Sign in to follow this  
General Duke

Lower Shabbele.: clan courts tighten the occupation...

Recommended Posts

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo gaaray degmada Wanlaweyn

Last Updated::2006-10-17 18:09:50

 

Wanlaweyn:-Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo uu hogaaminayo Aadan Xaashi

(Ceyrow)ayaa gaaray deegaanada Walaweyn, Yaaqbariweyne, Leego iyo garoonka diyaaradaha ee Baladoogle.

 

Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa wada olole ay isku balaarinayaa goobaha ay hada ku sugan yihiin ayadoo ay jiraan Maleeshiyooyin ka yimid dhinaca gobalka Shabeelada Hoose in lagu adkeenayo kuwo horey u joogay xadka gobalka Bay iyo Sh/hoose.

 

Aadan Cayroow oo kasoo kicitimay magaalada Baraawe ayaa hada ku sugan degmada Wanlaweyn, ayadoo la sheegay in gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tikniko ay ku sugan yihiin Airporka Balidoogle.

 

Dhaq dhaqaaqan ayaa soo baxaya xili ay ciidamo ka socda Dowlada Soomaaliya ay gaareen shalay degmada Diinsoor.

 

Sidoo kale ciidamo taageersan DFKMG iyo kuwa Maleeshiyooyinka Col.Bare Hiiraale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa maanta gaaray nawaaxiga degmada Bu'aale ee gobalka Jubbada Dhexe.

 

Waxaa si weyn magaalada Muqdisho looga dareemayaa abaabul ciidan oo ay wadaan maxaakiimta.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maleeshiyooyin cusub oo ay maxaakiimta ku tababareen xerada Hiilweyne iyo xerada Carbiska lagu hubeeyo gadiidka tiknikada oo lagu diyaarinayey maalmahan magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaabul ka socda Sh.Hoose

17 Oct 17, 2006, 14:31

 

Maliishiyooyin ka tirsan Maxkamaddaha Islaamiga ayaa manta baro cusub la dejiyay iyadoo barahaasi ay qaarkood xuduud la leeyihin gobolka Bay, deegaanada la dejiyay ciidamada Maxkmaaddaha ayaa waxaa ka mid ah Wanlaweyn, Leego, Balidoogle iyo Yaaqbariweyne.

 

Macalin Aadan Xaashi Cayrow oo ka mid ah urur mas’uuliyiinta xoogaga Al-Shabaab oo ka tirsan Maxkamaddaha Islaamiga oo hogaminayey mas’uuiyiinta manta deeganadaasi tegay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Malishiyadkan loo diyaariyay iney gacanta ku soo dhigaan gobolada Bay iyo Bakool oo dowladda KMG ah ay xarunteeda tahay Bay.

 

Abaabulkii ugu sareeyay ayaa laga daremaya Balidoogle, Leego Yaqbariweyne iyo Walanlaweyn, iyadoo saraakiil uu ka mid yahay Aadan Xaashi Ceyrow uu halkaasi kula hadlay maliishiyooyinka maxkamaddaha oo u diyaarsan duulaan la sheegay in lagu qaadayo Baydhabo.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this