SOO MAAL Posted May 22, 2006 Caanashubkii Garaad Jaamac Suldaan Max,ud Guleed Madxweynaha P/Land Gen-Cade Muuse Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted May 23, 2006 Garaad Jaamac Garaad Jaamac Professor Ali Khalif Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted May 23, 2006 Great day for the new Graad and great day for Somali traditions. Hanbalyo Ilaahna ha u gargaar, aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted May 24, 2006 Originally posted by SOO MAAL: DHAGEYSO: Xafladda caleemasaarka Garaad Jaamac Garaad Cali oo maanta lagu caleema saaray magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool, Khudbadihii munaasabadda laga jeediyey iyo waxbixinno guud oo ku saabsan hannaan socodka munaasabadda Dhageyso khudbadaha qiimaha iyo xikmada ku fadhiya ee soo jeediyeen issimo iyo madax dhaqameedyo ka kala yimi dhamaan gobolada soomaaliyeed sida Somaliland, Puntland, koonfir, iyo Bay/Bakool. Waxaa ka hadlay: 1) Garaad Saleebaan Garaad Max’ed ,isaga oo halkaas ka jeediyey ereyo dardaaran iyo kaftanka isugu jirey isagoo yidhi "kani waa Garaad Jaamac Garaad Cali,mana aha ana waa i kan" 2) Suldaan Max’uud Guuleed oo ka yimid Burco (Togdheer) ayaa waxa isna ereyadiisii ka mid ahaa , â€Soomaaliya nabad iyo midnimo ayey u baahan tahay.†3) Dhanka kale Malaaq Garoore, oo u hadlay malaaqyada Bay/Bakool waxa uu yidhi " Waxaad tahay Garaad Soomaaliyeed yoolkaagu yaanu halkaas hoos uga dhicin.†4)Abwaan Max’ed Warsame Hadraawi, oo ah abwaan si weyn looga qadariyo guud ahaan soomaaliya waxa hadaladiisi ka mid ahaa "Awoowgaa, Aaabbahaa iyo Adeerkaaba Nabad ayaa lagu yiqiin iyo hal adaygnimo, tii baa lagaaga fadhiyaa.†5) Cadde Muuse Xirsi,isaga oo hadalkiisa uu u badnaa hadal siyaasadeed oo runtii aan halkaa laga jeclaysan,waxa uuna yidhi: "Garaadka waanu La Tashanaynaa, Calan aan Calan Soomaliyeed ahayna goboladan uma ogolin,dawlada ku meelgaadhka ah waanu taageersananahay 100%,waxaanu u nahay tiir.†6) Garaad Jaamac Garaad Cali,ayaa halkaas ka hadlay waxana ereyadiisii ka mid ahaa "Waxaan Bulshada Soomaliyeed ugu baaqayaa nabad iyo barwaaqo , waxaan dhamaan bahweynta Nugaal,Sanaag iy Caynba ugu baaqayaa nabad,waxaana balan qaadyaa inaan si nabad lagu heli lahaa aan ka shaqeeyo,min qoys ilaa qaran.†Professor Ali Khaliif Waxay u dhacday qaab taariikhi ah isla markaana ay door aad u wayn ka ciyaareen dadwaynaha ku dhaqan SSC marti galintii wufuuda tirada badan ee soomaaliyeed isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi Gobolkani waa bidix iyo midig oo wuxu isuhayaa guud ahaan dalka somalia, Bidix iyo midig ayuu ku sifeeyey beelaha kala duwan ee ay ood Wadaagta yihiin G/sool oo uu yidhi qaarna ehelimo ayaa ka Dhaxaysa qaarna dhaqan iyo daris nimo soo jireen ah oo aad u qiimabadan isla markaana lama taab taan ah sidaas taraadeed waa mandaqada kaliya ee isu haysa somalia waxaana aamin sanahay inay munaasabadii shalay ka dhacday magaalada Laascaanood door muhiim ah ka qaadanayso isu soo Dhawaanshaha umada Soomaaliyeed lagana yaaboba inay ka Soo iftiimayso midnimo iyo caafimaad umadu ay u baahan tahay waa nin da yar oo wax bartay Xaga dhaqankana waa nin ku soo bar baray dhulkiisa hooyo Alle haw naxariistee Garaad Cabdi qanina kala qayb galay hawlgalo badan oo lagaga shaqaynayay nabadayn isagoo u muuqanayay nin loo tababarayo arimaha dhaqanka isla markaana mudadii aanu wada soconay waxaan ka dheehanayay daganaansho iyo fikir aad u qoto dheer waxaana aad ugu rajo waynahay inuu ka soo bixi doono xilka dhaxal tooyada ah ee uu umada uqaaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 24, 2006 Well, it seems as though Ugaas Ciise of Galgaduud (Caabudwaaq) has made himself at home on the garaad's side. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 24, 2006 From Dhahar online "Caleemo Saarkii Qarnigga.(Garaad Jaamac Garaad Cali). (x. carab) May 20, 20:30 Munaasabdda Caleemo saaraka Garaadka Guud ee 19-aad ee Qoomiyada Daraawiishta degaamadda SSC-ga xurmadle-Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac,ayaa u muuqda in uu noqon doono caleemo saar taariikhi kii ugu caansanaa uguna qeyb gal badnaa caleemo saarida hogaan dhaqameedka Somaaliyeed, lguna qori doonto buugaagta dhaqanka iyo Sugaantaba. Magaaladda Laascaanood waxaa joogta xurmadlayaal kala ah:- -Boqoro. -Salaadiin. -Ugaasyo. -Garaado. -Imaamyo. -Maqaalyo. -Beel-daagayaal. -Islaano.(Islaan). -Maqaamo. -Guurti Waaweyn. -Cuqaal. -Salaadiin Ka Socda-Jabuuti,Zoonka Shanaad iyo S/Kenya. -Sugaan-yaqaano Waaweyn. -Abwaano Caan ah. -Siyaasiyiin Madax Banaan(Waaweyn). -Wasiiro F.Somalia,P/Land Iyo S/Land-ba. -Xildhibaano Golayaal Barlamaan. -Masuuliin Heer Qaran Ah. -Saraakiil Sarre. -Ergooyin Bulshada Madaniga ah. -Axsaab Siyaasadeed. -Ganacsatada ugu Caansan Somaaliya. -Gansatada Somaaliyeed Ee Dubay Fadhiya. -Wakiilo Ergooyinka Caalamigga ah. -Ergooyinka Jaaliyadaha Qurbo Jooga:- -W/Mareeykanka. -Austaraaliya. -Qaaradda Yurub. -Dunidda Carbeed. -Qaaradda Afrika. -Aqoonyahanka Somaaliyeed:-Koonfurta,P/Land,S/Land iyo Qurbo Joogaba oo Magacooda leh. -Muwaadiniin Caadi ah. Marka Taariikhda dib loogu noqdo horre uma dhicin caleemo saar sidaas looga soo qeyb-galay Ummadda baaxadaas lehna ka xaadireen iyagoo qadarinaaya xurmadda iyo maqaamka sharfeed oo eey leedahay Garaadnimadda Reer Garaad iyo faceeda weyn ee soo jiritaankaba iyo maqaamka Garaadadii caanka ahaa ee soo Maray iyo doorkoodii hogaamineed iyo habkoodii milgo gobeedba. Waxaa amaan iyo bogaadinba Gudigga qabanqaabada howlaha Caleemo saarka oo si habsamiyeeda leh howlahooda u wada kuna dadaalaayo in wax walbaa sida loogu talo galay u socdo:- Habka soo dhowaanta,hab maamuuska martida,degaanka,gaadiidka, Iyo habsamida goobta caleemo saarka oo si heer sarre ah loo habeeyeey oo u qalanta munaasabadda weyn ee caleemo saarka Garaad Jamaam Garaad Cali Garaad Jaamac oo dhaceeyso 22/5/06 Maalinta Isniinta hadii Alle idmo. -Alla Mahad Leh- Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -England-UK- -sharifhassan50@yahoo.com-" Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted May 24, 2006 Congrats to him and may the Lord grant him wisdom. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 24, 2006 SOOMAL, I must thank you for the effort you put into this wonderful news story. Again my wishes to our new Garad, may Allah protect him and keep him.. Quote Share this post Link to post Share on other sites