Sign in to follow this  
Xudeedi

Mudaaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Magaaladda Badhan

Recommended Posts

Xudeedi   

Sanaag region of Somalia took its share of protest. They showed real concerns as every person who is Muslim should.

 

Laasqoray.net

 

BADHAN:- Dadweynaha ku nool magaalada Badhan ayaa saaka ku waaberiistey codadka dad cadhaysan oo ka baxayey migrofoonno ku xidhnaa baabuurta dhinacyadeeda. dadwynahaas ayaa ka cadhaysnaa af-lagaadadii warbaahinta reer Galbeedku u geysteen Nebiga NNNKH.

 

Dadweynaha oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah reer galbeedka gaar ahaan wadanka Denmark ayaa socod ku soo maray suuqa weyn ee magaalada , waxayna siteen boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid ahaayeen " Joojiya af-lagaadada ka dhanka ah diintayada iyo Nebigayaga", " Rasuulkii allow naftayada ayaan kugu furanaynaa " iyo ereyo kale oo ku qornaa afafka Carabiga iyo Ingiriisiga.

 

Dadweynaha oo isugu jirey ardayda dugsiyada, haween , odayaal , xubno ka tirsan maamulka degmada , culimaa'udiin, iyo ciidanka Boliska oo dhinacyada ka raacayay , ayaa socodkoodii ku soo geba-gebeeyey geed ay ku sugayeen odayaal iyo masuuliyiin. waxana halkaas laga jeediyey hadallo

kul-kulul oo lagu canbaaraynayo reer galbeedka.

 

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Sh/Faysal Maxamed Axmed o arintaas si sharci ah uga hadlay, waxa kale oo hadlay Cawed Suldaan , Axmed Shiikh Saalax, C/qaadir Muuse Bidaare, iyo guddoomiyaha degmada Badhan Maxamed Axmed Cismaan "bulbul". Arimaha halkaas laga hadlay ayaa waxay ahaayeen kuwo dhamaantood taabanaya sida looga xun yahay af-lagaadadda reer galbeedka, waxana dadweynuhu maamulka ka codsadeen in laga joojiyo dhammaan alaabta wadanka Denmarka , iyadoo Axmed Yaasiin Shiikh oo ka mid ah Soomaalida deggan caasimada

Denmark ee Kobinhaygan uu ka warbixiyey marxaladihii uu soo maray arintan afxumada ah.

 

Ugu danbayntii waxa goobtaas lagu gubey calanka wadanka Denmark, iyadoo dadweynuhu sawaxan iyo takbiir wadeen intii calamadu gubanayeen.

 

Maxamuud Ciyoon / Badhan

Wargeyska Calmadow

 

 

Axmed%20Shiikh.jpeg

Ahmed Shiikh

 

Boodh.jpeg Boorarka Dadku Wateen

 

 

Calan%20gubid.jpeg

 

 

Cawed%20Suldaan.jpeg

 

 

Dadweyne%20iyo%20Baabuur.jpeg

 

Hal%20ku%20dheg.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this