Xudeedi Posted February 13, 2006 Sanaag region of Somalia took its share of protest. They showed real concerns as every person who is Muslim should. Laasqoray.net BADHAN:- Dadweynaha ku nool magaalada Badhan ayaa saaka ku waaberiistey codadka dad cadhaysan oo ka baxayey migrofoonno ku xidhnaa baabuurta dhinacyadeeda. dadwynahaas ayaa ka cadhaysnaa af-lagaadadii warbaahinta reer Galbeedku u geysteen Nebiga NNNKH. Dadweynaha oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah reer galbeedka gaar ahaan wadanka Denmark ayaa socod ku soo maray suuqa weyn ee magaalada , waxayna siteen boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid ahaayeen " Joojiya af-lagaadada ka dhanka ah diintayada iyo Nebigayaga", " Rasuulkii allow naftayada ayaan kugu furanaynaa " iyo ereyo kale oo ku qornaa afafka Carabiga iyo Ingiriisiga. Dadweynaha oo isugu jirey ardayda dugsiyada, haween , odayaal , xubno ka tirsan maamulka degmada , culimaa'udiin, iyo ciidanka Boliska oo dhinacyada ka raacayay , ayaa socodkoodii ku soo geba-gebeeyey geed ay ku sugayeen odayaal iyo masuuliyiin. waxana halkaas laga jeediyey hadallo kul-kulul oo lagu canbaaraynayo reer galbeedka. Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Sh/Faysal Maxamed Axmed o arintaas si sharci ah uga hadlay, waxa kale oo hadlay Cawed Suldaan , Axmed Shiikh Saalax, C/qaadir Muuse Bidaare, iyo guddoomiyaha degmada Badhan Maxamed Axmed Cismaan "bulbul". Arimaha halkaas laga hadlay ayaa waxay ahaayeen kuwo dhamaantood taabanaya sida looga xun yahay af-lagaadadda reer galbeedka, waxana dadweynuhu maamulka ka codsadeen in laga joojiyo dhammaan alaabta wadanka Denmarka , iyadoo Axmed Yaasiin Shiikh oo ka mid ah Soomaalida deggan caasimada Denmark ee Kobinhaygan uu ka warbixiyey marxaladihii uu soo maray arintan afxumada ah. Ugu danbayntii waxa goobtaas lagu gubey calanka wadanka Denmark, iyadoo dadweynuhu sawaxan iyo takbiir wadeen intii calamadu gubanayeen. Maxamuud Ciyoon / Badhan Wargeyska Calmadow Ahmed Shiikh Boorarka Dadku Wateen Quote Share this post Link to post Share on other sites