Sign in to follow this  
General Duke

TFG: lashe out at courts ignorant remarks.

Recommended Posts

BAYDHABO: Dowladda Federaalka oo soo saartay war murtiyeed ay ku dhaleeceynayso hadal kasoo yeeray Maxkamadaha

Posted to the Web Nov 03, 15:55

 

 

Baydhabo (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka soo saartay War murtiyeed ay ku dhaleeceynayso hadal ka soo yeeray Maxkamadaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

 

War murtiyeedka ay soo saartay Dowladda federaalka ayaa waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay hadal dhawaan uu jeediyay Yuusuf Indho-cadde oo uu ku eedeynayay dowladaha dariska ah, waxaana hadalkaas ay ku sheegtay dowladu inuu ahaa mid aan wanaagsanayn.

 

"Hadalkii uu jeediyay Yusuuf Indho-cadde oo u qaabilsan dhanka Amaanka waxa uu ahaa mid aan wanaagsanayn oo uusan jeedin ruux xilkas ah" ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay Dowladda.

 

Qoraalka ka soo baxay Dowladda ayaa lagau sheegay in hadallada ay jeedinayaan Maxkamadaha ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, balse lagu doonayo in lagu jaha-wareeriyo Shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu la dagtay.

 

Dhawaan ayaa Xoghayaha Amaanka ee Maxkamadaha Yuusuf Max'ed Siyaad (Indho-cadde) oo horay uga mid ahaan jiray qab-qablayaasha Soomaalida ,ayaa sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya isla markaana ay difaacayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayna dowladda Kenya sidoo kale wado qorshey ay ciidamo ku soo dhoobtay xadka ay Soomaaliya la wadaagto.

 

Dhinaca kale, Siyaasada Soomaaliya ayaa waqtigan u eg mid kasii daraysa , waxaana joornaalada aduunku ay badankood aad isha ugu hayaan arrimaha Soomaaliya , gaar ahaan Maxaakiimta oo si toosa loogu xiriirinayo inay magaalada Muqdisho ku martigeliyeen Mujaahidiin badan oo ka soo dagaalamay dalalka Afgaanistaan, Algeriya, Philipiin, iyo Checniya. a

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this