Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Electoral Commission Announced the Start of the Voters Registration

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa xaflad ay shalay ku casuumeen axsaabta qaranka iyo xukuumadda si rasmi ah ugaga dhawaaqay bilowga wacyigelinta hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha Octobar ee sannadkan.

 

Xafladda loo sameeyey ku dhawaaqista wacyigelinta diiwaangelinta oo lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen Komishanka Doorashooyinka, axsaabta qaranka, ururrada bulshada iyo xukuumadda, ayaa ahayd mid rasmi ah loogu dhawaaqayey wacyigelinta hawsha diyaargarowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

 

Ugu horreyn Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne) oo kulankaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso hawsha diyaargarowga diiwaangelinta iyo shuruucda looga baahan yahay codbixiyeyaasha, isagoo arrintaa balballaadhinayeyna waxa uu yidhi; "Waxaanu maanta [shalay] kulankan idiinku yeedhnay inaanu idinku wargelino dhammaystirka shuruucda ugu muhiimsan ee laga rabo doorasho dimuqraadi ah, taas oo ah diiwan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka wuxuu muddoba ka hawlanaa dhammaystirka qorshaha hawlaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha qorshahaas oo ku salaysan xeerka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo xeerarka doorashooyinka.

 

KDQ waxa uu samaysan qorshe wakhtiyeysan oo saacad walba, maalin walba iyo bil kasta waxa uu qabanayo ilaa maalinta ku dhawaaqidda natiijada doorashada Madaxtooyada ee ku beegan March 29 2009.

 

Waxa kale oo Komishanka socdaalo dhawr jeer ugu baxay gobolada iyo degmooyinka dalka si loo soo dhammaystiro wixii ka dhinaa goobaha laga samaynayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo ka badan 982 goobood. Waxa iyana xusid mudan in dhawaan la bilaabayo xulashada shaqaalaha ka hawlgali doona dhammaan goobaha diiwaangalinta. Waxa iminka dhamaatay xulista 40xubnood oo joogto ah oo tababaraya shaqaalaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee goobaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.”

 

Guddoomiyaha Komshanka Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlayey qaabka loo sugayo kaadhka aqoonsiga waxa uu yidhi; "Wasaaradda arrimaha guduhu waxay iyana ku hawlan tahay soo xulista 720 qof oo shaqaale ah oo hawshoodu tahay sugida muwaadinimada dadka xaqa u leh in la siiyo kaadhka aqoonsiga muwaadinimo iyo diiwaan-gelinta, sidoo kale Maxkamadda Racfaanku waxay soo diyaarinaysaa 360 qof oo shaqaale ah oo ka mid ah shaqaalaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

 

Waxa kaloo KDQ u samaysan guddiyada diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee heer degmo iyo heer gobol, waxa la ogsoonyahay in marka la doonayo doorasho xor iyo xalaal ah waa in ka hor la sameeyaa diiwaan-gelin cod-bixiyeyaal sababtoo ah waxay diiwaan-gelintu dawo ka noqotay doorasho la kala boobo oo waraaqo been abuur ah lagu buuxiyo sanaadiiqda cod-bixinta iyo laba jeer codayn ama saddex jeer codayn ku dhamaato, in cid aan xaq u lahayn ku soo baxdo cod bixintii.

 

Diiwaan-gelinta ujeedadeedu waxay tahay in goob kasta oo diiwan-gelineed tirada muwaadiniinta ee iska diiwaan-gelisay oo kaliya ay ka codeeyaan maalinta codaynta, sidaa awgeed goob kasta oo cod-bixineed waxa guddiga KDQ u dhigi doonaa waraaqaha codaynta tiro la mid ah tiradii cod-bixiyaha hore ee iska diiwaan-galiey goobtaas. Hawsha kale ee ku lammaan diiwaan-gelintu waxay tahay sugida qofka xaqa u leh in la diiwaan galiyo, sida la wada ogsoonyahay dadweynaha Somaliland ma haystaan kaadhka muwaadinimada, waana sababta u fashilisay diiwaan-gelintii la isku dayey sanadkii 2002da ka hor doorashadii deegaanka iyo Madaxtoyada, saddexdii doorasho ee waddanku soo maray midna diiwaan-gelin lama samayn.

 

Haddaba, KDQ isagoo ka duulaya xeer 37/2007, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah waxa waajib noqotay in dadweynaha la siiyo kaadhka aqoonsiga muwaadinka si loo diiwaan-geliyo dadka xaqa u leh codaynta, soo saaridda xeerka diiwaan-gelintu waxay jawaab celin u noqotay talobixintii ay soo jeediyeen goob-joogayaasha caalamiga ahi ee ka qaybgalay doorashooyinkii hore ku taliyey in doorashooyinka dambe ee Somaliland in la sameeyo diiwan-gelin, xukuumadda Somaliland waxay iyana ballanqaaday 2005 inay samayn doonto diinwaan-gelin ka hor doorashooyinka.

 

Haddaba KDQ, isagoo ka duurlaya xeer LR37/2007 xeerka qodobkiisa 12aad faqraddiisa 3,4,5aad wuxuu aqoonsaday baaxadda hawshan isxambaarsani leedahay iyo baahida loo qabo in dadweynaha Somaliland la fahansiiyo qaabka diiwaan-gelinta, waxay lagama maarmaan ku tahay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaya cid kasta oo gacan ka siinaysa in dalka laga bilaabo barnaamijka ballaadhan ee wacyigelinta ka hor diiwaan-gelinta rasmiga ah, sidaa awgeed manta [shalay] oo taariikhdu tahay 19/08/2008 waxa KDQ uu dhaqaajinayaa ololaha wacyi-gelinta deewaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

 

Mudanayaal wuxuu Komishanku wacyigalintan u adeegsanayaan wax kasta oo suuurtogal ah oo uu farriimihiisa ugu gudbin karo dadweynaha Somaliland sida TV-yada, idaacadaha, wargeysyada iyo website-yada, waxaana lagu faafin doonaa sawirro, riwaayado, suugaan, doodo. Ololaha wacayi-gelinta waxa ka qaybqaadan doono dawladda, axsaabta, NGO-yada maxalliga ah iyo qof kasta oo rag iyo haweenba ah oo gartay qaabka diiwaan-gelinta.”

 

Waxa isna xafladddaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE

 

Muuse Biixi Cabdi, waxaanu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in diiwaan-gelin la sameeyo, Muuse Biixi waxa uu sheegay in dhawr qodob oo baahiya la xalliyo si diiwaan-gelintu si sax ah innoogu dhacdo.

 

"Waxaynu isku raacsanahay faa'iidada diiwan-gelintu leedhay xisbi ahaana in la sugo muwadiniinta xaqa u leh inay codeeyaan waayo diiwaan-gelintu faa'iidada ay leedahay haddii la murmo xal bay keenaysaa iyo haddii lagu shubta oo qoladayada mucaaradku waabanu ka baqanaa ku shubashadaa, markaa ka xisbi ahaan diiwaan-gelintu qiimo weyn bay noo tahay, laakiin waxaan doonayaa in marka hore saddex qodob la xaliyo, waa ta koobaad e xagga juguraafiga, waayo goobaha qaarkood gawaadhidu ma gaadhi karaan oo sanaaduuqda codayntuna doorashooyinkii hore may gaadhin oo juquraafi ahaan ayaanay u saamaxayn, markaa waa in laga fikiraa qofka muwaadinka ah ee halkaa degan sidii uu isku diiwaan-gelin lahaa oo aanu kaga hadheen doorashada iyo xaqa uu u leeyahay diiwaan-gelinta. Sidoo kale iyana waxa la mid ah xagga xeebaha oo iyana laga fikiraa sidii uu isku diiwaan-gelin lahaa, iyana waxa jirta qodobka labaad oo ah dhaqankeena.

 

Dadkeenu waa reer guuraa oo kolba meel dega, markaa iyana waa in laga fikiraa sidii ay dadkaasi isku diiwaan galin lahaayeen oo qorshe loo sameeyaa iyana waa qodob ina hortaagan,” ayuu yidhi Muuse Biixi, isagoo ballanqaaday inay si buuxda u taageerayaan hawsha diiwaan-gelinta, waxaannu xisbiyada kalenugu baaqay inay sidaa si la mid ah u taageeraan.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UCID Aadan Mire Waqaf, ayaa isaguna sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaa hawsha diiwaan-gelinta, taas oo ku tilmaamay mid sahli doonta doorasho xor ah oo xalaal ah, isagoo arrimagaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Qof kastaa xaq waxa uu u leeyahay inuu is diiwaan-geliyo si uu u codeeyo, diiwaan-gelintuna waa muhiim. Guddiga Komshanka Doorashooyinku waa inoo siidhi wale, laakiin waa in xisbiyada qaranka iyo dadweynaha reer Somaliland ku taageeraan Komishanka sidii ay udhici lahayd diiwaan-gelinta.

 

Waan ku raacsanahay saaxbiibkay Muuse Biixi qodobka juquraafiyadda, waa in la helaa baahidii haqabtiri lahayd sidii qofka miyiga ku nool ee reer-guuraaga ahi isku diiwaan-gelin lahaa una codayn lahaa, waayo mar kasta dhulalka miyiga xaga codaytu hoos bay u dhacdaa waana in la helaa diiwaan-gelin caddaalad ah, anagu diyaar baanu u nahay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ka xisbi ahaan, diiwaan-gelintu waxay ka qaybqaadanaysaa tartan xalaal ah."

 

Xafladda ku dhawaaqidda wacyigalinta codbixiyeyaasha waxa isna ka hadlay Guddoomiyaha Nabadgelyada iyo Ammaanka ee xisbiga UDUB Mr. Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carays), waxaannu isna soo dhaweeyey diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

 

"Waxaan ku raacasanahay saaxiibkay Muuse Biixi xagga juguraafiyadda oo ah mid loo baahan yahay in la xallilo, haddaanu nahay xisbiga UDUB waxaannu ballanqaadaynaa in naanu diiwan-gelinta ka qaybqaadano wacayi-gelinteeda iyo hawlaha kale, anagu dadka reer Somaliland, waxaanu leenahay isdiiwaan-geliya, laakiin ma odhan mayno UDUB-eey is diiwaan-geliya, waayo waxaanu nahay xisbigii talada hayey.

 

Bari baa waxa la yidhi wiil baa hooyadii ku tidhi kaalay waraaabe ku cunye, haddana aabbihii baa u yeedhay oo ku yidhi kaalay Dhurwaa ku cunye, Waraabuhu wuxuu taagnaa dibadda waanu maqlayey, markaasuu waraabihii yidhi, 'labaduba waxay yidhaahdeen cun. Markaa waxaan leeyahay haddii KULMIYE iyo UCID ay oggolaadeen UDUB-na maxaa u diiday iyadoo xukuumaddii haysa," ayuu yidhi Mr. Casayr.

 

Waxa isna xafladdaa ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socda Akadamiyadda Nabadda, waxanu ugu baaqay inaan la dacaayadayn diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, isagoo taas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Waa inaan la dacayaadayn diiwaan-gelinta oo ah hawl muhiim ah oo qaranku u baahan yahay, waxaannu marti ugu nahay saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka."

 

Ugu dambayntii waxa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Xasan Macallin, waxaannu sheegay in 720 qof oo ilaalin doona qofka xaqa u leh inuu is-diiwaangalin doono ay iyagu ay soo diyaarin doonaan, waxaanu sheegay in diiwaan-gelintu cidii ay dhaafto wixii ka dambeeya ay lacag bixin doonto.

 

"Waxaanu soo galnay Precess dheer sidii loo samayn lahaa doorasho xor ah oo xalaal ah oo si goob walba oo la geeyo doorashooyinka la ogaado inta ka codaynaysa oo la isle’ekaysiiyo inta ka codaynaysa iyo inta ka diiwaan-gashan, waxa la sugayaa maanta muwadiniinta Somaliland, waxaan ogsoonahay in ciddii dhaafto ay berri lacag ku qaadan doonto kaadhka aqoonsigu. Waxaan ballan qaadaynaa anagoo riixayna diiwaan-gelinta ahna qolada koowaad inaynu qayb weyn ka qaadano diiwaan-gelinta si doorshadu si qurux badan ugu dhammaato," ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha arrimaha guduhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this