Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Mudaharaad balaadhan oo lagu taageeray Go’aanka Itoobiya ee La-dagaallanka Maxkamadah

Recommended Posts

Jigjiga: Mudaharaad balaadhan oo lagu taageeray Go’aanka Itoobiya ee La-dagaallanka Maxkamadaha

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2006-12-07 (Hadhwanaagnews) Jig-jiga-Isu-soo bax balaadhan oo lagu taageerayo go’aan uu Raysal wasaaraha Itoobiya ku sheegay in ay dagaal la galayaan Midowga Maxaakiimta Somaaliya ayaa salaasadii todobaadkan ka dhacay magaalada Jig-jiga ee Xarunta u ah Maamulka Somaalida Itoobiya.

 

Isu soo baxan oo ay ka qaybqaateen inta badan dadweynaha ku dhaqan magaalada Jigjiga, islamarkaana ka dhacay garoonka kubada cagta ee Magaaladaasi waxa dadweynaha khudbado uga jeediyay masuuliyiinta maamulka kililka Shanaad oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Somaalida Itoobiya, Md: Cabdi Jibriil Abuukar “waxaanu tagaeeraynaa go'aanka ra'iisul wasaaraha itoobiya waxaanuna mucaarad ku nahay kuwa sheeganaya islaamka" Ayuu yidhi M/weyne Xigeenka oo la hadlayay dadweynihii isu soo baxaa ka qayb galay oo lulayay boodhadh ay ku xardhanyihiin ereyo ka dhan ah Maxaakiimta Muqdisho. Sidoo kale masuuliyiintii kale ee isu soo baxaa ka hadlay ayaa dhamaantood si ba’an u weeraray Masuuliyiinta Maxaakiimta oo ay sheegeen in ay danaha iyo isku duubnida shucuubta itoobiya duulaan ku yihiin,

Isusoo baxan oo warku sheegay in ay abaabulkiisa lahaayeen maamulka kilalka shanaad oo kalsooni ugu muujinayay dowlada federaalka ah ee Itoobiya, ayaa shabkada wararka ee danowadag oo warkan aanu ka soo xiganay sheegtay in ay ka qabgalayaashiisa oo badnaa awgeed ay keentay in garoonka kubadu qaadi waayo taasoo dhalisay in dadweynuhu isriixriixo, iyo in ciidamada Bolisku Xidhaan ganjeelka weyn ee laga galo garoonka si aan cidina uga bixin inta khudbaduhu socdaan cid danbena usoo galin,

 

Banaabaxani maaha kii ugu horeyay ee noociisa ah, kana dhaca degaanka somaalida Itoobiya. Waxana jiray banaanbaxyo balaadhan oo bilowgii todobaadkan ka dhacay deegaano ay ka mid tahay wardheer. Dhinaca kale Wargeyska ka soo baxa dalka Itoobiya ee Ethiopian Herald, ayaa boggiisa wararka ee shabakaddiisa Inter-net-ka ku faafiyay in ay ka soo xigteen Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA, gobollada Federaalka Itoobiya oo qaar ka mid ahi taageereen go’aankii Golaha Baarlamaanka Itoobiya ku ansixiyay in dawladu kula tacaasho talaabo kasta oo ay wax kaga qabanayso kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, oo ay Itoobiya u aragto inay halis ku yihiin amaankooda.

Sidoo kale, Golaha Arrimaha Islaamiga ah ee Itoobiya, ayaa iyaguna shaaca ka qaaday taageerada ay u hayaan go’aankii Baarlamaanka Itoobiya.

 

Goluhu waxa kale oo uu sheegay in go’aanka ay Itoobiya dagaalka ugala horjeedo kooxaha xag-jirka ahi aanu ku lug lahayn arrimaha islaamiga ah.

 

Xoghayaha guud ee Golahaas Xaaji Yuusuf Cali, oo u waramayay wakaaladda wararka ee ENA, ayaa shalay sheegay in golihiisu uu soo dhawaynayo dedaalada ay xukuumada Itoobiya ku doonayso xalal nabadgelyo ah, oo laga gaadho mashaakilaadka ay abuureen hoggaamiyeyaasha kooxaha xag-jirka ah.

 

Xaaji Yuusuf, oo ka hadlayay Diinta Islaamka, ayaa sheegay inay tahay Diin Nabadgelyo, dulqaad, iyo is-faham. Waxaanu intaa ku daray in haddii ay hoggaamiyeyaasha kooxaha xag-jirka uu ku tilmaamay ay yihiin kuwo ku dhaca in ay si xaq ah wax ugu maamulaan Diinta Islaamka, laga rajaynayo inay ku maamulaan nidaamka islaamiga ah iyo istaraatiijiyado islaami ah, si loogu helo xal nabadgelyo ah mashaakilaadka jira.

 

Ogaal News Paper hargeysa, Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

Submited By hadhwanaag : 2006-12-07

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this