Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mudane Qaybe and the Issue of Sool

Recommended Posts

Qeybe Oo Golaha Guurtida Ka Jeediyay Aragtidiisa Gobolka Sool

 

Qaybe1.jpg

 

 

Hargeysa(Qaran)-Mudanaeyaasha Golaha Guurtida Somaliland,ayaa maanta maalintii

labaad,sii ambo-qaaday dood ay ku naaqishayaan xaalada gobolka.Sool,ka dib markii laga sifeeyay maamulka Puntland.

Fadhigii Guurtida ee Maanta oo uu gudoominayay Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee

Aqalkaas Md Sh Axmed Sh Nuux Fure,waxa aragtidooda ku saabsan qaabka loo xasilin

karo iyo maamul u samaynta magaalada Laascaanood,ka soo jeediyay dhawr mudane oo

uu ku jiray Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada JSL, Axmed Maxamed Aadan

[Qaybe],oo xubin sharafeed hada ka ah Golaha Odayaasha JSL. ayaa ka hadlay

aragtidiisa gobolka Sool,dagaalkii ka dhacay ka dib ka waxa waxa uu yidhi “ Waxa

dadka[shacbiga Sool] laga dhaaciyay in Reer qabsaday, markaa waxaa loo baahan yahay

in wacyi gelin lagu sameeyo oo loo tago”.

 

Md Siciid Shire Xuseen, oo ka mid ahaa mudaneyaashii ka hadlay fadhigii maanta, ayaa

Guurtida ugu baaqay in ay horumarinta adeegyada bulshada Gobolka Sool,kaga

qeyb-qaataan tabarucaad dhaqaale ,waxana uu yidhi “Waxa Golaha Guurtida

somaliland,looga baahan yahay,in ay Sool u jarno dhaqaale aynu ku

taakulayno,horumnarinta adeegyada bulshada Gobolka Sool”.

 

Xildhibaan Siciid,waxa isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa aan qabaa xiligan

ma haboona in wax la is garab eryo,xaalada gobolka Sool,hada waxa gacanta ku haysa

waaxdii fulinta [Xukuumada] markaa waa in wixii talaabo ah iyo gudi ah ee aynu u

saaraynaa ay la jaan-qaadaan dawlada,waxana guurtidu ay door ka ciyaari karaan

wacyigelinta shacbiga”.

 

Md Cabdiraxmaan Maxamed Muuse,ayaa taageeray in guddi ka tirsan golaha Odayaasha loo

diro gobolka Sool,waxa kale oo uu xusay in Somaliland ka hawlgashay gobolkaas oo ay

taakulooyin gaadhsiiyeen dadkii ku baro kacay dagaaladii.

 

Xildhibaanada kale ee fadhigaas ka hadlay ay soo jeediyeen in diirada la saaro

maamul-fidinta iyo sidii loo soo jiidan lahaa shacbiga gobolkaas..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this