaa ay sheegayaan in ay qaateen lacago gaaraya 8-boqol oo kun oo dolarka Mareykanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites