The Zack Posted July 14, 2008 Eedeymo ka dhan ah Males Zenawi oo loo gudbinayo Heeg. Sida ay maanta shaacisay shabakadda wararka ee Naasareed tacadiyo lidi ku ah xaquuqul aadamiga oo la sheegay in taliska xukuumada Itoobiya ee hogaamiyo Males Zanewi uu ka geystay ismaamulka Soomaalidu degto ee bariga wadankaasi ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo maxkamada qaada dambiyada dagaalka Heeg ee wadankaasi Yurub ee Netherlands. Fariintaan oo ay soo diyaariyeen hay’ado fara badan oo isugu jira caalamiga iyo kuwo maxali ah ayey ku xuseen falal waxshi ah oo ay ku kaceen askarta Itoobiya xili ay dagaalo ku galeen ismaamulka Soomaalida ee Soonka Shanaad, halkaasi oo laga soo calaamadeeyay in ay ka dhaceen falal ay ka mid ahaayeen dilal, kufsi, jirdil iyo tacadiyo kale oo dhamaantood ka dhan ahaa arrimaha xaquuqda aadanaha. Gabood faladaasi badankoodu waxa ay ku kaceen ciidamada militaarka Itoobiya sanadyadii ugu dambeeyay kuwaasi oo saameyn lixaadle ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaamadda hoostaga ismaamulka Soonka Shanaad. Gudbinta eedeymaha loo hayso ra’isal wasaaraha Itoobiya Males Zanewi ayaa waxaa haatan iska kaashanaya hay’adaha ay ka midka yihiin Amnesty International, Human Wrights Warch iyo ururo kale oo u dhaq dhaqaaqa dhowrista xaquuqul aadamiga kuwaasi oo mudooyinkaani dambe ku howlanaa soo aruurinta tacadiyada loo geystay Soomaalida ku nool bariga wadankaasi Itoobiya. Source: Hornafrik Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaq Posted July 15, 2008 as long zenawi has the support of the U.S, he won't be charged with anything. the only way this will happen is if he falls out of favor with the rulers of the world. Quote Share this post Link to post Share on other sites