Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xaqdarada maalin walba socoto

Recommended Posts

Xaqdaraan ayaa daily ka dhacdo Soomaaliya. Mööryaan loo giliye tuute, magac dowlad ku sheegna huwan ayaa maalin caddeey kufsado, dilo, xasuuqo, dhacana dad wada maati ah. Sii aqriso xaqdarada iyo xadgudubta ay wadaan, ay heystaan mööryaantaan.

-------------

 

Qaybo ka mid ah daadka xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ee ay geysanayeen ciidamada Militeriga DFKMG ee joogey degmada Diinsoor

 

iisho.jpg

[
Iisho Cismaan Kuule oo gacanteeda ku weysay xabbado ay ku dhufteen ciidamadii militeriga ee Diinsoor joogey
]

 

Intaa kadib waxaan bilaabey baaritaano falalkii kala duwanaa ee ka dhacey degmada Diinsoor intii aan imaan, xiliga aan joogay waxa dhacaayey iyo sababaha keeney, arimahaas waxaan la kulmey islamaalintaas 11/02/2008-da

 

Marwo Iisho Cismaan Kuule oo ka mid ah dadkii ay waxyeelada u geysteen Ciidamada Militeriga ah ee joogey Degmada Diinsoor, islamarkaana kuweysey Gacanteeda Midig, ahaydna Haweeney aan lahayn wax caruur aan waligeed dhalin wax ka weydiiyey qaabka ay wax u gaareen ayaa waxay tiri:

 

“Waxaan tegey meel laga bixinaayey mucaawino, ma wadan wax Hub ah, waxaan watey oo keli ah alaab aan kusoo qaadanayo mucaawinada la bixinaayey qaybta isoo gaarta, abbaarihii saacaddu marka ay ku beegneyd 12:00 Duhurnimo, taariikhduna ay tahay 12kii Janaayo [12/01/2008], ayaa anigoo saf ku jira oo hore iyo gadaalna ay naga jiraan Ciidamada Miteriga oo dadku ay ku kala ceyrinayaan Gaari baroon ah guuxiisa, islamarkaana u sameynaya arrintaas si ay iyaga u boobaan dadka oo xabbadana ay dadka ku ridayaan, dadkuna aysanba waxba u arkeyn xabadaha dhacaaya, waxa keliya ee u muuqdeyna ay ahayd raashiinka ayaa nin lebisan nagu soo ordey aniga iyo haweenkii kale ee safka kuwada jirney, intuu qori nagu foorariyey nagu yiri “Fariista fariista, markii dambana waa nagu furey, aniga goobtii ayaan ku dhacay” ayey tiri.

 

Iisho Cismaan Kuule oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey “in xabbaddii iyada ku dhacdey ay isu gudubtey 4 Haween kale, islamarkaana mid Qoorta ayey uga dhacdey, mid Adinka, mid Gacanta iyo mid ay dhexfariisatey waatan anigana gacanteyda midg ayaan ku waayey”.

 

Mar aan weydiiyey Ninkii falkaan geystey halka uu ku dambeeyeyo ayaa waxay tiri “Ninka falkaan geystey wuxuu ka mid yahay Ciidamada sida tooska ah u jooga Degmada Diinsoor, cid wax ka qabatey ma jiraan ee waxaan si naxariis leh uga codsanayaa dadka Soomaaliyeed ee jooga Dunida Dacaladeeda haddii ay jiraan cid wax ka qaban karta dhibaatada igaartey in wax la iiga qabto” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay Iisho Cismaan Kuule iyadoo ka xun sida loo dhibaateeyey, islamarkaana aan cid ay ugu dacwooto aysan jirin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Awkuusha: “Gabadheydii waxaa lagu diley Gurigeyga hortiisa, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey foolaneysay...”

 

awkuusha.jpg

[
Awkuusha Aadan Mayoow]

 

Sidoo kale Aabaha dhalay gabadhii Uurka lahayd ee lagu diley dhowaan Degmada Diinsoor oo lagu magacaabo Awkuusha Aadan Mayoow oo ah Odey dadka Ugaarsatada ah oo aan haysan wax dhaqaalo ah, islamarkaana ku shaqeyta Ugaarsiga iyo jarida dhista lagu dhiso Guryaha ayna ka muuqato wajigiisa daruuf daran ayaa waxaan wax ka weydiiyey qaabka uu u dhacay dilka gabadhiisa, sababaha keeney in la dilo, halka lagu diley, cida ka dambeysay dilka gabadhiisa iyo waxa loo qabtey ayaa wuxuu yiri:

 

“Gabadheydii waxaa lagu diley Gurigeyga iridkiisa 12 maalmood ka hor, haddii aan kaaga waramo qaabka uu u dhacay dilka wuxuu ahaa, anigoo ka imid daqiiqado ka hor banaanka guriga, neef Ari ah oo iga lumey ayaa gaduudane iga cuney, waxaana ka imid raadintiisa, markii aan arkey neefkii la cunay ayaan dib ugu soo noqdey Gurigeyga waxaana soo doontey Qaanso iyo Leeb si aan u dilo gaduudanaha, balse markii aan ka soo baxay Guriga iyadoo Gabadheyda ila jirta ayaan waxaan ka war helay istaag, markii aan istaageyna waxaan iri maxaa dhacay, waxaa laygu yiri dhig markii aan dhigaayey iyo markii ay ku dhacaysey Gabadheyda Xabada isku mar bay ahayd, Gabadheyda ayaan qabsadey, anigana wax hub ah ma wadan, markii ay ku dhacdey Xabada Gabadheyda, mid ka mid ah ciidamada ayaa wuxuu yiri “yaa soo ridey xabada, mana jirin wax jawaab oo aan markaa maqley oo aan dareemikarey sidaas buuna u dhacay dilka gabadheyda, Gabadheydu waxay ahayd 25 Sano jirin leh laba caruur ah oo yar yar, islamarkaana Uur laheyd, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey foolaneyday” ayuu yiri Mr Awkuusha.

 

Mar aan weydiiyey in wax hore ka dhexeeyeen isaga iyo ciidanka ayaa wuxuu yiri “ anigu wax ciidan la yiraahdo ma garanaayo, wax aan kuwada kulaneyna ma jiraan”.

 

Sidoo kale mar aan weydiiyey waxa ay u qabteen maamulka Degmada iyo kuwa kale ee ciidamada, waxaa uu ku jawaabey “ma jiro wax ay ii qabteen, waxayna igu yiraahdeen Baydhabo ayaan kuu direynaa, warqad Qoraal ah ayaan ku siineynaa,”.

 

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey xubnihii yimid in uu la kulmey iyo in kale ayaa wuxuu yiri “markii aan maqley ayaan u tagey mana jiraan wax ay iweydiiyeen dadka yimid, ee waxaan DFKMG ka codsanayaa in xaqa gabadheyda ay isiiso, maadaama ay iyadu tahay Dowladii dalka ka jirey tahay“. Ayuu hadalka ku gunaanudey Mr. Awkuusha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Wuxuuna (waa mooryaaanta isbaarada u taalo) iska soocayaa kunka duugga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya, inaguna ma nihin dowlad ee...”

 

gooshid.jpg

 

Isaa'q Maxamed Macallin oo ka mid ah kireystayaasha isaga goosha Gobolada Baay, Bakool, Geddo iyo Muqdisho oo aan kula kulmey halka lagu canshuuro Baabuurta Degmada Diinsoor soo gala, islawaqtigaasna aad u yaabanaa ayaa sheegey in ay dhibaato weyn ku qabaan kuwa jooga Goobaha Kastamada DFKMG ee qaada lacagaha, marka laga reebo agagaarka Banaadir, sababtoo ah buu yiri:

 

Waxaad arkeysaa qof mas’uul oo kala soocaya lacagta aan bixino, wuxuuna iska soocayaa kunka duuga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya
, inaguna ma nihin dowlad ee waxaanu nahay shacab, wax Bangi ah oo la geeyo mahayno,
waxaa kaloo dhibaato nagu haya baraha Koontaroolada ee ay joogaan Ciidamada DFKMG, sababtoo ah waxaa nalagu dhacaa Goobaha qaarkood Habeenkii inta u dhexeysa Leego iyo Muqdisho
, iyadoo sidaas ay jirto ayaa hadana waxaa soo batey Isbaarooyin kale, arrintaan Isbaarooyinka soo badanaya waxay soo bilowdeen markii la kala qaadey labada Ciidan ee isku haysta labada Gobol Sh/Hoose iyo Gobolka Baay, Degmada Diinsoor Habeenkii Baabuur ma soo galo kamana baxo, sababtuna waxay tahay ma garaneyno qof aan uga dacwoono intaas oo dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri Isaa'q Maxamed Macallin.

 

Waxaa uuna ka codsadey Isaa'q Maxamed Macallin in ay wax ka qabtaan cida shaqada ku leh dhibaatooyinkaas aan soo sheegay ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

raashin.jpg

 

Baabuurtan waxaa saaran raashiin Hay'ada WFP u qaybinaysay dadkii taagtadarnaa oo lala sugaayey in ay ilaaliyaan Ciidamada Militeriga ee Diinsoor, islamarkaana ku qabsadey dagaalka

------------

 

Ciidamadaan joogey degmada Diinsoor waxay u muuqdeen kuwo aasaya Nidaamkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu lahaan jirey, islamarkaana waxay shaacinayeen Nidaam derida iyo fowdada, halkii laga rabey inay soo celiyaan in ka badan 17-Sano Nidaamkii iyo kala dambeyntii luntey.

 

Guntii iyo gebagebadii akhristoow waxaa wax lala yaabo ah kuwa ku amarku taagleynaya shacabka Soomaaliyeed in ka badan 17-sano, islamarkaana sheeganaya mas’uuliyada waxa dhacaya, kuna faanaya in ay bur buriyeen kuwii ka soo horjeedey, haku waana qaataan dhacdadan sida dhabta ah u dhacdey, islamarkaana uu ilaahay arkaayo wax kasta oo ruux walba sameeyo, lagana gudaayo wixii dambi ah ee uu galay, hana moodin inaad adiga guul heshey ama sida lagaaga guuleystey ay hawshu kusoo gebageboobeyso, balse ma tahay ruux kuwaano qaadanaaya wixii uu soo marey, waxa hadda uu ku jiro sidii uu uga bixi lahaa, ulana qabsan lahaa waxa soo socda, laakiin haddii ay taasi waano kuu noqonweyso ogoow in markaaga lagu dhahaayo ugu yaraan "soco shacabka ayaad ka mid tahaye, haddii kale..."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

So Abu mansoor and the band of brothers he leads had to come to the rescue and conduct operation qur-goyn to get these thugs off the road?

 

 

Looma dul qaadan karo dulmigaan. Most depressing for me back in the days when the war started was seeing the helpless abused by clan militias armed to the teeth. I am glad I left behind that hell hole somalia has become. I would have been dead by now for becoming intolerant to the thugs and pick a war with them.

 

These faithless malaacninah of the TFG whose profession is to kill and rob somalis at gun point and others who support them with their pen are the same. Waa lowly munaafiqiin as they all come.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^War ka daa. Mansuur iyo Mööryaantiisu are not so godly rescue angels.

 

Sheekadan naxdinta leh goor horaan ka akhriyey bogga lagu soo daabacay. Waa mid laga murugoodo balse waxaa ayyaan daro ah in Soomaalida maanta joogta ay dulmiga, xumaanta, fidnada iyo faasiqnimada noqoto nolol maalmeed har iyo habeen lagu dhaqmo sidii duulkii quraanka lagu sheegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ Bro, Their execution and delivery of justice may not be conventional all the time, but I would rather have peace and ruthless religious men with an AK47 ruling over me than accept a horrible existence under clan militias masquarading as government soldiers who would rob me, maim me and rape a younger sister of mine or the neighbour's at their whims.

 

Besides, you need to take a break and come back when you cool off. Maal mahaan waad dambaabi uun saaxib if you visit on a regular basis. Come back in few weeks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ Yaan is dhaamin? ma kuwa dadka dhaca oo qabiilka ku laaya, masaakiintana meelaha ku baar baarto iyo waxaa is bar bar dhigeesaa kuwa dadka wanaagooda ka shaqeeya haba qaldanaadaan mar mar? they are both human beings who are bound to err, but some make their career out of robbery, maiming, rape, and torture while others base their actions according to the best of their abilities on sound justice, so tell me, ma sima yihiin labadaas jamaaco?

 

Waa la iska hadlaa wax looma qoro, warka cadee saaxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Isma dhaanto iyo dhasheedii,sheekadan dad Soomaali ah baa sidan loogalay, ama la bur burshay waan ka dheregsanahay, waana lala wada socdaa, maxaad se shaqsi ahaan ka qaban? mise afka bay idinkaga hartey?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xageed u jibbaysan tahay sxb ,,,,

 

Meesha wax is dhaama ma jiraan ,, qaarna xabashi bay keeeneen oo dadkay habeen iyo maalin madaafiic ku garaacayaan ,,,, kuwa kelena wax ma dhaamaan oo qaraxa ay samaynayaan dad masaakiin ah uun baa ku dhimanaya ,,,, haddana inay madaxa dadka ka gooyaan baabay keeneen ,,,

 

After all, dadka dhimanayaa waa shacab soomaali ah uun ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Now, you can spin your mental wheels arguing over who did what to whom till the cows come home. Truth is, hate is very hard to overcome, especially with memories of injustice which keep fanning the flames.

 

Waa isku sii dhalaaloosaa, rajo ma leh Somalia, Illaahay oo caynsho mooyee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Btw, jimcaale, saxib, I like you bro, you are one of the coolest brothers who visit here, and you are a just man as well. Your record speaks for itself. Losing a relative is not easy, so hopefully you accept my apologies if my message seems out of bounds. Nothing personal bro.

 

I think a break for you from here for a while is good for you. You will deal with a lot of difficult messages that may bother you otherwise. Some here are irresponsible to glorify the death of the innocents, the rape and the torture of people who done nothing, others will reply to them in kind, meesha mar mar lama xamili karo imaatinkeeda. Marka saxib, you are a good man, clan politics ma fiicna. Take care bro.

 

PS: I lost a loved one as well, last year in Muqdisho when the city was in a lockdown and the Ethiopians were massacring the populace left and right. It was difficult to read hypocrites justifying what was going on. It is easy to go off on such irresponsible people, marka, meesha waa laga gambistaa for a while to avoid unpleasant comments bro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Xoogsade: Thanks for your kind words. No need to apologize. You caused no harm. We're exchanging ideas and point of views, hopefully in respectful manner and in compliance with our deen. It does not bother me to read the views of others on this matter including some arrogant, ignorant Kaligiis Muslim but what do not sit well with me is that someone in such character and mindset is supposedly speaking on behalf of Muslims and Islamic values. As if the key of Firdows is in their wallet and ten steps closer to Allah than you. Playing 'I'm the better Muslim' card with a twist of poor taste of comedy has lately become the new way of defending Islam from the Christian Ethiopian army, and dabodhilif gaalo-raacyo. Little do they know Islam forbids debating with non-Muslim, let alone Muslims, unless in the best way and manner possible.

 

Somalis of all regions and walks of life have lost loved ones in these ongoing conflicts. We seem to have accustomed to the never ending warfare and bickering. Sadly, those back home are mostly been effected and bear the greater tragedy. Some of them have sustained great bodily harm, death of family members or destruction of property at the hands of the bad guys, others at the hands of the good guys. I understand it's a two way conflict but one is left with a dilemma, either with us or with them. Either with the good guys and their dulmi and fitna or with the bad guys and ilaa naari jahanam.

 

Why does one have to remain mute on the negligences and misguidance, not to mention abuse done in the name of the deen by the good guys? Has our responsibility to correct our mistakes been nullified in times of war?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this