Hunguri Posted February 28, 2007 Cabdillaahi Yuusuf: “Dawladdaydu way la dagaalmi doontaa meel kasta oo ay joogaan…” Addis Ababa (W.Wararka)- Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladdiisu la dagaalami doonto kooxaha soo weeraraya meel kasta oo ay joogaan. Madaxweyne Yuusuf, ayaa wacad ku maray in ay dawladdu iska difaaci doonto kooxaha soo weerar taga, haddii ay shacabka ku dhex dhuumaalaysanayaan iyo haddii kale intaba. Isagoo la hadlayey wakaaladda wararka Ethiopia u faafisa ee ENA, waxa uu Madaxweynuhu carabka ku adkeeyey in dawladdiisu qaadday tallaabooyin ay ku xakamaynayso, isla markaana ay wax kaga qabanayso amniga caasimadda Muqdisho. Arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta ayaa Col. Yuusuf mar uu ka hadlayey wuxuu qeexay in ay ka qaybgali doonaan qabaa'ilada Soomaalida ee 16-kii sano soo dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyey qorshaha keenista ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya, waxaannu qiray in ay ilaalin doonaan fadhiimisada dawladda, isla markaana ay tababar siin doonaan ciidamada dawladda. "Ciidamada Nabad-ilaaliyaasha Africaanku uma imanayaan dalka in ay shacabka la dagaalamayaan," ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf. Mar uu ka hadlayey maamullada dalka ka jira ayuu sheegay in Maamulka Puntland ay dawladdu aqoonsadeen, isla markaana dawladdu ay aqoonsan tahay, balse maamulka Somaliland looga baahan yahay in ay maraan waddada Puntland oo ay aqoonsadaan dawladda KMG. Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo safar ku tegay magaalada London ee caasimadda dalka Britain, ayaa intii uu halkaa ku sugnaa waxaa uu kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsan xukuumadda Ingiriiska. Jamhuuriya Online (Click the link below) web page PS:- Maasha Allah, waxaasaa Journal ah . Wallee nimankii Jamhuuriya waxay dawlada ugu yeedhaan "Dawladii Impagheti" maanta ayay runta sheegeen . Waakaasoo waxaan "Madaxwayne" ahayn laga maqli maayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 28, 2007 Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia... Haa, siyaaradii Addis Ababa wali ma dhamaan. Af waakoo, mey liki aamee ayaa la dhahay. Ha isgeeyo Filla Soomaaliya uu ku qafiifay, which uu ka maqan yahay almost a month fuleynimo daradeeda. Odey ka fuleysan, oo ka xukun jecel waligeey kan oo kale ma arkin. Filla Soomaaliya waa kasaa ha isgeeyo geesinimo hadduu u dhashay, intu dhahaayo meel walbaa kula dagaalameenaa asagoo waliba ku sugan minanka kaabalaadarkiisa ee Master Sanaawi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted February 28, 2007 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Filla Soomaaliya waa kasaa ha isgeeyo geesinimo hadduu u dhashay, intu dhahaayo meel walbaa kula dagaalameenaa asagoo waliba ku sugan minanka kaabalaadarkiisa ee Master Sanaawi. MM, I thought he is already in Villa Somalia. Are you talking about those days in Badoa??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 28, 2007 The old Stooge of Sanaawi Xamar bil ku dhaw aa ugu dambeysay, for he couldn't sleep madaafiic Filla Soomaaliya ku dhacaayo, now meelahaas ayuu iska wareegayaa sida Neyroobi, Landhan, Adisababa iyo Baydhabo. Xamar waaka cararay, fuleynimo iyo nafjaceylnimo u geysay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamalu Diin Posted February 28, 2007 Adeer maxaa laga rabaa oo a la'isku dhibaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamalu Diin Posted February 28, 2007 Adeer intii uu calaf ku leeyahay waa qaadanaa. Adeer caafimaad iyo cimri dheeri ayaan ilaah uga baryeynaa. Ilaahow Ameen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 28, 2007 Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed Priceless Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 28, 2007 Originally posted by Kamalu Diin: Adeer intii uu calaf ku leeyahay waa qaadanaa. . Very True ,,,,,,,,,,,,,,,,, let the oday enjoy his 4 days ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted February 28, 2007 Originally posted by General Duke: quote:Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed Priceless Sorry it's Transitional, isn't it? Definition of Transitional : erratic Synonyms: capricious, changeful, commutative, convertible, fickle, fitful, flighty, fluctuating, fluid, impulsive, inconstant, indecisive, irregular, irresolute, irresponsible, kaleidoscopic, mercurial, mobile, movable, mutable, permutable, protean, restless, reversible, revocable, shifting, skittish, spasmodic, transformable, uncertain, unpredictable, unreliable, unsettle, unstable, unsteady, vacillating, vagrant, variable, variant, varying, versatile, volatile, wavering, whimsical.more... Kumeel-gaadh, Duke? Quote Share this post Link to post Share on other sites