Abwaan Posted May 25, 2005 Xaaladda Caafimaad Wariye Cabdalla Nuuradiin Axmed ayaa ah mid weli kala bixin,wuxuuna weli ku jiraa Como Wariye C/lla Nuuradiin Axmed oo ka mid ah Wariyeyaasha uga caansan soomaaliya ayaa weli waxaa uu ku jira qolka Qalinka ee Isbitaalka Madiino,iyadoo la soo sheegayo in saaka mar kale baaritaan dhinaca Caafimaadka lagu sameyn doona. Nin ku hubeysan Bistoolad ayaa Xalay 3 Xabad ku dhuftay Wariye C/lla Nuuradiin Axmed oo markaas ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho. Dhaawac Wariye C/lla Nuuradiin ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Madiino, halkaas oo Qalin looga sameeyay, mid ka mid ah rasaasta ku dhacday ayaa waxay kaga habsatay Xabadka ama feeraha kor meel u dhaw, mid kalena waxay kaga dhacaday sida la ii sheegay gacanta iyadoo mida 3 kaga dhacaday lugta. Warar goor dhaw naga soo gaaray Isbitaalka Madiina ayaa waxay sheegayan in xaalada C/lle Nuuradiin oo ka tirsan Wariyeyaasha Idaacadda Horn Afrik ee Muqdish ayaa ah mid Wanaagsan, in kastoo C/lle weli uusan hadlin oo Maskaxdiisa caadi soo noqon, waxaana ku rakaban qalab looga talagalay inuu neef ka helo. Saaka ayaa la filayaa in dhaqtarkii Qalinka ku sameeyay uu qabto Shir Jaraa’iid oo ku saabsan Caafimaadka C/lle Nuuradiin oo weli ku jiro qolka Qalinka. Dhamaan bahda Midnimo iyo saxaafada xorta ayaa aad uga xumaatay falkaas eedeyna u soo jeedineyso dadka falalka noocaas la beegsanaayo saraakiisha, aqoon yahanada iyo suxufiyiinta ;waxay ku tilmaameen falka loo geystay C/lle Nuuradiin Axmed mid laga xumaado,isla markaana qatar ku ah jiritaanka Wariyaasha Soomaalida, dhaawaca loo geestay fanaan Cabdala Nuuradiin waxaana Illaah uga baryeynaa in uu ka badbaadiyo, waxna u dhimin lixdiisa lixaad siiyana cafimaad taam ah Amiin Aamiin...... Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 25, 2005 Waxaan Ilaah uga baryayaa inuu Abwaan/Weriye Cabdalla u fududeeyo dhaawiciisa. Waxaan sidoo kale rajaynayaa in qofkii/kooxdii falkaan geysateyna gacan lagu dhigo si tillaabo looga qaado Quote Share this post Link to post Share on other sites