Meiji Posted April 10, 2009 Tiirka koobaad ee dawladnimada: Muwaadinnimo by Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow). Eraygga “Muwaadin” maalmahaan aad looma maqal, una maleyn maayo iney dareemi karaan micnihiisa dhabta ah dhallinyarada soo barbartay intii ka dambeysay burburka dawladaa qaranka 1991. Waxaa kale oo la hubaa iney eraygaas iloobeen dadkii goobjoogga ka ahaa dawladnimada iyo aqoonyahaanadii kusoo nacfiyay dawladnimada oo waxbarsho, shaqo iyo sharaf intaba ku helay. Waxaa kale oo la dhihi karaa inaan markii horeba aan shacbiga aad loo barin micnaha muwaadinnimada iyo dawladnimada. Si gaaban haddii loo qeexo micnaha muwaadinnimada waxa la dhihi karaa: waa xubin ka noqoshada rasmiga ah ee dawalad qaran (Somaaliya) ama dawlado isku tegay (Midawga Yurub), gobol (Gedo) ama magaalo (Baidoa). Xubinnimadaas waxaa lagu heli karaa udhalasho ama la dhaqan deganaasho leh, waxeyna ku dhisantahay in xubnaha oo dhan leeyihiin xuquuq siman iyo waajibaad isku mid ah. Markii dawladii qaranka meesha ka baxaday 1991, waxaa eraygaas bedelay erayo kale oo muujinaya xubinnimo ku kooban gobol ama reer oo buuxiyay booskii muwaadinnimada Somaaliya. Tusaale, ruuxu wuxuu xaqqiisa ku raadsadaaa asaga oo sheegta magaca reerkiisa, kursi baarlamaan ku qaadan karaa si reernimo ah, wasiir ku noqonayaa magaca reerka. Muwaadin Somaaliyeed ayaan ahay waxba laguma helo, xisbi mabda’ ku dhisan ayaad ka tirsanahay waxba laguma helo. Sidaad darteed, inta laga gaarayo waqtigaa doorashooyinka xorta ah, reerku wuxuu noqday waxa kaliya oo looga qeybgeli karo siyaasadda dalka. Waxaana shaki la heyn in xaaladaasu ay sii dilayso dareenka muwaadinnimada iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas darteed, burburkii dawladda qaranku wuxuu reebay dalool weyn oo aan la awdi karin. Dalool xagga fahamka dawladnimada, xagga dhaqanka, sharfata iyo karaamada. Koox kasta oo isku dayday iney buuxiso daloolkaas waa ku fashilantay. Waxaa ugu horeeyay Jabhadihii lagu soo abaabulay Itoobiya oo lagu soo dhisay qaab-reereed hubeysan oo isku dayay iney awoodda qaranka kula wareegaan si reernimo ah. Waxaa la soo tijaabiyay oo suurtagal noqon waayay in lagu dhisi karo dawlad qaabka isbahaysi reernimo. Sidaas ayaana mashruucii reernimadu ugu fashilmay xukunta dawladda. Fashilkaas, inkasta uu kala heer iyo nooc ahaa, hadana marna kalama go’neyn oo wuu isdaba joogay dawladiihi Somaaliyeed oo talada dalka qabtay ilaa 1960. Markii dawladii rayidka aheed laga kari waayay musuqmaasuq iyo qaraabo-kiil ayaa Ilaahey ku saliday ciidan careysan oo ay dabada ka riixaysay dawladda Ruushku. Dawladdii kacaanka ee 1969 oo bilawgii hayi kicisay dadka oo kusoo jiidatay barnaamijyada sinaanta iyo shaqadada, waxey ayana cagta saartay waddii kuwii hore ku fashilmeen oo ku dhisan qaraabo-kiil, eex iyo hantida qaranka oo la gorfiyay, lana mudursaday. Waa qaab guracan, waa boob iyo sadbursi kasoo horjeeda fikirka dawladnimada oo ku dhisan “muwaadiniin siman”. Waa sinnasho aan ku xirneyn dhalasho, dhaqan, lab iyo dhidig, jinsi iyo luqad. Muwaadiniintaas waxey leeyihiin xuquuq siman sharciga hortiisa, waxaan saaran waajibaad isku mid ah sharcika hortiisa. Nidaamka dawladnimada casriga ah kuma jirto wax kala soocaya dadka muwaadiniinta ah, kuwooda fiican iyo kuwooda xun, muwadinnimada waa usimanyihiin. Muwaadin kasta wuxuu helayaa abaalmarin ama ciqaab shaqsi ah qaanuunka hortiisa ee miisaan kale lama sari karo. Sidaas ayada oo ah, hadana muwaadinnintu waa kala fiicanyihiin, waxeyna u kala baxaan kuwa baari ah iyo kuwa caasi ah. Kuwa baari u ah dalkooda, dadkooda iyo diintooda, iyo kuwa intaasba caasi ku ah oo hadana aan la tuuri karin. Kuwa caasiga ah waa kuwa loogu tala galay in lagu edbiyo xabsiyada iyo xerooyinka xanaaneynta. Muwaadinka fiican waa qof u hogaansama qaanuunka dawladda oo aan sharciga jebin. Waa qof bixiya qaaraanka dawladda (canshuurta) oo aan la’aanteed dawlad la noqon karin. Waa qof shaqeysta oo naftiisa iyo qoyskiisa masruufa. Waa qof kaalmeeya inta ka tabarta daran oo gaarsiiya mucaawino. Waa qof aan khiyaanin waddankiisa oo aan ka shaqeyn danaha dawlado kale oo cadaw la ah dalkiisa. Waa qof xoogga saara inuu iibsado waxyaabaha dalkiisa laga sameyo ama laga soo saaro si uu u kobco dhaqaalaha dalkiisu. Waa qof xor ah, sheega waxyaabaha runta ah, taageera waxyaabaha saxda ah, kana soo horjeesta waxyaabaha khaldan. Muwaadinka fiican waa qof iskaashi la leeyahay dadka uu la wadaago fikirka, shaqadu ka dhexeyso iyo kuwa dariska la ah. Muwaadinka fiican waa qof aan wax xadin, wax boobin, been aan sheegin, wax aan khiyamin, qoyskiisa si fiican udhaqda, caruurtiisa barbaariya. Muwaadinka fiican waa qof ixtiraama xornimada, dareenka iyo qaab nololeedka muwaadiniinta kale iyo aadamiga oo dhan. Ugu dambeyntii, muwaadinka fiican waa qof leh dhaqanka iyo akhlaaqda fiican ee diinta Islaamku na fareyso. Muwaadinka xun, waa qof nuxnux leh, hadal ku nool ah oo inta shaqeysata ku dul nool. Ku dulnoolaasho ku dhisan tuugsi, khiyaano ama boob. Kuwaas qaarkood, waxey isku haystaan iney dadka ka diin badanyihiin, ka waxgaradsanyihiin, kana nasab sanyihiin. Waxey isku haysataan iney yihiin libaax dadka kalena waa waxba. Kuwaas agtooda, dadku ma aha muwaadiniin siman oo dadka waxaa ugu fiican reerahooda, xaqna u leh iney reeraha kale xukumaan, xoog ama xeelad. Kuwaas qaarkood, dadku Muslim umawada aha ee waa in loo kala saara sidexda “M” midkood: mu’min, munaafaq iyo murtad. Sidaas darteed, dadku ma aha muwaadiniin siman. Sidee loo simi karaa muslimka fiican, munaafaq iyo murtad? Muwaadinka xun waa sharci jebiye, qaraan-diidka dawlada iyo qoys burburiye. Muwaadinkaas dhaqankiisu xumaaday wuxuu culeys joogto ah ku yahay muwaadiniinta fiican, dhaqan celinna ka sugayaa asaga oo aan luminin muwaadinnimadiisa. Hadba waxaan aheyn muwaadinnimo dawlad Somaaliyeed kuma sameysmeyso. Dawlad waxaa sal u ah muwaadinnimo loo simayahay xuquuqda iyo waajibadka. Ruux kasta oo muwaadin ah ayada oo aan loo kala saarin mid fiican iyo mid xun, waxey u simayihiin qaanuunka hortiisa. Ilaalin qaanuunkaas waxaa ka mas’uul ah hay’adda garsoorka ee dawladda. Somaaliya, qaanuunkaas waa inuusan khilaafin mabaadi’da Islaamka oo ku dhisan fahamka dhedehxaadka ah oo ka fog seef-laboodnimada (tadarufka). Dawladda Somaaliyeed, ugu horeyntii waxaa laga sugayaa iney sugto nadagalyada muwaadin kasta. Waxaa dawladda looga fadhiyaa xaqiijinta ujoodooyinka waaweyn ee shareecada Islaamka oo ah: Ilaalinta iyo badbaadinta nafta, maalka, sharafta, diinta iyo caqliga muwadiniinta. Hawshaas waxaa laga rabaa dawladd ee ma aha mid laga sugaayo koox siyaasadeed. Caadifo diineed ama mid reereed aan sal sharci ah laheyn oo lagu hawlgalo waxaa u dambeeysa shanlaay iyo calaacal. Waxey ku biyo shubteen, inta badan, arin owr ku kacsi siyasadeed ah, oo dabayaaqadeedana taagerayaashu farta qaniinaan. Fikirka muwaadinimada waxaa asaaska u dhigay “Dastuurgii Madiina” oo Nabigeenaa (saw) oo ku dhaqay dadka kala diinta iyo kala dhaqanka ah ee deganaa Madiina markii uu halkaas u haajiray. Waxaa muuqata in muwaadinnimada iyo dawladnimada uu isku xiray Nabigeynna suban (saw). Waxaa kale oo la hubaa in asaaska loo dhigayay “umadd” ku dhisan mabaadi’da Islamka oo ka gudubta qaabka reernimada. Muwaadinimadu ma diideyso in daku ay yihiin qabiilo iyo degaanno danahooda ka shaqeeya ayaga oo aan ku xad gudbeyn muwaadiniinta kale iyo dastuurka qaranka. Muwadinimada ayaa ah unuga koobaad iyo salka dawladnimada wanaagsan (good governance), waxey ku dhisan in dalka xukunkiisa loo simanyahay, loo tartamo, xisbigii ama ruuxii hela codka dadka intiisa badan, talada loo dhibo muddo xaddidan. Hadii uu hawsha ugasoo bixi waayo sidii la rabay, waa in lagu ridi karo tantan kale, bedelkiisana ruux kale la dooran karo. Sidas ayaa shacabku wuxuu kusoo dhacsan karaa awoodiisa, wuxuuna qasbi karaa inuu xukumo ruux ay raalli ka yihiin oo kaliya. Arinkaas waxaa lagu magacaabaa “demoqaraadiyad” ama “shura” oo nuxurkooda siyaasadeed isku mid yahay. Muwaadiniinta waxaa ka mamnuuca iney xukunka iska booban, xooggna isku xukumaan, haddi ay dhacdana, waa xaald jiro ah oo aan horseedeen bulsho caafimad qabta oo u horumarta. Intaas ma isla fahamnaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted April 10, 2009 Tiirka labaad ee dawladnimda: Qaaraanka dawladda by Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow). Sida dadka Somaaliyeed intooda badan uga fikiraan dawladnimada waxay qaloocatay waqti hore, waxayna u baahantahay sixitaan xoog leh. Dawladnimo waxay ku dhisan tahay muwadinnimo, sharci iyo dhaqaale. Sedexdaas arin oo leh maamul iyo madax aan ka weecan sharciga, dadku u simanyahay, dhaqaalana inta ururisa aan ku takri falin. Muwaadinnimadu waxey ka dhigan tahay in loo sinaado dhibka iyo dheefta dalaka. Sharcigu wuxuu tusaaleynayaa qaabka muwaadinniintu uga wada qeybqaadan karaan hawlada dalka ayaga oo isku xuquuq iyo waajibaad ah. Waxaa kale uu sharcigu sheegayaa sida laga yeelayo muwaadinkii ku xadgudba xuquuqda, waajibkana ka mermeera. Dhaqaalaha la’aantiis waxba ma suuragelayaan. Dhaqaalaha dawladuhu waa qaraan laga ururiyay, waxaana loo yaqaannaa “cashuur”. Erayga “cashuur” ma aha eray macaan, wuxuuna u dhedhamayaa sida wax qasab ah oo aan ralli laga ahayn. Laakiin, erayga qaraan waa micno dadka Somaaliyed yaqaaniin oo ruuxii “qaraan diid ah” la isku waafaqsan yahay inuu yahay ruux wanaag diid ah oo la cambaareeyo. Sidaas oo kale ayaa dalalka horumaray loo cambaareeyaa ruuxii cashuurta aan bixin, dambiga ugu weynna lagu qaadaa. Somaalida qaarkood waxey aaminsan yihiin in cashuurtu ay xaaraan tahay oo micnaheedu noqonayo dawladnimadu waa xaaraan. Qaar kale waxey sheegaan in cashuurta tahay “xoolo jinni” oo ay bannantahay in la boobo. Sidaas darteed ayaa xatooyada hantida dawladda loo baneystay, dawladiina sidaas lagu kala diray. Ummadda muslimka ah waxaa qaaraanka dawladda u dheer, dhaqaale kale oo loogu tala galay dadka aan awoodin iney shaqeystaan. Qaraankaas waxaa lagu magacaabaa “Zako” waajib ah iyo sadaqo dheeri ah. Micnaha weyn ee dawladnimada waa in muwaadiniinta shirkada ku ah dalka, dawladda iyo diintu ay bixiyaan qaaraan ay ku maamushaan dalkooda iyo zako iyo sadaqo lagu kaalmeeyo muwaadiniinta intooda tabarta daran. Laakiin fikirka dawladnimada aan soo sheegnay laguma dhisin dawladda Somaaliyeed. Waxaa lagu bilaabay fikir qaloocan oo gaasir ah. Fikirkaas waa: dawlad ku dhisan kalmo, kabid iyo dayn. Kalmo ama mucaanino waa sadaqada loo bixiyo bani-adannimada (humanitarian assistance), kabid dhaqaale (economic assistance) waa mucaawinada aan dayn aheed oo lagu kabo dhaqaalaha dawladda, daynna waaba la yaqaan oo wax la soo celinaayo oo dulsaar leh (intrest). Gacan-hoorsigu wuxuu unoqday dhaqan joogto ah ee madaxda dawladda Somaaliyeed, maxaa yeelay dawladihii isticmaarku kama tegin dawlad dhaqaale ahaan isbixin karta. Tusaale ahaan, 1957 miisaaniyadda dawladdii maamul hoosaadka Somaaliya ee gobolka koonfurta waxey ahayd $14.1 milyan. Miisaaniyadaas waxey ka koobneed $6.9 milyan oo ah dakhliga gudaha iyo $7.2 milyan oo ah kabid dhaqaale ee dawladda talyaaniga. Sidaas ayaa lagu bilaabay Somaaliya dawlad aan bixin karin mushaarka shaqaalaheeda. Markii gobonimada la qaatay 1960, intii laga fikiri laha isku filnaasho dhaqaale oo ku timaada horumarinta ilaha dhaqaalaha, dawladda Somaaliyeed waxey xoogga saartay iney hesho kalmo caalamai ah iyo iney gasho kharaj ayan ku filneyn bixintiisa. Somaaliya waqtigaas waxey heysatay fursad qaalli ah oo ay ku tartamayaan dawladaha reer Galbedka iyo kuwa reer Barigga. Waxey ka faa’ideysatay dagaalkii qaboobaa (cold war) iyo tartankii Ruushka iyo Mareeykanka. Haddii tusaale u soo qaadanno afartii sano ee ugu horeysay gobanimada (1960-1963), kaalmada dawladda la siiyay waxey ahayd sida soo socota. Sanadkii 1960 ($7.89), 1961 ($17.9), 1962 ($21.4), 1963 ($18.75). Waxaa kale oo intaas dheeri ka ah in dawladu qaadatay afartaas sano dayn dhan $ 112.45 milyan. Waxaa mar kasta sii kordhayay farqiga u dhexeeya waxyaabaha dibadda laga keeno iyo waxyaabaha la dhoofiyo. Tusaale: 1974, waxyabaha la dhooqfiyo waxey gaareen $55 milyan, waxyaabaha dibadda laga keenanana $ 175 milyan. Sidoo kale, 1982 waxaa la dhoofiyay $ 167 milyan, waxaana dibadda laga soo dejiyay $ 510 milyan. Mar la isku soo duubo, muddadii u dhaxeysay (1960-1988), waxaa Somaaliya la siiyay kaalmo gaaraya $7.4 bilyan oo isugu jira, kabid dhaqaale oo gaaraya $ 5 bilyan iyo kaalmo militeri, $ 2.4 bilyan. Sidaas ayaa Somaaliya ku noqotay dawladda la siiyay kaalmada ugu badan ee Afrika marka loo eego tirada dadkeeda. Hadaba, mar hadii dagaalkii qaboobaa dhamaaday oo caalamka wax tartan weyn ah ayan ka jirin. Mar hadii dhaqaalihii aduunyadu hoos u dhacay oo qaylo dhaan afka labadiis ah la wada yeeray. Mar haddii Somaaliya weyday saaxiib run ah oo u soo gurmada, baadbaadidiyana dawladnimadeeda. Mar hadii dadka Somaaliyeed iyo dawladda Somaaliyeed indhohoodu u jeedaan dibadda iyo in kaalmo la siiyo oo ayna welli goosan iney isku filnaadaan. Habada yaa dawladda Somaaliyeed ku tashaneysaa iney masruufto? Sida aad la socotaan, waxaa la sameeyay baarlamaan gaaraya 550, waxaa la sameeyay dawlad sal-balaaran oo gaareysa 37 wasiisr, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawladana malaha waa soo socdaan. Waxaa la sheegayaa in la sameynaayo ciidan xoog leh oo dalka nabadiisa iyo kala dambeyntiisa soo celiya. Waxaa loo baahanyahay shaqaale la hawlgeliyo iyo in dib loo dhiso kaabayaasha dawladda. Hadaba xagee misaaniyad laga keenayaa oo yaa dawladda Somaaliyeed masruufaya? Ma waxey ku tashaneysaa dawladaha Carabta oo looga bartay balanfuryo, af-macaan iyo hawl-qabad xumo? Jaamicadda Carabta oo bilawgiiba muujisay taagero xumo markii ay dawladda siisay $1 milyan oo doollar. Shirkii ugu dambeyay ee madaxda dawladaha Carabtu isugu yimaadeen dalka Qatar, taageero Somaaliya geesinimo gelisa lagama maqlin. Ma waxaa dawladu ku tashaneysaa UNDP lacagaha lagu soo shubo oo dawladiihii horeba masariif “ku dhimo ah” siin jiray? Dawladihii bixin jiray kalmooyinkaas waxey ku mashquulsan yihiin sidii ay dalalkooda uga badbaadin lahayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray. Ma waxaa dawladu ku tashaneysaa ilaha dakhliga dalka iyo qaraanka dadka Somaaliyeed? Dadka Somaaliyeed sidaas ma u ogyihiin oo diyaar ma yihiim? Ma la hubaa in qaarankaas si xalaal ah loo maamulayo oo dadka qancisa? Ma laga leexanayaa dhaqankii looga bartay madaxda Somaaliyeed ee ku takri falka hantida guud ? Waxaa muhiim ah in dadka Somaaliyeed iyo madaxdiisu isla fahmaan daruustii ay ku duntay dawladii Somaaliyeed 1991 oo ay sal u aheed in dawladu waysay dhaqaale ay ku wado dalka markii laga goostay kaalmooyinkii la siin jiray. Dabadeedna, waxaa la bixin waayay mushaarkii, saboolnimadii ayaa badatay, laaluushkii iyo musuqmaasuqii ayaa kobcay, bangiyadii ayaa gorfay, dawladiina waxay ku baaqday iney kacday (bankruptcy). Dawladihii KMG ahaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2000) iyo Kenya (2004) waxaa lagu saqiir suujiyay (infanticide) kaalmadii oo loo diiday. Sidaas darteed, waa in dadka iyo dawladda Somaaliyeed la yimidaan dhaqan cusub ee dawladnimo. Dhaqankaas oo ku dhisan isku tashi. Dhaqaankaas wuxuu ka bilawdaa in dawladu ay tabarteeda socoto oo ayana marna isku haleyn kaalmada dawladaha kale. Arinkaas wuxuu ku imaan karaa in shacbiga Somaaliyeed ogaadaan, kuna qancaan ineysan dawlad helayn haddii ayna qaaraanka dawladda bixin. Labadaas qodob hadii la isla fahmo, inta soo hartay waa farsamada iyo maamulka oo la hagaajiyo. Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaan, xikmad waqti hore la sheegay oo ku saabsan dawladnimada. Waxaa la yiri: dawladu ma jiri karto ciidan la’aantiis, ciidan ma jiri karo dhaqaale la’aantiis, dhaqaale ma jiri karo wax soo-saar la’aantiis, wax soo-saar ma jiri karo nabad iyo cadaalad la’aantood. Sidaas darteed, dawladu ma jiri karto haddii ayna keenin nabad iyo cadaalad oo sababa wax soo-saar oo sababa dhaqaale oo sababa jiritaanka ciidanka iyo dawladda. Hadaba, inta isweydiinno yaa masruufaya dawladda Soomaaliyeed, ma ku heshiinaa inaan isku tashanno, Ilaaheyna talo saaranno? Ma isla garanaa in xaalkeenu maraayo: bushi badan, baahi badan iyo baryo badan waa la isku nacaa!!. Ma wada xasuusanaa maahmaahooyinka Somaaliyeed ee ah “biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa!! Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan!! Mise dullinnimada, dawlad la’aanta iyo dawarsi aan caadeysannay ayaan ku joogeynaa!! Ilaa intee aan ku joogeynaa!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 24, 2009 Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada: W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) Xeer, qaanuun iyo sharci waxey dhammaan tilmaamayaan nidaam lagu xeeriyo xiriirka qofka, qoyska, bulshda iyo dawladda. Nidamkaas wuxuu noqon karaa mid ku saleysan Shareecada Ilaahey ama mid dadku ay ka qaateen waayo-aragnimada aadamiga. Ummadaha Muslimka ah waxaa laga rabaa in xeerarkooda, qawaaniintooda iyo sharciyadooda aysan ka hor-imaanin nuxurka mabaadi’da Islaamka. Taas minaheedu ma aha inaan loo ogoleyn ka faa’deysiga waayo-aragnimada dawladnimo ee ummadaha kale. Haseyeeshee, dawladaha la soo gumeystay sida Somaaliya, qawaanintooda waxaa sameeyay gumeysiga oo ka tixraacay qawaaniintooda. Gaar ahaan, dalalka Muslimka ah waxaa soo gumeystay dawlado aan ku diin aheen, kuna dhaqan aheen, kuwaas oo keenay waxyaabo badan oo khilaafsan diinta iyo dhaqanka. Waxaa dalakaas lagu talaalay fikirka “cilmaaniyadda” (secularism) oo ay sal u tahay in Islaamka laga fogeeyo xukunka, diinta iyo dawladdana la kala saaro. Sidaas darteed, madaxdii xukunka Somaaliya soo qabatay bilawgii gobanimada waxaa ka horyimiday mushkilad ah qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga iyo shabcabkooda oo aan qawaaniintaas ictiraafsaneyn oo uhaysta iney tahay qawaaniin gaallo. Qawaaniinta dawladu ma aha xeerkii dhaqanka u ahaa beelaha oo odayaashu xeerintiisa yaqaaniin, mana aha shareecada Islaamka oo culimada wax laga weydiiyo. Intaas wixii kasoo hara dadweynahu ma ictirafsana, qiima xeerna uma laha. Sidaas darteed, hadii la jebiyo qawaaniinta dawladda, dadku uma arkaan iney tahay dambi Ilaahey agtiisa, mana aha wax bulshadu isku ceebiso. Hadaba in qawaaniintaas la jebiyo miyaa loo daahaya? Haddiise qawaaniinta la jebiyo miyaa bulshadu nabad iyo nolol heleysaa? Sidey Somaaliya dawlad ku noqoneysaa haddii aan qaanuun loo hogaansameyn? Sidey lagu sameen karaa qaanuun dadku intiisa badan rumeysanyihiin oo haddii la khilaafo aakhiro la isku haysto aduunyadana la isku ceebiyo? Haddii aan isku raacno sida ayaamahaan socota in Shareeda Islaamka la isku xukumo, side loo dhaqan gelinayaa? Yaa sheegaya waxyaabaha shareecada khilaafsan iyo waxyaabaha waafaqsan ee qawaaniinta dalka ku jira? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa jawaab sugaya, laakiin maqaalkaan looguma tallagelin inaan uga jawaabno. Waxaan ka rabnaa oo kaliya inaan isku baraarujinno baaxadda arinka xaalka ubaahan. Qaanuunka dawladda waxaa ugu horeeya waa dastuur. Hadaba, waa maxay dastuur? Su’aashaan waxaan u keenayaa, waxaan ogahay iney jiraan Somaali uyaqanna dastuur inuu yahay qaanuun gaalo, Muslimiinta dastuurkooduna yahay Qur’aanka Kariimka ah. Waxaa dadka qaar si khaldan ufahmeen orahda dhaheysa dastuurkeynu waa Qur’aanka “al-Qur’aanu dastuuruna” oo micnaheedu yahay dastuurku waa inuusan khilaafin Qur’aanka. Qur’aanku, dastuurka sida loo yaqaan, waa weynyahay, waa hadalkii Ilaahey oo lagu soo dejiyay Nabigeynna Muxammad (saw) oo natusaaleynaya sida Ilaahey rabo inaan ucaabudno. Qur’aanku wuxuu tilmaan guud ka bixinayaa sida Ilaahey ka rabo in aadamigu ugu noolaado dhulka. Dhanka kale, dastuur waa qaanuunka qaanuunyada asaaska u ah oo dawladaha iyo hay’aduhu sameystaan. Waxaa Muslimiinta tusaale u ah dastuurkii uu sameeyay Nabigeenna Muxammad (saw) markii uu uhaajiray Madiina. Halkaas waxaa ku wada noolaa Muslimiin, Yahuud iyo gaallo kale. Waxaan Nabigu (saw) sameeyay heshiis lagu magacaabo “Axdiga Madina”. Hehsiiskaas wuxuu qeexayay sida loogu wada noolaan lahaa magaalada Madina. Dastuurada dawladaha casriga ah wuxuu ka koobanyahay mabaad’i guud, wuxuu qeexayaa casimadda, xuduudda dalka, muqaalka calanka iyo astaanka qaranka. Wuxuu qorayaa qaab-dhismeedka dawladda iyo waajibaadka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu kala bixniyaa awoodaha baarlamaanka, xukuumadda, madaxweynaha iyo maxkamadda sare. Arimahaas aan soo sheegnay waa arimo lagu heshiiyo oo dal kasta sida ugu haboon u sameysto. Dastuurada qaar waa gaabanyihiin, kuwa kalena waa dheeryihiin. Tussale, Axdiga KMG ee lagu sameeyay Kenya (2004) wuxuu ka koobanyahay 71 qodob (article). Axdigii ka horeeyay ee lagu sameeyay tuulada Carta 2000, wuxuu ka koobanyahay 38 qodob. Dasturkii dawladii kacaanka wuxuu ka koobnaa 112 qodob. Diinta Islaamku ma sheegin qaabka xukumadu u egtahay iyo nidaamkeeda dhismaha ee waxey sheegtay qaabka la raacayo si xukumad loo sameeyo iyo waajibaadkeeda. Waxaa la rabaa in xukumadu ku timaado wada-tashi (doorashooyin demoqradi ah). Dad badan ayay la xuntahay adegsiga eragga dimoqraadiyada oo uhaysta iney tahay gaallnimo. Laakiin, sidaas ma aha hadii loola jeedo in la isdoorto oo kalitalisnimo la diido. Demoqradiyada aan ka hadleynoo waa Muslim ee cilmaani ma aha, waxeyna diideysaa in xukunka xoog lagu qaato. Labada aayadood oo ka hadlaya in laga tashado arimaha ummada Mulimka ah waxey sheegyaan in wada-tashigu yahay dhaqan lagu yaqaan muu’miniinta “wa amruhum shuura baynahum” iyo in Nabigi Moxamed (saw) oo Ilaahey ku amray inuu dadkiisa la tashado “ wa shaawirhum fil amri” . Tass waxaa lagu fasiray in xukunku marka hore wada-tashi ku yimaado, wada-tashina lagu maamulo oo aan marna la ogolaan kali-talis. Yaa lala tashanayaa? Go’aanka ka soo baxa wada-tashiga qasab miyaa in madaxdu uhogaansanto? Haddi madaxdu takrifal sameyso waxaa la sameynayaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo la nooc ah, waxaa loo daayay dadaka ku nool meelaha iyo waqiyada kale duwan. Waxaa kale oo xukumadda waajib ku ah iney Shareecada ku dhaqanto oo nuxurkeedu yahay in wixii wanaasan la is faro, wixii xunna la iska fogeeyo ( al-amru bil macruuf wa nahyu canil munkari ”. Tafaasiisha waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha xun waxaa qeexayaa Shareecada Islaamka oo leh qaybo aan isbedelin (thaabit) iyo waxyaabo isla bedela waqtiga, goobta iyo xaaladda (mutagayir). Laakiin xukumadaha casriga ah, faahfaahinta waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun oo reeban waxaa lagu qoraa qawaaniinta kala duwan ee dalka. Sidaas darteed, xukumadaha casriga waxey sal u ah dastuuro casri ah iyo qawaaniin faahfaahisan ee lagu xeeriyo qeyb kasta oo nolosha ka mid ah. Haddii dalku rabo inuu ku dhaqmo Islaamka wuxuu ku qoraa dastuurka in qawaaniintisu ayan khilaafi karin mabaadi’da Islaamka. Tusaale, Axdigii Somaaliyeed ee lagu sameeyay dalka Jabuuti 2000 oo qoraaga maqaalkaan ku jiray dadkii ka shaqeeyay, waxaa ku qornaa “Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama jiraan” (4:4). Qodobkaas waa laga tuuray Axdiga hadda lagu dhaqmo oo lagu sameeyay Kenya 2004. Sidaas darteed, ansixinta ku dhaqanka shareecada waxaa ku filan in qodobkaan baarlamaanku dib ugu daro Axdiga, dabadedna hoos loogu dejiyo qawaaniinta iyo hab-dhaqanka xukumadda iyo bulshada. Waxaa kale oo in la fahmo ubaahan, dastuurada dawladaha Muslimka ah intooda badan waxaa ku qoran in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dawlada, hadana Islaamka lagama dhigto marjaca qawaaniinta iyo dhaqanka. Waxaa lagu qoraa dastuuradaas in Islaamku yahay “ saldhiga asaasiga ee qawaaniinta” iwm. Turaale, Axdiga KMG ee Somaaliya wuxuu qorayaa “ Shareecada Islaamku waa iney noqotaa saldhiga asaasiga ah ee qawaaniinta dalka” (8:2) . Bal isbarbar dhig sida qodobkaan uqoranyahay iyo sida lagu qoray Axdigii Carta lagu sameeyay oo aan kor kusoo qornay. Laba afleynta dawladaha Muslimka ah wuxuu keenay iska horimadka ka jira dalalkaas oo ka dhexeeya dhaqdhaqaadyada Islaamka iyo dawladaha. Dawladuhu waxey ku dheganyihiin qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga, xarakaadka Islaamkuna waxey rabaan in dhaqanka iyo qawaaniinta la waafajiyo Shareecada Islaamka. Markii la ismari waayay waxaa dawladuhu adeegsadeen xoog, xabis iyo dil, waxeyna xataa diideen in lagu kala baxo doorashooyin. Tusaale, dalka Algeeriya waxaa xoog lagu maquuniyay xarakadii Islaamka markii ay doorashadii ku adkaatay sanadkii 1991. XAMAS waa la caburiyay markii ay doorashada ku guuleysatay. Dhanka Somaaliya, “Xeerkii qoyska” ee 1975 dawladda Somaaliya soo saartay wuxuu ka soo horjeeday Islaamka, waxaana lagu dilay 10 Sheikh oo arinkaas ka dhiidhisay. Markii xukumadihii kali-talisnimo iyo caburis laga kari waayay, taas oo ay gacan ku siinayaan dawladaha reer galbedka, waxaa sameymay kooxo Islaamiyiin ah oo xanaqsan oo qoragooda garabka saartay, go’aansadayna iney xoog wax iskaga celiyaan. Fikirkoodu wuxuu ku dhisanyahay, dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin iyo gaalada tageerta waa in lala jihaado “ qaniinyo qaniinjo ayaa kaa fujisa” . Kooxo kale oo Islaamiyiin ah waxey qaateen wadda kale oo ku dhisan ka shaqeynta isbedelka bulshada oo waqti dheer u baahan iyo sabar iyo dulqaad in lagula dhaqmo xukumadaha. Kooxdaan dambe waxey rajo ka qabtaa in si nabad ah isbedelka lagu sameeyo. Labadaas aragti ayaa maanta ka jira Somaaliya iyo caalamka oo dhan. Si looga gudbo ismari-waaga arimaha diinta, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon iney tallo cusub ufadhiistaan. Somaaliya dadkeedu waa Muslim, kamana jirinaan kooxo abaabulan oo cilmaaniyiin ah. Isfaham la’aanta diinta ee Somaaliya waxaa sabab u ah sedex arin: (1) Aqoon la’anta in Islaamku yahay diin (caqiido iyo cibaadaad) iyo dawlad (nidaamka mucaamalaadka iyo xukunka). Dadka aan diinta aqoon waxaa iskaga khaldama ficilka dadka sheeganaya diinta qaarkood iyo diinta Ilaahey. Dadkaasu waxey arkeen dad leh magac wadaad oo aan dhaqankeedi laheyn. Arinkaasu dad badan ayey shaki ka gelisay ku dhaqanka Islaamka. (2) Khilaafka siyaasadeed ee hubeysan oo magaca diinta la huwiyay. Waxaa la arkay kooxo umuuqda iney dadka ka xigsanayaan Islaamka, una haystaan in Islaamku yahay sida ayagu wax u arakaan. Sidaas darteed, Islamka hala isku xukumo waxey ugu muuqataa dadka aan diinta aqoon in wadaadada kaliya dalka ay xukumaayaan. (3) Dawladaha Ajnabiga ah oo faraha kula jira Somaliya waxey cabsi ka qabaan ku dhaqanka Islaamka. Dawladahaas waxey si joogto ah ucadaadinayaan xukumadda oo uga baahan kaalmo nooc kasta, haddii lagu madax ageygana waa wiiqayaan. Waxaa loo baahanyahay xikmad weyn iyo farsamo qotodheer. Si looga tilaabsado turanturooyinkaas, waxaa lagama maarman ah in lagu dhaqaaqo tilaabooyin khilaafka lagu soo afjaro. Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la sameeyo hay’ad ay ka shaqeeyaan khubarada qawaaniinta iyo Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney isku aqriyaan shareecada iyo qawaaniinta, iney ka faa’ideystaan cilimi-baarista arinkaas looga sameeyay meello badan oo ka mid ah caalamka Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney kala taliyaan dawladda sida loo hirgeli karo shareecada. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney shirar u qabataan aqoonyahaannada, wacyigeliyaan dadweynaha, kuna qanciyaan aduunyada in ku dhaqanka Islaamka uusan dhibaato ku aheen ummadaha kale. Gunaanadkii, dawladnimada waxaa sal u ah muwaadinniinta qaraanka bixiya, qaanuunkana uhogaansama. Qaannunka koobaad ee dawladu waa dastuurka, dabadedna waxaa la sameeyaa qawaaniinta inteeda kale. Dadka Somaliyeed uma hogaansami yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed, waa inaan sameysanaa qawaaniin aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa lagama maarmaan ah iney ka qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala saarin culimo iyo caami, wadaads iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami. Wadajirkooda iyo isla garashadooda ayaa muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku waa diinteynna! dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo walalnimana waa nolosheynna. Ilaahey intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 24, 2009 Tiirka Afaraad ee Dawladnimada: Xagee degantahay? MAY 3, 2009 Radiofreesomalia.com Aqristaha sharafta leh waxaan xasuusineynaa inaan hore usoo qornay afar maqaal oo ka mid ah silsilada baraarujinta dawladnimada, kuwaas oo kala ah (1) ma ujeesanaa qiblada dawladnimada, (2) tiirka koobaad ee dawladnimada: muwaadinnimo, (3) tiirka labaad ee dawadnimada: qaaraanka dawladda iyo (4) tiirka sedexaad ee dawladnimada: qaanuunka dalka. Si aan u dhammeystirno dhismaha miisaaman ee dawladnimada waxaan maanta soo bandhigeynaa tiirka 4aad oo noqonaya kan ugu dambeeya silsiladaan. Waxaan hore usoo sheegnay in asaaska koobaad ee dawladnimadu tahay muwaadinnimo iyo tan xigtana ay tahay in muwaadiniintu bixiyaan qaaraanka dawladda (cashuurta). Waxaa kale oo aan soo bayaaninay in loo baahanyahay qaanuun haga dawladda iyo shacabka. Aabaha qaanuunka waa dastuurka oo aan soo sheegnay inuu noqdaa mid casri ah oo aan khilaafsaneyn nuxurka mabaadi’da Islaamka. Waxaa kale oo aan soo bandhignay talooyinka la isku waafajin karo qaanuunka dawladda iyo Shareecadda Islaamka, annaga oo waliba ka digeynna “xamaasad keenta deg-deg aan loo diyaargaroobin ama daahitaan niyadjab iyo is dhaleeceen ku dambeysa.” Waxaan soo sheegnay in Shareecada aan loo adeegsan sida mashruuc siyaasadeed oo marxad gaaban loogu talagalay, waana in loo arko iney tahay mashruuc qaran iyo waajib Islaami ah oo laga maarmaan u ah jiritaanka qarannimadeynna, iyo kheyrkeynna aduunyo iyo kan aakhiro. Maqaalka maanta waxaan uga hadleynaa xiriirka ka dhexeeya degaanka iyo muwaadinnimada. Sida la ogyahay, dadka Somaaliyeed waxaa la dhexeeya dalka Somaaliya, laakiin nasiib darro, waxaa qaybshay isticmaarka waqti dadkiisu kala daadsanyahay, uusanna laheyn maamul siyaasadeed oo mideysan. Dawladaha Ingriska, Fransiska iyo Talyaanigu waxey tartan ku soo galeen Geeska Afrika oo noqotay meel istraateeji ah ka dib markii la furay kanaalka Suez 1869. Sidaas ayaa dadka Somaaliyeed waxaa lagu kala ooday xuduud khiyaalli ah oo lagu qoray khariidada caalamka, laakiin aan waxba ka bedelin hab-dhaqanka dadka Somaaliyeed. Sidaas darteed, isma laha deegaanka dadka Somaaliyeed iyo xuduudda dawladda Somaliyeed. Mashruuca dawladda Somaaliyeed ee bilawday 1960kii wuxuu noqday mid qabya ah oo aan buuxineyn hiraalka (vision) dadka Somaaliyeed. Sidaas darteed, dadka Somaaliyeed ee ku firirsan ee Geeska Afrika uma suuragelin iney noqdaan hal dawlo, waxeyna ku kala oodmen afar dawlo oo kale ah Jamhuuriyadda Somaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Hiraalkii halgamayaasha gobonimodoonka Somaaliyeed oo ku dhisneed in Somaalida Geeska Afrika la mideeyo oo hal dawlo la iskugu keeno waxaa soo gaaray dhaawac culus in kasta oo ayan habooneyn in laga quusto, lana aaso. Haddii la qaado dariiq kale oo sax ah, sabar badan loo yeesho, deg-degta, xamaaska iyo xoog adeegsiga meesha laga saaro, waxaa laga yaabaa in la helo wadiiqo suuragal ka dhigta hiraalkaas. Haddii sida aan dooneynay oo ah Somaali mid ah oo hal dawlo ah iyo sida xaqiiqada siyaasadeed noqotay oo caalmkuna ictiraafay iskhilaafeen, waa inaan fikir iyo farsamo kale ku celinaa. Sida loola dhaqmayo xuduudaha Afrika, waxa lagu soo afjaray shirkii lagu qabtay Qaahira 1964 ee dawlaha Afrika ku go’aansadeen inaan la bedelli karin xuduudii isticmaarku uga tegay ee Afrika. Inkasta oo dawladaha Afrika ay ka hortegaayeen dagaallo sokeeye iney ka dhacaan Afrika oo la isku wada qabsado xuduudaha, hadana dawladda Somaaliyeed waxey ufasirtay arinkaas inuusan khuseynin dhibaatada ay Itoobiya Somaaliya ku hayso. Doodda Somaalidu wuxuu ku dhisnaa in Itoobiya ay tahay isticmaar madow oo Somaliaya qayb ka mid ah isticmarsaday, sidaas darteed khilaafka Somaaliya iyo ayada u dhexeeya uusan khuseynin go’aanka Afrika. Haseyeeshee, arinkaas dawladda Somaaliyeed waa ka iibin weysay caalamka intiisa kale, ayaduna waa ku xaqiijin waysay xoog iyo xaajo. Sidaas darteed, xuduudda Somaaliya la leedahay dawladaha Itoobiya iyo Kenya ma aha mid fadhiya oo heshiis rasmi ah laga gaaray. Taas micnaheedu waa in soodinta dawladda Somaaliyeed ayaan qumaati u qeexneyn. Hadaba, dhibka Somaalida haysta waa ka mid ah qeexidda muwaadinka Jamhuuriyadda Somaaliyeed. Shacbiga Somaaliyeed ee sedexda dal ee ku yaalla Geeska Afrika kala degan iyo muwaadinka Jahmuuriyadda Somaaliyeed ma u simyihiin muwaadinnimada? Jawaabta su’ashaan waa mid aad udhibadan. Haddii aad ku jawaabto haa, waxaad isku dhaceysaan dawladaha dariska ah adiga oo welliba tabar daran, culeyn aadan qaadi karinna waa kusoo wajahayaa. Hadii aad ku jawaabto maya, waxaad kala takooreysaa Somaalida aad dooneyso iney midoobaan. Bal aan fiirinno sida ay arinkaas ula dhaqmeen dawladihii Somaaliyeed annaga ka eegeynna xagga qaanuunka. Dastuurkii dawladda Somaaliyeed ee 1960 waxaa ku qornaa “in dadka Somaaliyeed yihiin mid oo aan la qeybin karin(1:1) iyoin “ dadku ka koobanyahay muwaadinninta oo dhan”(2:1) . Sidaas darteed ruux kasta oo ah Somali ah wuxuu noqon karay muwaadin Somaaliyeed haddi uu ka tago muwaadinnimada dawlad kale.Dastuurkaasu wuxuu ka turjumayay himiladda midnimada Somaaliyeed oo loo halgamayay. Haseyeeshe, waxaa isbedelay fikirkii waddaniga ahaa oo ku saleysnaa midnimada Somaaliyeed intii ka dambeysay qaran-jabkii 1991. Waxaa arintaas tusaale ka ah sida loo qeexay muwaadinnimada Somaaliyeed, looguna qoray Axdiga Qaranka. Bal aan tusaale usoo qaadanno sida arinkaas loogu qoray Axdiga kmg ah ee 2004 oo lagu sameeyay Kenya. Arinta muwaadinnimada waxaa loo qoray “ ruux kasta asalkiisu yahay Somali wuu noqon karaa muwaadin Somaaliyeed, hadii (a) uu ku dhasho Jamhuuriyadda Somaaliya ama (b) aabihiis uu ahaa muwaadin Jamhuuriyadda Somaaliyeed” (10:2). Dhanka kale, dastuurka Somaliland oo loogu talagalay dawlad ka madax banan Somaaliya inteeda kale, waxaa ku qoran: “ Ruux kasta oo udhashay Somaliland ama ah farac ruux deganaan jiray Somaliland 26 June 1960 ama ka hor, waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin Somaliland” (4:1). Ugu dambeyntii, dastuurka Puntland oo loogu talagalay dawlad goboleed, wuxuu qorayaa in “muwaadinka Puntland waxaa laga soo hubiyaa (markhaati laga keenaa) degmada uu deeganyahay” (5:1). Waxyaabaha aan soo sheegnay waxaan ula jeednaa inaan tusaalle ka bixinno dhibaatada ka taagan xaddidaada xuduuddaha Somaaliyeed iyo muwaadinnimada Somaaliyeed, hadafkeynuna waa isfahamsiin iyo isbaraarujin oo maqaalkan gaban ugama faaloon karno. Hadaba tiirka 4aad ee dawladnimada Somaaliyeed wuxuu noqonayaa in dawladu ay leedahay xuduud aan lagu muransaneyn oo la wada ictiraafsanyahay. Arinkaas, oo muraan taariikhi ah ka jiro, hadda ma sahlana in degdeg loo xallliyo oo wuxuu u baahanyahay jiritaan dawlad Somaaliyeed oo awood u leh. Arinka soo haray oo suuragalka ah waa in muwaadin kasta yeesho deegaan rasmi ah uu ka diiwaan gashanyahay. Axdiga dawlad-goboleedka Puntland waxaa ku qoran arin ku dayasho mudan. Arinkaasu waa isku xirka muwaadinnimada iyo deegaanka. Talladu waa in muwaadin kasta yeesho deegaan uu qaaraan gaar ah ka bixiyo, wax ka dooran karo, lagana dooran karo. Sida ka muuqata erayga muwaadin oo asalkiisu yahay Carabi, wuxuu ku fadhiya micnaha ah “ruux meel degan.” Meeshaas waxaa ugu horeyntii loo micneystaa dalka oo dhan, laakiin waxaa su’aal ah xagee dalka ka degantahay? Xagee gurigagu ku yaallaa? Xagee aad daris ku leedahay oo aad iskaa wax-u-qabso ka bixisaa? Xagee lagugu soo hagaagaa oo caruurtaadu yaqaaniin, kuna cayaaraan? Waxaa lagama maarmaan in ruux kasta oo muwaadin Somaaliyeed ah uu jawaab ka bixi karo su’aalahaas. Waxaa lagama maarmaan ah, inkasta oo dalka oo dhan dadka ka dhexeeyo, in degaannada la kala leeyahay. Degaan kasta waxaa si gaar ah u leh inta degan oo laga rabo iney wanaagiisa, adeegiisa bulsho, wadooyinkiisa iyo nabadiisa hagaajiyaan. Sida la ogyahay, Somaalidu inteeda badan waxey iskugu xirantahay reernimada oo mararka qaar waxey isku mid noqdaan deegaanka. Laakiin, ayada oo aan la diideyn wada dhalashada dhiigga ama wada-dhaqanka diyo-wadaagga ku yimaada, hadana marka aan dawladnimo ka hadleyno, waxaa la rabaa in degaan la iskugu xirmo. Sidoo kale, waa in laga gudbo marxalladii la isku ceebin jiray reernimada oo si kama dambeys ah aan uqirno iney tahay reernimadu wax la isku aqoonsado, la isku ixtiraamo, kheyrkana la isku kaashado. Sidaas ayaa Ilaahii na abuuray ku sheegay Qur’aankiisa, mana aha in la inkiro iyo in la isku dulmiyo ama sadbursi lagu sameeyo. Ilaahey wuxuu ku yiri aayadda Qur’aanka: “waxaan idin dhignay shucuub iyo qabaa’il, si aad isku garataan. Dhab ahaantii, ruuxa Ilaahey agtiisa ugu karaamada badan waa kan ugu cabsida badan.” Hadalka nuxurkiisu waa in ruux kasta oo muwaadin ah dhihi karo, waxaan ahay muwaadin Somaaliyeed oo ii suuragelineysaa inaan dalkeyka ka degi karo meeshii aan doono, muwaadiniinta kalena waxaan ula simanahay shaqada, tacliinta, xuquuqda iyo waajibaadka qaranka. Waxaa kale oo aan ahay muwaadin gobolka (Hiraan, Bakol iwm) iyo degmada (Buulaburte, Xudur Iwm) oo aan ka diiwaan gashanahay, doorashana ka geli karo. Sidaas ayaa dadka oo dhan waxey kala gelayaan degaanno ayaga oo dalkuna ka dhexeeyo. Deegaameyntu waa in loo sameeyaa sharci gaar ah oo ayan ku imaan xoog iyo dhul boobka hadda ay caadeysteen jabhadaha iyo reeraha xoogga leh oo maleyshiyaadka sameystay. Tusaale, ruuxii degaya degmada Xamarweyne ee ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaa lagu shardin karaa inuu deganaado halkaas muddo hal sano oo uu iska diiwangeliyo maamulka degmada si uu u helo xuquuqda dadka degaanka ka dhexeeya. Sidaas darteed, waxyaabaha dawladnimadu u hagaagi weysay waxaa ka mid ah dadka oo ayan diiwaan gashaneyn, ayan tirsaneyn oo aan kala laheyn deegaan loogu soo haagago. Hadii aan dadka la tirin, hadii aan dadku ku xirnaan deegan la yaqanno, si cadalad ah looguma qaybin karo awoodda dawladnimada iyo adeegga bulshada. Waxaa mushkilo ka jirtaa sida degmooyinka loo sameeyay ee ma la xallin karaa? Waxaa lagu doodaa isticmaarkii ama dawladihii ka dambeeyay ayaa iska sameeyay degmooyinka (district) ayada oo lagu abaalmarinayo reero taageerayaal ahaa. Waxaa lagu doodaa ineyan jirin shuruud go’an (criteria) oo lagu cabiri karo meesha noqon karta degmo iyo meesha noqoneysa tuullo. Waxaa la yaab leh in dawladda KMG sameysay degmooyin cusub meello ayan kaba talin. Sidoo kale, Putland waxey sameeysay gobollo iyo degmooyin cusub. Sidoo kale, Somaliland waxey sameysay gobollo iyo degmooyin fara badan. Maxaa gobol ah, maxaa degmo ah? Maxaa xaddiidaya ? Yaa xaddidaya? Su’aalahaas welli si dhameystiran loogama jawaabin. Gunaanadkii, haddii aan ku heshiinno inaan qibladda dawladnimada ujeesanno, afartaas tiir dawladedna aan si habsami ah ugu tiirsanno, waxaan shaki laheyn iney soo noqoneyso dawladnimada Somaaliyeed. Intaas ma kari karnaa? Ma isku raaci karnaa? Mise damiinnimo dawladeed oo gaamuurtay ayaan nagu habsatay? Afarta tiir ma utaagay! Eebahey ma utuugay! Tubta rabow nagu toosi!! Tubta rabow nagu toosi!! Aaamiin .. Aamiin. abdurahmanba@yahoo.c om Quote Share this post Link to post Share on other sites