Sign in to follow this  
Gabbal

Agreement reached in Beerxaani, Lower Jubba.

Recommended Posts

Gabbal   

Odoyaasha beelihii ku dagaalamay Beerxaani oo heshiis gaaray.

 

Kismaayo, Isniin 22 January 2007 Simba Radio

 

Odoyaal kasoo jeeda Beelihii dhawaan ku dagaalay Deegaanka Beerxaani oo heshiis ku gaaray Magaalada Kismaayo ayaa manta u dhaqaaqaya deegaankaasi ay heshiiskii ay gaareen halkaasi ugu dhaqan geliyaan.

 

Odoyaasha ayaa kulamo maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ku lahaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose, waxeyna ku heshiiyeen xabad joojin rasmi ah halkaasi laga gaaro isla markaana khilaafaadka keenay in la dagaalamo laga gudbo.

 

Odoyaasha oo wada hadaladkooda shalay soo gaba gaboobay ayaa saakay lagu wadaa iney gaaraan Beexaani sida uu sheegay Taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada xooga dalka Somalia C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

 

Beerxaani ayaa waxaa ka dhacay dagaalo Beelo hubeysan ay si xoogan ugu dagaalameen, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa lasoo sheegayo dad halkaasi lagu dilay.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maleeshiyo beeleedyo isku horfadhiya Beerxaano oo la kala qaadayo

 

 

Kismaayo 23, Jan.07 ( Sh.M.Network) Dadaalo lagu soo afjarayo dirirtii ka dhacday deegaanka Beerxaano ee gobolka J/hoose isla markaana lagu kala qaadayo labada maleeshiyo beeleed ayaa waxa ay ka socdaan deegaankaasi.

 

Deegaanka Beerxaano oo 30 iyo dhowr Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya ergooyin ka kala socda labada beelood ee isku haya halkaasi, iyadoo sidoo kale ay socoto qabqan qaabo ku aadan furitaanka wada hadallo balaaran oo ay ku soo ajrayaan dhibaatooyinkii dhex maray isbuucyadii tagay.

 

Shalay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka tagay salaadiinta labada beelood oo ay kala hogaaminayaan Suldaan Rashiid Dhurre iyo Suldaan Max'ed bashiir Yarow, waxaana la filayaa in wada hadaladan oo ay ka qeyb qaadaneyso hay'adda CRD in ay ku dhamaadaan guulo.

 

ilaa 8 ruux ayaa ku nafwaayay intii ay jireen xiisadihii dagaal ee ka taagnaa deegaanka beerxaano halka tiro 8 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Xiisadaha u dhaxeeya labadan beelood oo muddo soo laab laabtay ayaa salka ku heysa aanooyin iyo dilal goos goos ah oo ka dhacay halkaasi.

 

Farxaan lafoole

 

Shabelle Media Network J/hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Caamir:

Good move. I applaud the negotiated settlement between the two brothers.

Based on my past dealings with you on this forum, I would have to say you are probably mistaken again.

 

Labada qolo is haysata walaaltinimada u sokeysa waa mida guud ee Islaam iyo ka Soomaaliyeed. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Caamir:

I thought this news was the war that occured btw the people of Cabdale Biroole and the militia of Hiirale? Am I right. If iam wrong, then I retract my words.

 

You are extremely predictable. The situation is more like this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Thanks for clarifying it. This news has nothing to do with what we debated on the last thread opened by Abu Paragon who was well familiar with that specific conflict covered by many Somali sites. I was coming from that angle and was delighted actually by the good news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

That conflict is this conflict. That is why I did not even respond to topic itself seeing how Las Qorey was clearly mistaken about what they were reporting.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Beelihii ku dagaalamay deegaanka beerxaano oo gaaray heshiis

 

Kismaayo 25, Jan.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha dhaqanka dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Beerxaano oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ayaa isla gaaray heshiis horudhac ah oo ay ku soo afjarayaan waxyaabihii dirirta dhaliyay.

 

Wararka laga helayo deegaanka Beerxaano ayaa xaqiijinaya in halkaasi lagu gaaray heshiis soo afjaraya shaqaaqooyinkii dilalka xambaarsanaa ee halkaasi ka jirey.

 

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii kulamo muddo u socday odayaasha labada beelood ay aaqiritaankii ka soo saareen heshiisyo lagu soo afjarayo khilaafka labada beelood, iyadoo kulamadaasi ay maalgalineysay hay'adda CRD.

 

K/simaha Hay'adda CRD ee Kismaayo C/naasir Cali Cismaan ayaa shabelle u sheegay in talaabadaasi ay tahay mid horumar ah oo loo qaaday dhanka nabadda.

 

Odayaasha labada beelood ayaa u baqoolay dhulalka miyiga ah si ay u gaarsiiyaan heshiiska la gaaray odayaasha beelaha ee ku sugan dhulalkaasi

 

 

Axmed Cumar Saalixi

 

Shabelle Media Network J/hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Beelaha **** Iyo Gaaljecel Oo Heshiis Ka Gaaray Dagaal Ku Dhexmaray Miyiga Kismaayo

Jan 27,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Hooska Geed haraca ah oo wayn oo ku yaala Bartamaha tuulada Beerxaani oo kismaayo u jirta 55Km ayay maanta Hogaamiyeyaasha dhaqanka ee Beelaha **** iyo Gaaljecel ayaa waxaa ay ku gaareen heshiis soo afjaraya dagaalo Maleeshiyo ka soo kala Jeeda labada beelood ku dhexmaray Deeegaanada Cabdi Dhoore iyo Kaamjiroon ee Kismaayo.

 

kullanka oo ay qaban qaabisay xarunta Cilmibaarista iyo wadatashiga CRD xaafiiskeeda kismaayo ayaa waxaa uu soconayay Muddo saddex Cisho ah waxana ka qaybgalay raga ugu sareeya dhaqanka Gobolka J/hooe ee labada beelood. Suldaan C/rashiid Durre madaxa dhaqanka Beelaha Gaaljecel ayaa ka sheegay munaasibadii Heshiiska in beeshiisu ay ka go,antahay dhaqangalinta heshiiska oo uu sheegay in uu dhexmarayo labada beelood ee walaalaha muddo badan si nabad ah dhulkaas u wada deganayd.

 

"Waxaan oranaynaa kullankaan waa mid guuleed dhinacayagana waxaan ballanqaadaynaa in aan ka shaqayno in Colaad dambe aysan soo laaban oo halkeedii ay ka sii socoto walaanimadaii labada beelood" ayuu yiri Suldaanka oo kaga mahadceliyay xarunta CRD dadaalka ay ka muujisay qabsomida kullanka.

 

Nabadoonka Guud ee Beelaha **** ee J/hoose Maxamed Bashir Madoobe Yarow oo isna ka hadlay kulanka ayaa ku nuux nuuxsaday sida waxgaradka beesha **** ay uga xun yihiin Colaadi dhacday ayna dhaqangalin doonaan Heshiiska oo u gogol xaaraya Nabadda labada beelood.

 

"Waxaan diyaar unahay in heshiisku meel maro oo aan colaad dambe loo laaban labada beelood ay Ceel iyo carshinba wada daaqaan" ayu yiri ninka ugu sareeyay Hogaamiyeyaasha dhaqanka ee Sadeha J/hoose waxaana uu ka codsaday maleeshiyada labada beelood in ay walaaloobaan iyadoo isla madasha ay isku Salaameen isla markaan ay ku dhawaaqeen in Colaadii ay ka tanaasuleen.

 

kullanka waxaa uu qabsoomay kadib dagaalo tel teel ahaa oo dhexmaray reer guraaga labada beelood oo tan iyo 2dii bishaan ay ku dhinteen 7 qof tiro ka badana ay ku dhawaacmeen.

 

N D F-GEDO-NN-Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this