Member-sol- Posted January 3, 2009 Afhayeenka xarakada Al Shabaab Sh Muqtaar Roboow oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magalada Baydhabo ayaa ka digay dagal dhex mara xoogaga mujaahidiinta marka ay baxaan ciidamada Itoobiya. Hobyonet.Com Sabti, Jan, 03, 2009 Sh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa'id si toos ah ugu qabtay gudaha magaalada Baydhabo ayaa ka digay dagaal ka dhex dhaca mujaahidiinta xiliga ay dalka ka baxaan ciidamada cadwga Itoobiya, isgoo ku tilmaamay arinkaasi mid aad u fool xun. Abuu Mansuur ayaa kula dardaarmay mujaahidiinta inay xabadooda ku kulmiyaan ciidamada cadawga balse aysan iyagu isku isticmaalin, isagoo si cad u diiday in arinkaasi dhaco. Sh Muqtaar ayaa ka hadlayay munasabad ay xoogaga maxkamadaha islaamiga ee ka howlgala gobolada Baay iyo Bakool kula midoobayeen xarakada Al Shabaab, taasoo waxii manta ka danbeeya lagu howlgali doono magaca mujahidiinta Al Shabaab. Waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay talaabada shalay iyo maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee saldhigyada lagu kala qabsanaayo, waxuuna cadeeyay inaan la isku mashquulin goobaha ay ciidamada ka baxaan, lakiin dagalka la sii wado. Afhayeenka ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ay rasasta sii socon doonta xitaa hadii ay ciidamada Itoobiya baxaan, isagoo tilmaamay in ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Itoobiya ay labadoodu ku shaqeynayaan fikir Mareykan, sidaas daraadeed aan la joojin doonin dagalka inta diinta ilaahay kor ay ka noqoneyso waa siduu hadalka u dhigaye. Waa markii ugu horeysay oo Abuu Mansuur uu si kalsooni leh shir jaraa'id ugu qabto goob ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ay xoog ku leeyihiin, tan ayaa muujinaysa awood balaaran ee ay Al Shabaab ku dhex leeyihiin magaalada Baydhabo oo ah degmeda kaliye ee gacantooda ka maqan goboladaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 4, 2009 He was on Aljasiira's Talk to Aljasiira program the other day and today. Asagoo lahaa maqlaaye meel walba ayaa si sharaf leh ugu tagi karaa oo anoo xor u leh. I guess wuuba isku aaminsanyahay waxaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 4, 2009 The man is a hero. Well done. It took 2 years to liberate somalia. Now it's phase 2. Secure and stablize. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 4, 2009 Hero ??? ,,,, come on redka ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 4, 2009 Hero ??? ,,,, come on redka ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites