Sign in to follow this  
RedSea

Member of the daba dhilifs: The new parliamentary speaker last piece of the puzzle.

Recommended Posts

RedSea   

XILDHIBAAN CUMAR XAASHI: “Doorashada Guddoomiyenimada Baarlamaanka ee Shiikh Aadan Madoobe waxaa ay dhameystirtay qorshe qabyo ahaa oo ay Itoobiya ka leedahay Soomaaliya”

 

Khamiis, January 01, 2007(HOL): Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn uga soo horjeeda qaabkii ay u dhacday xil ka qaadista Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in doorashadii shalay guddoomiyenimada Baarlamaanka loo doortay Shiikh Aadan Madoobe ay ahayd mid lagu dhameystirayay qorshe qabyo ahaa oo ay Dowladda Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya.

 

 

 

Xildhibaanka oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa uu sheegay in qorshahaas uu ka dhicisoobay dowladda Itoobiya markii uu guddoomiyenimada Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ku soo baxay sanadkii 2004, wuxuuna intaas ku daray in tan iyo xiligaas uu socday qorshaha ku saabsan sidii loo heli lahaa guddoomiye Baarlamaan oo aan ahayn Shariif Xasan.

 

 

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan wuxuu intaas ku daray in uusan Magaalada Baydhabo joogin Baarlamaan Soomaaliyeed, waxa taladda laga qaadanayana uu yahay Sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Gabre, kaasi oo uu xitaa sheegay in uu shalay markii la doortay Shiikh Aadan Madoobe amar ku bixiyay in la soo kaxeeyo gaadiidkii uu lahaan jiray Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

 

 

Mar uu ka hadlayay hadal dhawaan uu sii daayay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa in uu shir dib u heshiisiineed qabanayo ayaa wuxuu sheegay in uusan dib u heshiisiin qabaneynin madaxweynaha, “meeshaan fikir ayaa la isku diidan yahay iyo amxaarada uu dalka keenay, inta ay joogaana wax dib u heshiisiin ah lama qaban karo”ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo u saadaaliyay in uu guddoomiyenimada Baarlamaanka ku soo bixi doono Shiikh Aadan Madoobe intii ay qaban qaabada doorashada socotay.

 

 

 

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay Xildhibaanada Baarlamaanka u doorteen Guddoomiyenimada Baarlmaanka Shiikh Aadan Madoobe, kadib markii ay xilkaas ka qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu eedeeyay in uu hareer maray Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujahid SNM, let me give you some background, Col Umar Hashi was in the 90s head of a clan millitia group which was armed trained and housed in Ethiopia, so it smacks of desperation when he now calls others puppets...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this