Jacaylbaro Posted November 7, 2007 Qeybe Oo Golaha Guurtida Ka Jeediyay Aragtidiisa Gobolka Sool Hargeysa(Qaran)-Mudanaeyaasha Golaha Guurtida Somaliland,ayaa maanta maalintii labaad,sii ambo-qaaday dood ay ku naaqishayaan xaalada gobolka.Sool,ka dib markii laga sifeeyay maamulka Puntland. Fadhigii Guurtida ee Maanta oo uu gudoominayay Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalkaas Md Sh Axmed Sh Nuux Fure,waxa aragtidooda ku saabsan qaabka loo xasilin karo iyo maamul u samaynta magaalada Laascaanood,ka soo jeediyay dhawr mudane oo uu ku jiray Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada JSL, Axmed Maxamed Aadan [Qaybe],oo xubin sharafeed hada ka ah Golaha Odayaasha JSL. ayaa ka hadlay aragtidiisa gobolka Sool,dagaalkii ka dhacay ka dib ka waxa waxa uu yidhi “ Waxa dadka[shacbiga Sool] laga dhaaciyay in Reer qabsaday, markaa waxaa loo baahan yahay in wacyi gelin lagu sameeyo oo loo tago”. Md Siciid Shire Xuseen, oo ka mid ahaa mudaneyaashii ka hadlay fadhigii maanta, ayaa Guurtida ugu baaqay in ay horumarinta adeegyada bulshada Gobolka Sool,kaga qeyb-qaataan tabarucaad dhaqaale ,waxana uu yidhi “Waxa Golaha Guurtida somaliland,looga baahan yahay,in ay Sool u jarno dhaqaale aynu ku taakulayno,horumnarinta adeegyada bulshada Gobolka Sool”. Xildhibaan Siciid,waxa isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa aan qabaa xiligan ma haboona in wax la is garab eryo,xaalada gobolka Sool,hada waxa gacanta ku haysa waaxdii fulinta [Xukuumada] markaa waa in wixii talaabo ah iyo gudi ah ee aynu u saaraynaa ay la jaan-qaadaan dawlada,waxana guurtidu ay door ka ciyaari karaan wacyigelinta shacbiga”. Md Cabdiraxmaan Maxamed Muuse,ayaa taageeray in guddi ka tirsan golaha Odayaasha loo diro gobolka Sool,waxa kale oo uu xusay in Somaliland ka hawlgashay gobolkaas oo ay taakulooyin gaadhsiiyeen dadkii ku baro kacay dagaaladii. Xildhibaanada kale ee fadhigaas ka hadlay ay soo jeediyeen in diirada la saaro maamul-fidinta iyo sidii loo soo jiidan lahaa shacbiga gobolkaas.. Quote Share this post Link to post Share on other sites