Sign in to follow this  
Liibaan

Xukun CadaaladDaro Ah:Lagu Dajinayo Beeshii Afdhillo eeloo diidanyahay hogaaminta SNM

Recommended Posts

Liibaan   

Cabdifataax Muuse Yuusuf Oo Dil Toogasho Lagu Xukumay

Wednesday, April 14, 2010

 

Maxaabiistii ku xidhxidhnayd xabsiga mandheera ayey maanta maxkamad maamulka Hargeysa xukun dil ah ku riday Cabdifataax Muuse Yuusuf iyo Maxamed Axmed ******oow iyagoo sheegay in maxkamada la horkeenay cadayno iyo qiraalo.

 

Waxaa kaloo ay dil ku riday nin isna aan goobta maxkamad maamulka Hargeysa joogin oo magaciisa la yidhaahdo Buraale Yuusuf Weris, waxaanay u cuskadeen isagoo ku dhawaaqay urur qarsoodi ah oo ka dhan ah maamulka Hargeysa.

 

 

 

Maxkamadani oo maalmahanba ka socotay xabsiga mandheera waxay kaloo xadhig hal sano ah ku xukuntay Mudane Cabdirashiid Dhabayaco oo ku magac dheer Faroole, hase ahaatee may cadaynin sababta uu ku mutaystey xadhiga halka sano ah.

 

 

 

Waxaa kaloo ay xadhig dheer ku riday dheer oo dhowr iyo toban sano ku xukuntay laba ka mid ah maxaabiistii ay haysteen, halka ay siidaayeen laba u dhashay itoobiya iyo eratariya, oo qaar ay ku sheegeen in wax dambiyo ah lagu waayey, C/fataax Muuse Yuusuf ayaa ahaa madaxa basaasiinta maamulka Hargeysa isaga oo shirqoolo ka dhan ah shacabka gobolka maleegi jiray, inkasta oo aan la saadaalin karin halka ay arrintani saldhigan doonto haddana dadka ku dhaqan SSC waxay u arkaan xaaladahan ka taagan Mandheere gaar ahaan xukunka maamulka Hargeysa ku riday C/fataax Muuse Yuusuf in ay iskula dhaceen godkii iyo booraantii ay u qodayeen shacabka ku dhaqan Laascaanood. waxaase ay shacabku ku tilmaameen xukunka Lagu riday C/rashiid Dhabayaco (Faroole) mid si gaar ah isaga loogu beegsanayo oo markii waxba lagu waayey la doonayo in layska sii haysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this