Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: Asmara group walk out , advantage TFG

Recommended Posts

Jabuuti: Wafdiga dawladda Soomaaliya ee Jabuuti oo ka hadlay go'aankii Kooxaha ka soo horjeeda ee ku aadanaa Kulankii maanta.

4. juni 2008

 

Jabuuti(AllPuntland)- Saraakiisha dawladda Soomaaliya ka socda ee hada jooga Magaalada Jabuuti una jooga halkaasi wada hadalada dhinaca Nabadda ah ayaa siweyn uga biyo diiday go'aan ay ku adkeysteen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Wafdiga dawladda Soomaaliya ayaa bixitaankii kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ku sheegay mid cadeynaya mawqifkoodu waxa uu yahay.

 

Prof-ku wuxuu sheegay in aysan Mucaaradka dawladda Soomaaliya dooneyn wada hadal & Soomaalida oo heshiisa balse ay doonayaan oo kaliya in ay Soomaaliya ka sii jirto rabshado & Colaado.

 

C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa ugu baaqay Umada Soomaaliyeed in ay go'aan cad ka qaataan Kooxaha ka soo horjeeda Nabadda dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay doonayaan in ay Soomaaliya ku sii hayaan dagaalada & Colaadaha aan laheyn yoolka.

 

"Nimanka ka socda Isbaheysiga la baxay Dibu xoreynta waxa ay mudo badan soo jeediyeen Sharuudo badan ,dawladda Soomaaliyana wey ka aqbashay ,laakiin waxa ay maanta cadeysteen in ay doonayaan in ay Soomaaliya ka sii socdaan dagaalada dhibaatada ku haya Shacabka Soomaaliyeed" Ayuu yiri Masuulkan.

 

Bixitaankii ay maanta ka baxeen kulan looga hadlayey Cadaalada & Dibu heshiisiinta kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dad badan ay is weydiinayaan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Nimanka ka socda Isbaheysiga la baxay Dibu xoreynta waxa ay mudo badan soo jeediyeen Sharuudo badan ,dawladda Soomaaliyana wey ka aqbashay ,laakiin waxa ay maanta cadeysteen in ay doonayaan in ay Soomaaliya ka sii socdaan dagaalada dhibaatada ku haya Shacabka Soomaaliyeed" Ayuu yiri Masuulkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They have a golden opportunity to come out of isolation. The international communities patience and concentration on Somalia will not last.

 

The targeting of their leaders such as Cayrow will continue.

 

The weakening of TFG sympathisers of their cause such as Nur cade & Ahmed Abdisalaan will continue.

 

Thus this group always take an opportunity to lose an opportunity.

 

Good on them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Jabuuti: Kaaf iyo kala dheeri

Posted to the MOL June 4, 2008, 5:25 am

 

Waxaa wali ka socda magaalada Jabuuti shirkii dib u heshiisiinta ee u dhexeeyay dowlada KMG ah iyo qaar ka mida kooxaha isbahaysiga ee ka soo horjeeda dolwda KMG ah. Wali isma horfariisan ergada labada dhinac, waxaana ukala dabqaadaya ergayga gaarga ah ee xoghayaha qaramada Midoobay.

 

 

 

 

 

Kooxaha Mucaaradka ee uu hogaamiyo SH. Shariif ayaa ku andacoonaya inaysan dowlada ergadeeda horfariisanayn wax xal ahna aan la gaarayn inta ciidamada Itoobiya ku jirto gudaha dalka Somaliya. Taas oo ah xujo caqabad ku ah isfaham dhex mara labada dhinac.

 

 

 

 

 

Dhinaca dowlada KMG ah ayaa iyaguna sheegay inaysan ciidamada Itoobiya ka bixi doonin Somaliya illaa wadanka la keenayo ciidamo nabada suga oo ka socda qaramada midoobay arintaasi oo aan iminka muuqan walow marar badan beesha caalamku sheegeen inay diyaarinayaan ciidamo badala kuwa Itoobiya.

 

 

 

 

 

Dad badan oo siyaasada Somaliya u guurgala ayaa shaki ka muujiyay xujooyinka mucaaradka, iyagoo sheegay dhibka Somaliya ka jira inuu soo socday 18 sanno, imaanshaha ama bixitaanka ciidamada Itoobiyana inaysan wax ka badalayn arimaha Somaliya illaa beelaha Somalidu heshiis dhab ah oo wada noolaansho ku dhisan gaaraan.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bethuel Kiplagat “ Qaramada Midoobay waa in ay ciidamo nabad ilaalineed oo deg deg ah usoo dirto Soomaaliya, islaamiyiinta nabada diidana waa in la qo’doomiyo”

 

Wakiilkii hore ee dowladda Kenya ugu qaabilsanaa wada hadaladii nabada Soomaaliya ee lagusoo dhisay dowladda qaran ee hada Jirta Mr. Bethuel Kiplagat, ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay sida ugu dhaqsiyaha badan in dalka Soomaaliya loogu helo ciidamo nabad Ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay.

 

“Qaramada Midoobay waa in ay ciidamo nabada Ilaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo dirto dalka Soomaaliya”ayuu maanta ka sheegay magaalada Bonn ee dalka Jarmalka wakiilkii hore ee dowladda Kenya ugu qaabilsanaa shirkii nabadeynta Soomaaliya ee ka dhacay dalka Kenya Mr. Bethuel Kiplagat .

 

Hadalka Bethuel Kiplagat ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Jabuuti uu ka soconayo dadaal xal loogu raadinayo rabshadaha dalka Soomaaliya ka taagan.

 

“Xabad joojin deg deg ah ayaa looga baahan yahay magaalada Muqdisho”ayuu yiri Bethuel Kiplagat .

 

"Waxaa iminka looga baahan yahay Soomaaliya waa ciidamo nabad ilaalineed oo caalami ah, oo waliba taasina ay ku dhacdo si aad u deg deg badan, waana in si qasab ah nabad looga dhaliyo magaalada Muqdisho” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Bethuel Kiplagat oo ay soo xiganeysay wakaalada wararka AFP.

 

Bethuel Kiplagat ayaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka kaga qeytb galaya kulan looga hadlayo kaalinta war baahinta kaga aadan dhisida nabada iyo xal u helida dagaalada.

 

Kiplagat,waxaa uu ka dalbaday qaramada midoobay in dhinacyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti ay ku qasabto in ay heshiis nabadeed oo kama dambeyn ah saxiixaan.

 

"Islaamiyiinta diidaya wada hadalka nabada waxaa ay dhab ahaantii isku go’doominayaan indhaha shacabka Soomaaliyeed hortooda ”ayuu yiri Bethuel Kiplagat oo intaana sii daba dhigay “Mar kasta oo ay wada hadalka diiwaan waa inta ay isgo’doomiyaan”.

 

Kiplagat,waxaa uu sheegay in ciidamo caalami ah oo deg deg loo keeno Somaaliya ay u googol xaareyso bixitaanka deg dega ah ee ciidamada Itoobiyaanka.

 

"Ciidamada Itoobiyaanku waa in aanay ka bixin magaalada Muqdisho iyadoo aan marka hore la helin ciidamo awood badan oo ka scda qaramada midoobay howshana kala wareega”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Bethuel Kiplagat .

 

"Waxaan u baahanahay ciidamo nabad ilaalineed in la geeyo Soomaaliya si ay nabad u dhaliyaan iyagoo awood adeegsanaya shacabka Soomaaliyeedna u gaarsiiyaan gargaarka bini’aadanimo ee ay u baahan yihiin” ayuu mar kale Bethuel Kiplagat usheegay wakaalada wararka AFP.

 

Waxaa dalka Soomaaliya ku gaajoonaya in ka badan 2 milyan oo ruux,waxaana hadii aan deg deg kaalmooyinka ay u baahan yihiin loola gaarin digniin lagu bixinayaa in lixda bilood ee inasoo aadan ay tiradaasi kor u dhaafi doonto 3.5 milyan oo ruux.

 

Ciidamo nabad ilaalineed oo ka socday Qaramada midoobay iyo Mareykanka ayaa Soomaaliya ka baxay sanadku markuu ahaa 1995-kii,kadib markii lagu guul dareystay howlgalkoodii oo ku bilaabmay dhinaca bini’adanimada,waxaana hada la diyaarinayaa sidii mar kale howlgalkii Qaramada midoobay dib looga bilaabi laha dalka Soomaaliya.

 

Soomaaliya waxaa hada jooga ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo tiro ahaan dhan 2,500 oo askari kana kala socda dalalka Uganda iyo Brundi,waxaana la diyaarinayaa qorshe beesha caalamku ku dooneyso in ciidamadaa booskodoalagulaabdalokuwocaalamiah.

 

 

Xigasho AFP.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dilemma for the Asmara group is, they seem to be out of touch with reality.

They don’t seem to be aware that the international community has many other more pressing issues. They are in fact forcing the world community to continue supporting the TFG and stay the course with regards to the present strategy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To IndaCade's NEPHEW

 

Only the foolish can not see the error of their ways.

You went from dominating the fertile south, taking over Mogadishu to being reduce to seek cover in Asmara & going round in circles in Djibouti.

All this bravado and big talk adds to naught. Somalia has had a paradigm shift which is near irreversible. The TFG strategy of taking incremental steps, seeking viable international support and making its case to the Security Council has paid off.

 

Its easy to send children on a bombing spree, its harder to hold territory, build working administrations. Fake clan courts with no administration are no answer adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

The Isbaheysiga under the leadership of Sheikh Sharif have the integrity to leave or remain and make their presence felt - cause of their conviction and aim. What has the TFG to offer other than condone the presence of an Ethiopian official in every meeting?

Share this post


Link to post
Share on other sites

You rush in without thinking, what is the issue here? This meeting is in Djibouti at the auspices of the UN, thus who invited who is not important. However these clowns full of clan “integrity” have made themselves look like fools and obstacles to peace.

No one will take them seriously. It highlights that they are not only split, confused but lack confidence. They are suspicious of everyone and everything. Good luck to those who think these clowns will “liberate them”.

 

Mr Juje, your clan militia days were over from 2004 as Siyad Barres regime was in 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Are the 'negotiations' not between the Somali 'govnt' and the opposition? Nowhere have I read Ethio involvement as being part of these talks. They do have a point.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Clearly that was an attempt from Ethiopia’s part to sabotage the progress that was made.

Things are being calmed down by the UN mediators and the peace effort will continue IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lame excuses how can one sabotage anything by attending a seminar, this was not the talks, it was a seminar conducted by the UN.

 

Again the Asmara group have been found wanting they do not know what they are doing. They have embarrased their hosts and the UN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this