OLOL Posted December 29, 2006 Wadaaynimo kaama rabo, waddanka anaa iska leh, waraaboow maalin wacan Posted to the Web Dec 28, 17:39 Jimce, 29 December, 2006 - Faallada Aayaha.com - Waxaa xalay caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ku hoyday caddowga ugu weyn ee ay Shacabka Soomaaliyeed leeyihiin ee Itoobiya. Waa markii ugu horeysay taariikhda Geeska Afrika ee ay cadowga Itoobiya cagta soo dhigo caasimadda Ummadda Soomaaliyeed. Inta taariikhda la xusuusto, cadowga Itoobiya wuxuu weligii u hanqal taagi jiray, kuna taami jiray, in uu mar uun hanto dhamaan dhulka leysku yiraahdo Geeska Afrika ee ay ku jiraan Soomaaliya iyo Jabuuti. Hanqaltaagga Itoobiya ayaa waxaa weligood hortaagnaa halgamayaashii Ummadda Soomaaliyeed sida halyeygii weynaa ee taariikhda baalka dahabka ah ka galay ee Axmed Ibraahim Gurey, Imaamkii daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalla Xassan iyo dhamaan halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaacca diinta, dalka, iyo dadnimada Soomaaliyeed. Sida muuqata Xoogaggii xaq u dirirka wadaniyiinta Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed wey ka gurteen caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyagoo ka cararaya in uu dhib gaaro shacabka Muqdisho, hadii ay dhacdo in lagu dhex dagaalamo gudaha magaalada Muqdisho. Xoogagga xaq u dirirku ma aaney cararin, cararna kama suurtoobo inta ay ciidamada cadowgu ku sugan tihiin dhulka Soomaaliyeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareysi uu Khamiistii siiyay telefishinka Al-Jazeera wacad ku maray in uu dagaalku haatan bilowday, isla markaana ka gurashadooda Muqdisho ku macneeyay xeelad dagaal iyo badbaadinta shacabka Muqdisho. Dowladda Mareykanka oo adeegsaneysa cadowga Itoobiya ayaa hub noocii ugu dambeeyay, diyaarado dagaal, iyo aaladda basaasnimo ee satelite kula dagaalamay xoogagga xaq u dirirka wadaniyiinta Soomaaliyeed, sidaa daraadeed, sida uu Sheekh Shariif sheegay waa lagama maarmaan in la sameeyo dib u gurasho xeelad dagaal. Dagaalkuna ma aanu dhamaan ee hadda ayuu kowsaday. Aboorkuna dhareeyiyo wuxuu, ciid isugu dhoobay Oo uu dundumadowga dhigay, ama u dheereystay Waa jinacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye Cabdullaahi Dhoodaan Magaalada Muqdisho oo aheyd magaalada ugu ammaanka xun caalamka ayey xoogagga xaq u dirirku u bedeleen magaalada ugu ammaanka badan qaaradda Afrika mudadii ay gacanta ku hayeen, balse saacado kadib markii ay magaaladu ka baxday gacanta Maxkamadaha ayaa waxaa magaaladii la wareegay burcaddii ka gaban jirtay Maxkamadaha, waxeyna bilaabeen dhac, boob, dil, iyo bililiqo. Xalay kololo'aygii ma ladin kaamil reeruhuye Kambaalkiyo ardaagii miyaa leygu keliyeeyey Kumbiskii miyaa layga qubay kolaygii ii buuxay Wixii rag igu kuuniyay miyaa igu karaamoobay? Raage Ugaas Hadey shacabka Muqdisho habeen hore la anfariireen arxan daradda ********ta magaalada boobka ka bilowday, waxey xalay ku seexdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo gacanta ku haya magaalada. Ingiriis (Mareykan) Amxaariyo Talyan wey akeekimiye Arligaa lakala boobayaa, nin u itaal roone Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye Faarax Nuur Hoggaamiyaha xoogagga xaq u dirirka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wacad ku maray in uu dalka ka xoreyn doono cadowga dul degay, halka dagaal oogayaasha Baydhabo ay weli dul saaran yihiin kaareyaasha cadowga Itoobiya. Jannada kii loo furoo Fardowsa u seexday iyo Cadaab kii lagu fasaxay Sow kala fiicnaan mayaan? Careys Ciise Dalkii wuxuu ku jiraa xaalad adag, shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku noolaanayaa dullunimo, inta cadowgu ku jiro dhulka Soomaaliyeed. Magaalada Cadaado waxaa lagu xasuuqay 54 shacab aan waxba galabsan. Magaalada Beledweyne oo ay cadowgu gacanta ku hayaan waxaa lagu xasuuqay shacab dhowr ah, waxaa xijaabkii laga qaaday dumar faro badan, waxey cadowgu kufsadeen dumar Soomaaliyeed oo walaalaheen ah. Muqdisho iyo magaalo kasta oo ay cadowgu galaana wey la kulmi doontaa dhibaatadan aan xusnay iyo mid ka badan. Gablan maaha Maandeeq hadii aad, gabadin mooddeene Maruun bay sidii aar la ganay, gaydh lasoo kiciye Gabbal gaabtay iyo baan arkaa, gaawo buuxsamaye gardarada qunyara xaaladdu, galaba waa cayne Xaaji Aadan Af-Qalooc Wadani walba oo Soomaaliyeed wuxuu xil ka saaran yahay diffaaca diinta iyo dalka Soomaaliyeed, haddii aad ku sugan tahay dalka gudahiisa ka qeyb qaado difaaca dalka. Hadii aad debedda ku sugan tahayna raadi qaabkii aad uga qeyb qaadan laheyd difaaca dalka. Difaacca dalku wuxuu sugayaa inaga waayo Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed qabriga kasoo bixi mayaan!!! Daliilkaan idiin qoray ka badan, duurka geedaha'e Dahabka iyo luul igala weyn, kaan daldalayaaye Nin dundumo wacdiyay waa daliil, inuu ku daalaaye Daqnan mayso Soomaalidaan, diiri leeyahaye Dubaaqa iyo laabtiyo dheguhu, uma duleelaane. Cali Cilmi Afyare Faallada Aayaha.com Editor@aayaha.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 19, 2011 Yaa 'waraabo' ah maanta? Kaas koofiyada dheer oo Ugaandheeska dabada ka wato ama dad kale? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 19, 2011 ^^ sawdigi odhan jiray ugandhisku nabad bay no keeneyan ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted June 19, 2011 Xaajiyo waa wareerney wax la aamino ma jiraan maxaa yeelay Soomaali ayaaban is aaminayn malaha wax laga sugaa Ugandhana kaba sii daran. Quote Share this post Link to post Share on other sites