Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland health minister visits sanaag pics

Recommended Posts

Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka Gobolka Sanaag

posted by: Webmaster

wasiirada.jpg

Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka gobolka sanaag Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen isuduwayaasha wasaaradaha iyo taliyayaasha ciidamada.

kulankii1.jpg

 

Waxaana ugu hoaraytii kulankaa ka hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud oo ka war bixiyey xaalada nabad galyada gobolka.

 

Waxaa isna madashaa ka hadashay isuduwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Faaduma Xaaji Xasan Axmed oo ugu horayn soo dhaweysay waftida waxaana ay ka war bixisay sida ay ula shaqaynayso wasaaradeeda waxaana ay tilaamantay inay la shaqaynayso wasiiradeed tii horena ay aad ula soo shaqaysay.

kulankii-wasaarada-ha.jpg

 

Waxaa iyaguna mada shaa ka hadlay isduwaayasha wasaaradaha boosaha iyo isgaadhsiinata ,Beeraha,Waxbarashada qorshaynta ,Xanaanada Xolaha oo dhamaan tooda ka waramay dhibaatooyinka wasaaradohooda iyaga oo tilmaamay inay inta badan ku tilmaamay in uu gobolka sanaag uu yahay mid ka hooseeya gobolada kale ee Somaliland..

 

 

Waxaa isna madashaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo isna dhankiisa soo dhaweeyey waftiga waxaana uu tilamaamay inay isuduwayaashani yihiin kuwo u heelana shaqadoodooda waxaana uu xusay inaa wasaarado badan aanay lahay xafiisyo ,

 

Waxaa iyaduna madashaa ka hadashay wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilahaan Maxamed jaamac oo dhankeda u mahad naqaday isuduwayaasha wasaaradaha waxaana ay ku la talisay inay isku doobnaadaan dalkoodana si weyn ugu shaqeeyaan isuduwakastaana si toosa ula xidhiidho wasiirkiisa.

 

Waxaa kulankaa soo afmeeray wasiirka wasaarada Caafimaadka Xuseen Maxmed Muxumed (Xuseen XOOG) waxaana uu u mahad celiyeye isuduwa yaasha oo uu kula dardaarmay inay iskaashadaana wadashaqayaan una diyaar garoobaan horumarinta gobolkooda dhawaana u diyaar garoobaan 6bilood oo ah waxqabadka xukuumada.

 

Waana taniyo markii ugu horaysay ee xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumada cusub ee madaxweyne siilaanyo ay kulan la qaataan Isuduwayaasha wasaaradaha.

 

C/Naasir khalid siciid

 

Cerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftiga Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Cuqaasha Gobolka Sanaag xarunta Maamulka Gobolka

posted by: Webmaster

kulankii-cuuqaasha.jpg

Ceerigaabo/ToggaHerer

Waftigii wasiirada ahaa ee socdaalka ku marayey gobolka Sanaag ayaa kulan kula qaatay xarunta maamulka gobolka cuuqasha gobolka.

wasiir-ilahan.jpg

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinata maamulka gobolka iyo degmada Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Nimco Xasan Qawdhan iyo wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jamac

 

Waxaan kulankaa ugu horay ka hadlay Jiif Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse oo umahad naqay waftiga waxaana uu uga war bixiyey xaalada gobolka isga oo sheegay inay tahay baahida ugu weyni dhinaca wadada isku xidha gobolka sanaag iyo togdheer waxaana uu sidoo kale xusay in loo dhiso dekeda maydh .

 

Waxaa isna madashaa ka hadlay Jiif Caaqil Maxamed Jaamac Faarax oo ka hadlay dhinaca caafimaadka gobolka oo tilmaamay inuu hada fiican yahay laakiin loo baahan yahay in halkaa laga sii wado .

wasiirada2.jpg

Waxaa iyaguna madashaa ka hadlay Caaqil abokor Xasan ,Caaqil Aaxmed Jaamac Ismaaciil , jiif Caaqil Axmed maxmed Xaashi oo dhammaan tood ka hadlay dhinacyada nabadgalyada Caafimaadka , waxbarashada ,biyaha iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah in gobolka kor loogu qado .

 

Waxaa isna mada shaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo u mahad naqay dhammaan cuuqaasha waxaana uu ku tilmaamay inay cuuqaashani yihiin ku aabaha u ah nabadgalyada gobolka sanaag ku baano.

 

Waxaa iyana madashaa ka hadashay Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshda Ilhaan maxmed Jaamac waxaana ay siweyn ugu mahad naqaday cuu qaasha gobolka oo ay sheeg tay in loo bahan yahay in la ixtiraamo .

 

Waxaa isna soo gabo gabeeyey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xasan Muxumed Maxamed (xoog) oo dhankiisa cuuqaasha ku tilmaamay yihiin lafdhabarka bulshada sanaag oo ay yihiin kuwa ugu qiimaha badan waxaana uu sidoo kale tilmaamay inay inata badan ka shaqaynayaan arimahaa aad cod sateen .

 

 

Kulamadan isdabjooga ah ayaa ah mid ee ay la qaateen cuuqaasha ayaa ah kii ugu horeeryey ee ay la qaataan waftidano madaxdhaqameedka gobolka .

Waftiga ayaa la filayaa inay u anbabaxaan dhinacaa iyo maydh .

 

C/naasir khalid siciid

 

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this