Che -Guevara Posted October 13, 2010 Faysal Cali Waraabe “Sheekh Shariif wuxuu ka damqan lahaa Haweenka Yaanyada iibiya ee maalin walba ciidamada AMISOM ay ku xasuuqayaan Suuqayada ” Faysal Cali Waraabe oo dhawaan looga guuleystay doorashooyinkii ka dhacay maamulka Somaliland ayaa wax laga weydiiyey xaaladda Soomaaliya iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub ee la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay in ninka uu soo wado uu yahay nin dambiyo waaweyn ka galay maamulka Somaliland iyo waliba isagoo qayb ka ahaa dadkii ka dambeeyey xasuuqii ka dhacay deegaanka Jaziira xiligii uu madaxda ahaa Max’ed Siyaad Barre, waxa uuna Faysal Cali Waraabe uga digay Sheekh Shariif in ninkaasi uu u magacaabo ninkaasi Ra’isul Wasaare isagoo sheegay in uu dambiyo ka galay ummadda Soomaaliyeed. “Waxaa wanaagsanaan lahayd in uu Ra’isul Wasaare u magacaabo nin aan dalka iyo dadka dambi ka gelin ummaddana samatabixiya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo wax laga weydiiyey sida uu u arko dadka xubnaha ka ah Dowladda Sheekh Shariif ee ka soo jeeda Gobalada waqooyi waxa uuna yiri “Dadkaasi waa kuwo dhankaas u shaqo tagay, marka wax la yaab leh ma ahan in ruuxu uu u shaqo tago meeshii ay dantiisu ku jirto”, sidoo kale Faysal ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uuna yiri “Taariikhda baal madow ayuu ka galay, waayo waxa uu ka damqan waayey Haweenka yaanyada ku gada suuqa Bakaaraha ee ay maalin walba madaafiicda la dhacayaan ciidamada Afrikaanka ah”, waxa uuna sii raaciyey “Xitaa waxa uu hilmaamay aakhiradiisii, waayo waxa uu noqday madaxweyne aan warba ka hayn bulshadiisa balse maalin walba dalxiis ku mara adduunka”. Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa ku hawlan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare cusub oo bedela Ra’isul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, waxaana xilka ra’isul wasaarenimada isku haysta xubno fara badan, waxaana ugu cad nin la yiraahdo C/qaadir Xaaji Cali Diini, sidoo kale waxaa ku jira ragga ugu cad cad nin la yiraahdo Saacid waxaa kale oo ka mid ah nin la yiraah C/qaair Iraad iyo ninka haatan sii haya xilka Ra’isul Wasaarenimada C/waaxid Cilmi Cumar Goonjeex iyo ninkale oo isna lagu magacaabo Siciid Qoorsheel, waxaana xarunta Madaxtoonyada ka socda olole aad u weyn oo ku aadan magacaabista Ra’isul Wasaaraha, waxaana Sheekh Shariif soo gaaraya fariimo fara badan oo uga imaanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, iyadoo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif la sheegay in uu si aad ah ugu jahwareersan yahay magacaabista ninka uu u xulan lahaa ra’isul wasaarenimada Soomaaliya, waxayna maamulka Puntland laga soo xigtey in ay sheegeen in haddii aan la siin Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay xiriirka u jari doonaan Dowladda Federaalka. W/D Aiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com Somalitalk.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 13, 2010 faisal cali waraabe wa runti sheikh sharif wa inu raisal wasaare doorta an danbi galin kana naxo dadkisa dalkisa iyo shacabkisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 14, 2010 Mr waraaabe is right this time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 14, 2010 Hebel Waraabe waa soo dibcay. Finland muu kusoo neefsaday mise the reality uu ogaaday miyaa. He sounds like almost a moderate, a reasonable guy. Wixii lagu yaqaanay waa iska dhaafay. Good for him and unlike maraxaan ay isku hadal ahaan jireen oo wali qabyaalad ka korin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 14, 2010 Allah ha u naxariisto intee ku dhimatey gacanta AS iyo hubka AMISOM tuurto. Dadku maxayse u dhex taagan yihiin suuqaan maalin walba? waa yaab runtii. Ugandeeskaasna Bajiye la dhaho waa in xilka laga bedelaa maxkamadna la horkeeno. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 14, 2010 While Sharif Ahmed is a complete joke, Warrabe is even worse.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 14, 2010 ^^ hows waraabe worse? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 14, 2010 ^^^They are both clanist but Warrabe is a much more dangerous clanist, its fortunate that he has no power. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 14, 2010 ^^^faisal is not clanist at all he just loves his country to much that's it Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 14, 2010 ^^^Faisal is a clanist and he has no country, apart from Finland which I have no doubt he loves.. Quote Share this post Link to post Share on other sites