Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 19, 2008 Maamullada [gobollada] Banaadir iyo Shabeellada Hoose oo Xayirey gaadiidka wata calaamadaha labada bobol Muqdisho - SSMC - 16 January 2008 - Labada Maamul ee deriska ah ee Banaadir iyo Shabeellada Hoose ayaa waxaa soo kala dhaxgaley loollan siyaasadeed oo ku saabsan Gaadiidka labada Gobol ka howlgala, ee ay ku kala calaamadeeysan yihiin astaanta labada Gobol ee Gaadiidka ku buufsan. Arrintan ayaa timid ka dib markii Mamulka Gobolka Banaadir amar ku soo saarey inay Baabuurta Gobolka Shabeellada Hoose ka howlgasha ay qaataan calaamadda Gaadiidka Gobolka Banaadir, iyadoo arintaas durbadiiba lagu fuliyey gaadiidka Gobolkaas in la ganaaxo. Sidoo kale Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta amar ka soo saarey in Gaadiidka Gobolka Banaadir wixii maanta ka dambeeya aysan imaan Karin iyagoo wata calaamadda Gobolka Banaadir, iyadoo isla maanta Gaadiid fara badan oo ka yimid Goroonka Lambar 50 jaad ka keenay ku xayirey Degmada Afgooye. Hase yeeshee Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo maamulka Degmada Afgooye ayaa markii dambe fasaxey Baabuurtaas, amarna ku siiyey inaysan maanta wixii ka dambeeya aysan soo qaadan Karin Calaamadda Gobolka Banaadir. Inkasta oo arrintan loo aaneeynaayo arrimo dhaqaale ayaa haddana waxaan ka marneyn arrimo siyaasadeed oo salkeedu yahay meel aan la garaneynin,shaqaaqooyin ka dhacey siinka dheer iyo km13 ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka ka amarqaata Maamulka Gobolka Banaadir. Shaley ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr C/qaadir Sheekh Maxamednuur sheegey in maamulkiisa, isbaaro loo dhigey ayna u dhigeen masuuliyiinta Xukuumadda Kumeelgaarka ah, isqabsigan ayaa loo qaadan karaa arrimahaas uu hore u sheegey ninka u sarreeya Gobolka Shabeellada Hoose. Si aan arrintaas u ogaanno ayaa waxaan la xiriirey Taliyaha Booliska Gobolka Shabeellada Hoose Cali Aadan (Cali Ganey) wuxuuna sheegey inay arrintaas maqleen, hase yeeshee arrintaas waxay ka suuroobi kartaa Maxamed Dheere, Cali Ganey ayaa sheegey haddii ay dadka Reer Muqdisho iska qabanin Maxamed Dheere ay joojin doonaan Qudaarta Muqdisho iyo Caanaha ka yimaada Gobolkeenna Sidoo kale wuxuu sheegey haddii ay caddaato inay arrintaas uu asagu amrey inay xayiri doonaan Biyaha Gobolka Shabeellada Hoose ka baxa ee laga isticmaalo Muqdisho ay xayiri doonaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 19, 2008 ^^^lool. Banadir & Shabbele are Federal states or the old admins created by the old regimes? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 19, 2008 This is a start. There is no 'federalism,' and yet they are behaving like this. Wax aanan maamul garan haddii loo dhiibo meel expect this. One more reason to completely against this idea called 'federalism.' It is not suitable for Soomaalis, who do not have any symptom of any of the ailments federalism is supposedly said to heal politically, such as language differences, religious differences, major ethnic differences, large landscape and time differences. And the two African countries -- Nigeria and Itoobiya -- that are currently said to be following this method of governance do not practice it in action, only in theory. And they have all the political ailments I listed above, yet they cannot succeed that well to apply. Anaga caanihii iyo qudaartii ayaa la sanction gareynayaa already. What the... Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 19, 2008 ^^^Adeer you have no point. Yetserday you had whole militias ruling those areas attacking other regions. Today you have a dispute which is nothing more than what neighbours have. If one has a history background, when the US gained independence it took a while for the system to work itself out and many states even hate ttrade disputes, but look at them now. Anyhow in Somalia the centre will deal with these issues. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 28, 2008 Saraakiisha ciidamada ee gobolka Galgaduud oo qeyrul-mas’uulnimo ku timaamay hadaladii ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee ahaa... Taliyaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Col. Cumar Maxamed Xasan (Cumar Yare) ayaa been aan sal iyo raad toona laheyn oo la dhoob dhoobay ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ahaa in dagaalkii dhowaan lagu soo qaaday ciidamada DF ee ku sugan deegaanka Kalabeyr ay ka dambeeyeen beelaha ku dhaqan gobolka Galgaduud oo weerar ku soo qaaday gobolka Hiiraan. “Hadalkaasi waa wax lagu qoslo oo aan ku habooneyn inuu ku hadlo qof mas’uul ah oo sidaasoo kale ah, mana ahaa xaalad xiligan taagan in beelo degan gobol ay ku duulaan gobol kale, waxaa ka dhacay gobolka Hiiraana waa ka xunahay, waxayna qeyb ka yihiin dhibaatooyinka ka jira meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya sida magaalada Muqdisho loomana nisbeyn karo beelo gaar ah iyo gobolo,” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray in hadalada noocaas ah ay yihiin kuwa ay haboon tahay in laga fiirsado oo iska horkeenaya beelaha Soomaaliyeed. “Beelaha ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waa kuwo walaalo ah oo aaney jirin wax colaad ah oo ka dhaxeysa, waxayna si nabad ah isu dhexmaraan xilli kasta mana jiraan wax caqado ah oo dhex yaala iyo dhibaatooyin abuuri kara iney dagaalamaan,” ayuu sidoo kale yiri taliyaha ciidamada DF ee gobolka Galgaduud Col. Cumar Maxamed Xasan (Cumar Yare) oo ka codsaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan inuu raali gelin ka bixiyo waxyaabaha aan jirin iyo eedeeymaha uu u jeediyey beelaha ku dhaqan gobolkaasi Galgaduud oo iyagu si weyn ula yaabay ayuu yiri hadalada ka soo yeeray Dabageed. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sabriye amp co. Posted January 29, 2008 LOL @ "qeyrul-mas’uulnimo" - Classic Line. Quote Share this post Link to post Share on other sites