Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Third day of Battle..Radio Shabele audio..

Recommended Posts

Radio Shabbele Friday 24/March 2006

 

Dagaal kii ka socday Muqdisho oo ku fiday deegaano hor leh

 

Mogadishu 24 March. 06 ( Sh.M.Network) Maalintii 3aad ayaa dagaal culus waxa uu ka soconayaa duleedka W/bari ee Gobolka Banadir, iyadoo dagaalkaasi uu galabta ku fiday deegaano ku dhow dhow Sheekh-Cali Cabdulle, waxaana ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Barakac.

 

 

Gaari uu saaran yahay Qori Dhashiike ah

Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Ganacsadayaasha Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Cadaan, salkana ku haya Gacan ku heynta dekedda Ceelmacaan oo saakay ka bilowday aagagii ay shalay ku dagalamayeen labada dhinac ayaa galabta ku siqay deegaanka Baqalle iyo Sheekh Cali Cabdulle, halkaasi oo rasaas culculus ay ka socoto.

 

Dhinaca Deegaanka Waxar-cadde oo shalay dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay ayaa iminka u muuqato mid dagan, iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo agagaarka Geed-tirka, Baqalle iyo Sheekh Cali Cabdulle.

 

Ilaa labo ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, ka dib markii rasaas Habow ah ay haleeshay, iyadoo 3 kalena dhaawac uu soo gaaray.

 

Marka loo fiiriyo dagaaladii shalay dhex maray labada dhinac ayaa dagaalka maanta sida ay sheegayaan wararka waxa uu yahay mid labada dhinac ay isku caaboon yihiin.

 

Ilaa iyo iminka lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi uu geeystay, iyadoo dagaalkii shalay labada dhinac dhex maray uu ahaa mid aad u xoogan sababayna qasaaro dhimasho oo ka badan 50 ruux, halka tirada dhaawaca ay ka badan tahay intaasi.

 

Ma jirto cid isku howshay dhex dhexaadinta labada dhinac marka laga reebo baaqyo ka kala imaanaya bulshada qeybaheeda kala duwan oo doonaya in la joojiyo dagaalkaasi

 

Wariye Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula oo iminka ku sugan goobta dagaalka ayaa waxa uu soo sheegay in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan, oo la isku ridayo rasaas aan loo meel dayin.

 

Dadweynaha degaanka Waxa-Cadde iyo Huriwaa ayaa isaga baxay guryahoodii, ka dib markii ay u adkeysan waayeen daryaanka madaafiicda iyo rasaasta wiiftada ah, waxaana la arkayay saakay qoysas aad u fara badan oo wata caruur kuwaasi oo ku lugeynaya wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

 

Ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxa ay xaqiijiyeen in isbitalka magaaladaasi la geeyay 5 nin oo dhaawac ah kuwaasi oo ka tirsan maleeshiyooyinka Maxamed Dheere.

 

Xiriiro aanu la sameynay Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ay isi soo tareyso tirada dadka ku soo dhaawacmaya dagaalada ka soconaya deegaanka Waxar-Cadde, iyadoo dadka dhaawaca uu ka soo gaaray dagaalka ay ku jirto gabar yar oo 3 bilood jirta oo rasaas ay ugu timid guri ay ku jirtey.

 

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalamaya.

 

Qasaaraha nafeed ee dagaalkaasi uu geeystay tan iyo markii uu ka bilowday magaalada Muqdisho arbacadii la soo dhaafay ayaa gareysa in kuwo 100 ruux oo dhimasho ah inta la og yahay, iyadoo dhaawac ka badan 150 ruux la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u badan maleeshiyooyinkii dagaalamayay.

 

Garabka Abuukar Cumar Cadaan ayaa doraad ku soo bandhigay Hotel Ramadaan ilaa 4 gawaari oo kuwa dagaalka ah oo ay ka qabsadeen Maleeshiyooyinka Ganacsade Bashiir Raage.

 

Afhayeenka isbaheysiga soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada Xuseen Guutaale ayaa sheegay in isbaheysigooda ay si toos ah uga qeybgaleen dagaalkii shalay , isagoo ku eedeeyay in ay duulaan ku soo qaadeen kooxo uu ku tilmaamay kuwo hooy siiya argagixisada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

 

Shabelle Media Network, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Saaka oo Ay ku dhinteen 25 Halka Ay dhaawacuna yihiin 60

 

(Muqdisho}24.03-06

Dagaalkan ayaa geystay qasaare naf iyo maalba leh, iyadoo wararka laga helayo isbitaalada Keydsaney iyo Madiina ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo kor u dhaafaya 60, halka guud ahaana lagu qiyaasay tirada dhimashada inay gaareyso illaa 25 ruux oo u badan maleeshiyadii dagaalameysay... ...................

 

Waxaa arroortii hore ee saaka laga maqlayay Daryanka Rasaas goos goos ah goobihii ay shalay ku hardameen maleeshiyooyinka ganacsadeyaasha Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar Caddaan, inkastoo ay sidii shalay aad uga hooseyso xasaradu.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladan ayaa sheegaya in haatan ay weli is hor fadhiyaan dhinacayadii shalay hardamay, mana jiraan wax waan waan muuqata oo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, sidoo kalena ma jiraan wax hadal ah oo bixiyeen ganacsadeyaasha Abuukar Caddaan iyo Bashiir Raage, inkastoo ay jiraan xubno kale oo faah faahin ka bixiyay.

 

Dagaalkan ayaa geystay qasaare naf iyo maalba leh, iyadoo wararka laga helayo isbitaalada Keydsaney iyo Madiina ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo kor u dhaafaya 60, halka guud ahaana lagu qiyaasay tirada dhimashada inay gaareyso illaa 25 ruux oo u badan maleeshiyadii dagaalameysay.

 

 

Jordan@Widhwidh.com

 

 

Dib Ugu Noqo Bogga hore Ee Widhwidh Online!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaaniinta oo walaac ka muujisay dagaalada ka socda Muqdisho

 

Mogadishu 24 March. 06 ( Sh.M.Network) Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay sii socoshada dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dadka rayidka ah ku le'anaya.

 

Iyadoo maalintii 3aad dagaalo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka soconayaan magaalada Muqdisho ayaa abwaaniinta ku dhaqan magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen kaalintooda ku aadan dagaalada, iyagoo ugu baaqay dhinacyada diriraya in ay joojiyaan dagaalka, isla markaana ay ku dhameeyeen wada hadal waxii khilaaf ah.

 

Abwaan Maki Xaaji Banadir oo u waramayay shabakada warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo aan faa'iido laheyn isla markaana loo baahan yahay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo.

 

Dagaaladaan oo geeystay qasaaro naf iyo maalba leh ayaaney jirin isku howshay in ay joojiso dagaalkaasi marka laga reebo baaqyo ka kala imaanaya dhinacyada dagaalamaya.

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this