Mintid Farayar Posted May 4, 2009 Puntland oo Dhaliishay Dowlada Soomaaliya By VOA News Washington 01-May-2009 Dowlad-goboleedka Puntland War Saxaafadeed ay soo saareen dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay dhaliil ugu soo jeediyeen xukuumadda Federaalka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla. Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboledka Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo isagu weriyayaasha u aqriyay war saxaafadeedkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu ay dhaliilsan yihiin deeqaha kala duwan ee dowlada Federaalku dibeda ka hesho oo uu sheegay inaan si cadaalad ah oo isku mid ah loogu qeybin dhamaan qeybaha Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sheegay in ay soo jeedinayaan in deeqaha wadanka soo gala si hufnaan ah loo qeybiyo oo Puntland Qeybtooda la soo gaarsiiyo. War Saxaafadeedkaasi ka soo baxay Maamul-Goboleedka Puntland waxay kaloo dhaliil u soo jeediyeen Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla oo ay sheegeen inaanu ku ixtiraamin ka qeybgalida shirarka caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya looga hadlo. Dhinaca kalena, Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG Farxaan Cali Maxamuud ayaa Wareysi ay VOA la yeelatay ku sheegay in dowladda KMG ay tahay tan xaqqa u leh ka qeybgalida shirarka Caalamiga ah, balse arrimahaasi aysan wax shuqul lug ah ku lahayn maamul-goboleedyada ka jira Gudaha Soomaaliya. Midigta Sare ee Boggan ka dhagayso Warbixinta Wareysiga Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaaliya iyo Warbixinta Weriyaha Garoowe. Link Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mintid Farayar Posted May 4, 2009 Like I told Duke and others more than 2 weeks ago, Faroole and Puntland will not/did not receive any funds from the Nairobi and related funds. While many argue from emotion in this Forum, very few actually follow the realities, regardless of whom they support. Quote Share this post Link to post Share on other sites