Sign in to follow this  
osman_nz

Puntland Celebration Dinner For The First New Political Party Sawiro

Recommended Posts

osman_nz   

 

7489.jpg

 

Xaflad Casho ah oo lugu taageerayo ururka United Puntland Diaspora

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis, Minnesota. Xaflada aya waxay qayb ka ahayd xaflado isdaba jooga ahaa bulshada reer Puntland ku taageerayeen urur cusub ee laguga dhawaaqay markay taariikhudu ahayd 05/30/09, magaalada Minnesota, loona bixiyey United Puntland Diaspora.

 

Ururkan oo noqon doona urur siyaasadee oo isku xira dhamaan bulshada ree puntalnd ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, isla markaana ku dedaali doona sidaa ay reer Puntland ula jaanqaadi siyaasada casriga ee aduunka ka jira.Ururkan oo ay soo abaabuleen dhalinyaro aqoonyahano ah reer Puntland oo ka kala socda bulsha qaybaheeda kala duwan sida: siyaasiyiinta, aqoonayahana , waxgradaka, culimada, hooyooyinka, ,abwaano, arday, suxufiyiin, dhaqaatiir, culimo, iyo macalimiiinta reer Puntland.

 

Ururkan oo runtii ha urur si aada ah looga soo dhaweeyey dhamaan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba,ayaa hawlwadeena ururku ay balan qaadeen in ururka xafiisyo looga furi doono meel badan oo Puntland ay iyo dhamaan meelaha ay degan yihiin jaaliyada Puntland ee ku nool dalka dibadiisa.

 

Haddaba gobdhaha Puntland ee degan gobalka Minnesota ayaa xalay waxa ay soo abaabuleen Casho Sharaf ku saabsanayd taageero ay ku muujinayaan in ay hiil iyo hooba ay laga rab istaagi doonaan ururkan cusub ee United Puntland Diaspora. Cashadaas ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo isigu jirey bulshada waxayadeeda kala duwan.

 

Dadkii halkaas ka hadlay waxa ka hadlay waxaa ka mid aha Dr. Cumar oo dhaqtar ah, isla markaana a ah Dean of Medicine at East Africa Universit. Dr Cumar oo dhowaan ka soo laabtay wadankii hooya ayaa waxrbixin dheer ka bixiyey xaalada caafimaad ee wadanku kku sugan yahay iyo sida laga maarmaar u tahay in qurba joogta Soomaaliyeed wax uga qabtaan baahida caafimaad ee ka jirta wadankeeni hooyo. Waxaana isna ka Cusmaan Sheekh, oo u mahad celiyey hooyooyinkii iyo gabdhihii soo abaabulay cashada, iyo sida habsami la’aanta ah ee ay u taageereen ururka.

 

 

Isna waxaa si tafartira ugu dheeraaday dheeraay ujeeda ururka Abdimalik Askar , oo ka hadlay ujeedada ururka iyo sida looga faa’ideeysan doono ururka United Puntland Diaspora. Siyaasiga soomaaliyeed ee ruug cadaaga ee Maxamed Abdi Qaac oo ah rugcadaaya ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimad ururk siyaasad ee reer Puntland iyo sida looga faa’ideysan karo. Waxaa kalo iyana ka hadashay Drs. Luul Xasan Laari oo ka mid ahayd gabdhihii xaflada soo abaabulay ayaa waxa ay ku dheeraatay haweenka doorka ay siyaasada ku leeyihiin iyo sida ay uga qayb qaadan karaan, waxa kale oo luul hadalka ku dartay sida looga faa’dieysan karo aqoonyahanada da’da yar ee soo abaabulay ururkan United Puntland Diaspora.

 

Abwaanada Canab Cali Shire ayaa iyana ku boorisey dhalinyarada in ay faraha ka laaban siyaasada ee ay hormuud u noqdaan. Waxaa kale ka hadlay gudoomiya jahliya SSC ee waqooyi Ameerika Khaliif oo ka hadlay sida ay muhiim u tahay midnimad puntland iyo sida ay laga maarmaan u tahay in dhamaan bulshada meel kasta ay joogaan in ku dedaalaan in ay gacmaha is qabsadaan isla markaan ay meel uga soo jeestaan wax kasta oo kala dhantaalay midnimadooda.

Waxaana isagana hadal qiimo leh ka soo jeediyey meesha Maxamed Hussen oo loo yaqaano BBC oo ku hadlaaye magaca dhalinyara Puntalnd waxuuna runtii aad ugu dheerada doorka dhilayarad Punland kaga began horumarka Purtland.

 

Waxaa kaloo isna ka hadlay siyaasiga da’da yare ee ka mid aqoonyahanii ka qaybgalay shirkii carta Mr. Cabdul waxuun ka dalfay faa’iida laga heli karo ururka Unted Puntnald Diaspora iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in dhamaan bulshada reer Puntland ay taageer ururkkan cusub.

Intii aya xafaldan waxa tacsi loo diray qoyskii iyo ehaladii uu ka geeriyooday Burhaan Xassan oo aha will yar oo reer Minneasota ah oo dhawaan lagu dilay.

Ugudanbeyntii, ayaa waxa isna ka hadlay Abwaan Najax oo runtii laga jecel yahay Minnesota, masraxyada siyaasada, waayo waxa uu alifay miro ku saabsan nabada, uuna u bixiyey SOOMAALIYEY-TASHADA.

 

Zakariya Aadan

Somali Media

Source: http://www.dhahar.co m/article.php?articl eid=7489

 

A New Era is shining in the great state of puntland. A Democratic Era...A New political Party called United Puntland Diaspora Has been created and held celebrations in Minnesota for creation of the first new political party under the democratic state of puntland. The New party agenda is to be political force in puntland and to bring it's expertise and policies to advance the state of puntland and to move the region forward for further development and advancement for it's people and region.

 

The new party will have new offices opening up in puntland so they can campaign their policies to the locals and also have office oversea's to campaign their policies to the diaspora puntland population.Excellent Job Puntland :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Awoowe haatan casho yaroo afar nin beesha ka tirsan isugu timi ma news worthy ayay noqotay?

 

It seems Jacaylbaro has been given a run for his money when it comes to the trolling department.

Share this post


Link to post
Share on other sites
osman_nz   

Gabbal..sxb this is new political party, and they are celebrating the new party formation..you will be hearing about them alot more in the future my friend...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this