Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Poor Buubaa

Recommended Posts

Why was poor Buubaa sacked by the Junior Stooge of Xabashadda?

 

The past few weeks, Buubaa himself tried to dismiss, oo jagadda ka qaado Junior of Xabashada Geedi's cousin, who is so-called danjiraha Nayroobi u fadhiyo dowlad ku sheega.

 

Poor Buubaa, xaa u geeye waxaas. Iska dulqaado dowlad ku sheegaan meel ma u socoto, duqa.

 

IGAD2.jpg

 

Buubaa with Geedi's cousin, Max'ed Cali Ameeriko

-------------

 

Safiirkii u fadhiyey Soomaaliya dalka Kenya oo xilkii laga qaaday

 

Nayroobi (Maarso 28, 2007): Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa laga xayuubiyey xilkaas.

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Buubaa ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday safiirkii hore u fadhiyey dalka Kenya isagoo sheegay inuu shaqadiisii kasoo bixi waayey "howlgabnimo".

 

Ma jiro safiir xusub oo uu magacaabay hase yeeshee waxaa la sheegay in tani ay ka mid tahay isbadel lagu sameynayo safiiradda dalka Soomaaliya.

 

Warar kale ayaa sheegaya in xil ka qaadista safiirka dalka Kenya ay la xiriirto khilaaf beryahan u dhaxeeyey raysul wasaaraha Soomaaliya prof. Geedi oo ay isku heyb yihiin safiirka iyo Wasiirka A. Dibadda Buubaa.

 

Sida laga soo xigtay safiirka xilka laga qaaday ayaa sheegay inuusan arag qoraal xilka looga qaaday loona sheegin, wlina uu yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

 

------------

 

Buubaa oo sheegay in uu xilkii ka qaaday Ameeriko

 

28, Mar, 2007 - Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud "Buubaa" ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Mr Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda.

 

"Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya"ayuu yiri Buubaa.

 

Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu uga qaaday Buubaa Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo isaga.

 

Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Geeddi iyo Buuba.

 

Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay.

 

-------------

 

Cali mahdi oo ka codsaday Ismaaciil Buubaa in uu ka laabto xil ka qaadistii uu ku sameeyey safiirka Kenya

 

Sabti, Abriil 14, 2007 - Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamigaa xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo dhowr cisho ka hor qoraal uu u qoray Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ku sheegay in magacaabista safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ay tahay mid sharci darro ah oo uusan waxba kala socon, kana codsaday dowladda Kenya in Max’ed Cali (Ameerika) laga wareejiyo xarunta safaarada, isla markaana uu xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay Max’ed Jaamac (MJ) ayaa fiidnimadi markii uu soo dhamaaday shirkii golaha wasiirada arrimaha dibedda IGAD wuxuu la kulmay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Max’ed oo ka codsaday Buubaa in uu ka laabto xil ka qaadista uu ku sameeyey Max’ed Cali (Ameerika), iyadoo ilaa shalayna la arkayey Ameerika oo ku lamaansan wasiirka, isla markaana intii uu shirku socday goob kasta la taagan, iyadoo mararka qaarna la arkayey Buubaa in uusan wax qiimeyn ah siineyn daba socodka Ameerika.

 

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa si weyn uga carooday qaabka uu ula dhaqmay Ameerika mas’uulkii uu ku bedelay, kadib markii sawirkiisa lagu dhejiyey albaabka safaaradda, amarna lagu siiyey ilaalada albaabka xarunta safaaradda inay ceyriyaan hadduu albaabka soo istaago, waxaana laga soo xigtay Ameerika markii xilka qaadistiisa lagu dhawaaqay in uu yiri “
Aniga seedigeey ayaa ah ra’isul wasaare, Buubaana hadduu isku dayo in uu xilka iga qaado isagaa laga qaadayaa
." [
:D
Badanaa ma rumeysto waxee qoraan shabakadaas Waagacusub, laakiin run ayeeba noqotay.]

 

Maxamed Cali Ameerika mudadii uu xilkaas safiirnimo hayay wuxuu noqday nin astaan u noqday musuqmaasuqa iyadoo dacwad cabasho ah ay ka qortay Wasaaradda Arrimaha dibada ee keenya,taas oo la xiriirtay inuu iska iibsado viisooyinka dal ku galka ah ee kenya.

 

------------------

 

Ismaaciil Buubaa oo xilkii safiirnimo ka qaaday Maxamed Cali Ameeriko

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud "Buubaa" ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

 

Mr Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda.

 

"Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya"ayuu yiri Buubaa.

 

Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu uga qaaday Buubaa Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo isaga.

 

Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Geeddi iyo Buuba.

 

Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay.

 

----------

 

Muqdisho - Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay inuu Maxamed Cali America weli yahay Safiirka Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalka Keenya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in Maxamed Cali America uu sii Hayndoono howlaha safaarada Soomaalida ay ku leedahay wadanka Kenya tan iyo inta ay dowladda ay cid u soo magacaabeyso safaaradaasi. Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil M. Hurre Buubaa ayaa sheegay in safiirka looga yeeray gudaha dalka islamarkaana tan iyo inta cid ay uu usoo magacaabaayo safaarada uu xilka sii hayndoono agaasimihii guud ee wasaarada arrimaha dibada ee Dowlada Soomaliya. Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ismaaciil M. Hurre Buubaa wuxuu qeexay in arrimahaani ay qeyb ka yihiin dib uhabeyn dhinaca Maamulada safaarada Soomaalidu ay ku leedahay dalka dibadiisa. Wasiirka waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha xaduudaha wadanka Kenya iyo is dhexmar la,aanta taasoo uu sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto sidii dib loogu furi lahaa xaduudaha islamarkaana dowladda Kenya ay u qafiifin lahayd xayiraadaha dhinaca hawada iyo xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto.Siduu kale wuxuu Wasiirku soo hadal qaaday shirka wadamada islaamka ugu socoda Magalaada Riyaad ee wadanka Sacuudiga oo uu sheegay in dhanka dowladda uga qeyb galayo Ray’sal wasaare Cali Maxamed Geeddi waxaana uu tilmaamey in isaga uu ka mid ahaa wafuudii halkaasi lagu casuumay balse markii uu shirka bilaamey uu joogay Magaalada Baydhabo islamarkaana ay ka baaqatay diyaarad uu sheegay inay kasoo qaadi lahayd meeshaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi maaha, inuu yidhaahdo cid baan xil ka qaadayaa isagoon Abdilaahi Yusuf u sheeg Ismaaciil Buubaa

 

Hargysa(QRN)-“Waxaan u arkaa waxa weeye, nidaam cusub baan dhisaynaa oo dawladnimo, nidaamkana waa in loo hogaansamo weeye, soo jeedintana waxaa leh Ra’iisal Wasaaraha, xil-ka-qaadistana waxa leh Madaxweynaha. Markaa Ra’iisal Wasaaruhu maaha, inuu yidhaahdo cid baan xil ka qaadayaa isagoon Madaxweynihii u jeedin, ama aan digreeto soo saarin. Waxay aniga ila tahay wax aad iyo aad u khilaafsan weeye nidaamka aanu doonayno inaanu dhisno.

 

Imika waxaa laga yaabaa, inay tani tahay bililiqaysi awoodii Madaxweynaha inay tahay. Waxay ila tahay in kollay arrinta laga wada hadli doono, dhinaca Wasiirka Arrimaha dibedda, Wasiirka Tacliinta, wasaaraduhu waa isugu kay mid.” Sidaa waxa yidhi Ismaaciil Hure Buubaa oo uu Raysal wasaare Cali Maxamed Geedi dhawaan ka badalay wasaarada arrimaha dibada una wareejiyay wasaarada waxbarashada, oo laanta afka soomaaliga ee idaacada maraykanka ah ee VOA uga waramayay aragtidiisa ku wajahan isku shaandhaynta Cali Maxamed Gaadi ku sameeyay dowladiisa.

 

Mar wax laga waydiiyay dhaliilo Raysal Geedi gundhig uga dhigay ka wareejinta Wasaarada arrimaha dibada, waxa uu ku jawaabay Buubaa “Waxay ila egtahay, hadal aan micno lahayn bay ila tahay. Wixii waa la sheegaa oo qofka taas iyo taas ayaa lagu dhaliilayaa baa la yidhaahdaa. Laakiinse, dhaliil baan jeedinayaa aan khalad la sheegayn, waxay ila tahay dhaleecayn uun baan u arkaa, inay tahay.”Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “ Wallaahi, aniga jagada wasiirka arrimaha dibadu macno ilama laha oo xildhibaan baan ahay, waxaanaan anigu jeclahay inaan xildhibaanimadayda ku ekaado, oo aan ka qayb-qaato shaqada Baarlamaanku qabanayo, iyo sidii dhismaha fulinta loo toosin lahaa. Laakiinse, taasi waxay u taalaa Ra’iisal Wasaaraha, isagaa dhaliilo sheegay, inuu sheego ayaanay ahayd. Dhaliilaha aan leeyahay. Waxaa dadka oo dhami wada ogsoon yahay, mudadii anigu aan Wasiirka arrimaha dibedda ahaa inta qabsoontay siyaasada dawlada ee anigu aan ka shaqeeyay, waxay ila tahay Geeddi iyo qayrkii midna muu keeni kareen. Laakiin, mushkilada ina haysataa haddii aynu Soomaali nahay waxa weeyaan, qofku wixii uu qabto halkii loogu mahad-niqi lahaa, dee haddii dhaleecayn loo rogo waa ayaan-darro.”

 

Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu sheegay in aan lala socodsiin ama aan wax xidhiidh ah kala soo samayn Cali Maxamed Geedi talaabada uu kaga wareejiyay wasaarada arrimaha dibada isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Ra’iisal Wasaaruhu ilama soo xidhiidhin oo arrinta iima sheegin, arrintana Idaacadaha ayaan ka maqlay. Kollay waxay ahayd in layla soo socodsiiyo, oo la yidhaahdo arrintaas ayaanu sidaas ka yeelaynaa. Laakiin wax layla soo socodsiiyay ma jiraan.”

 

Mar wax laga waydiiyay khilaafaad mudaba soo jiitamayay oo u dhexeeyay Cali Maxamed Geedi waxa uu kaga jawaabay Ismaaciil oo uu yidhi, “Wasaaradda Arrimaha Gudaha ama wasaarad kaleba ha noqotee, Ra’iisal Wasaaruhu, waxaan u arkaa shaqadiisu inay tahay Gudoomiyaha Golaha Wasiirada, wasiiraduna waxay xaq u leeyihiin inay wasaaradahooda ay maamulaan, nidaamka noo dhisan, axdi-qarameedka noo yaala ee ku-meel-gaadhka ahi, sidaas ayuu qeexayaa. Ra’iisal Wasaaraha waxaad moodaa muddooyinkan dambe, shaqadii xafiiska arrimaha dibedda inuu isagu qaadanayo, oo arrimo badan oo ay tahay wasiirku inuu qabto, ayuu isagu qabanayaa oo iyada oo aan lala tashan Wasiirkii safaro iyo dad tiro badan layska kaxaynayo, arrimo badan oo noocaas ah oo qaab-dawladeedka dhaawacaya koley anigu waxyaabahaas, anigu hore ayaan uga hadlay, oo waxaan idhi arrimaha sidan halaga daayo oo wasaarada fara-gelinta ha laga daayo.” Mar wax laga sii way diiyay talaabada uu qaadayo hadii sidaa lagaga wareejiyo wasaarada arrimaha Dibada waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Anigu waxaan ku idhi Wasaaraduhu waa isu kay wada mid, hadeertana wax niyad ah oo aan xil u hayaa halkeenan ma jirto, xildhibaan baan ahay, waxaanan jeclahayba inaan shaqadayda ku ekaado, oo wixii awoodaydu tahay wadankayga aan ugu qabto, anigoo xildhibaankayga ah ilaa iyo inta arrimahan taagan aanaan si wanaagsan u wada arkahayn ay isbadalayaan ama markaa ay imanayso cid kale oo shaqadan qabatoo, aanu si wanaagsan isu fahamsanahay.”

 

Hadalkan ka soo yeedhay Ismaaciil Hure Buubaa iyo talaabadii uu Cali Maxamed Geedi xilka wasiirka arrimha dibada kaga badalay ka hor waxa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo in ilaalada Cali Maxamed Geedi ay ka hor joogsatay Buubaa in uu raaco diyaarad ay halkaa ka raaceen wafti uu Cali Maxamed Geedi hogaaminayay oo ka qaybgalay shirkii madaxda carabta ee dhawaan ka dhacay dalka Sucuudiga. Hase yeeshee sida ay sheegeen warar laga soo xigtay illo lagu kalsoonyahay oo ku sugan dalka Sucuudigu, Cali Maxamed Geedi waxa ka hor-yimid su’aalo la xidhiidhay Ismaaciil Buubaa oo Madaxda Sucuudiga qaarkood la sheegay in ay waydiiyeen. Haseyeeshee Ismaaciil Buubaa wuu ka qaybgalay shirkaa. Islamarkaana waxay bidhaamahaasi wakhtigaaba muujiyeen is haynta lada dhinac. Raysal Wasaare Cali Maxamed Geedina waxa la sheegay in ay shaki galiyeen waydiimahaa madaxda Sucuudiga qaarkood kaga yimi. Shir la sheegay in uu dadka beeshiisa kula yeeshay Sucudigana, xubnihii ka qaybgalay qaarkood waxa laga soo xigtay, in Cali Maxamed Geedi uu ku tilmaamay Ismaaciil Buubaa nin ay isku dhinac yihiin Cabdilaahi Yuusuf, amaradiisana aan tixgalin siin. Tanina waxa ay muujinaysaa in Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi laftooda uu khilaaf u dhexeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this