xiinfaniin Posted November 16, 2009 Dagaalo mar kale ka qarxay Gobolada Jubooyinka 16 Nov 16, 2009 - 11:45:27 AM Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalmay u badan ayaa ku dhintay dagaalo maanta ka dhacay Gobolka Jubada hoose, kuwaasoo u dhexeeyay ururada Xisbul Islam iyo Al-shabaab, waxaana dhinacyadu ay dagaalka ka kala sheegteen guulo. Inkastoo aan wax war ah laga hayn tirada ramsiga ah ee dagaalkaas uu dhaawacu kasoo gaaray ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow la gaarsiiyay dhaawacyo fara badan. Dagaalkan ayaa qarxay 6:00 aroornimo ee saakay [Nov 16], waxaana sarkaal u hadlay Al-shabaab uu sheegay in weerarka iyaga lagu soo qaaday ayna jabiyeen kooxihii soo weeraray oo uu sheegay inay qayb ka ahayd Jabhada ONLF. "Saldhig ay ciidankeenku ku leeyihiin deegaanka Xagar ee Gobolka Jubada hoose ayaa weerar lagu soo qaaday, waxaana dilnay tiro ka mid ah ciidankii Xisbul Islam iyo ONLF, waana jabinay" ayuu yiri Sh. Xasan Yacquub Cali oo saxaafada la hadlay. Afhayeenka ayaan sheegin khasaare iyaga dagaalka kasoo gaaray, wuxuuse xusay in xabadu ay soo gaartay deegaanka Xagar oo Al-shabaab ay gacanta ku haysay, isagoo xusay inay u suurogashay inay jabiyeen ciidankii soo weeraray. "Dagaalka inaga ayaa ku xoog roonaanay, wuxuuna ahaa mid nalagu soo qaaday, ma jirin ciidamo ka tirsan ONLF oo dagaalka nala galay, hadaladaasna waa been" ayuu yiri Sh. Axmed Max'ed Islaam [Madoobe] oo warbaahinta la hadlay. Xagar oo ahayd goobtii dagaalka intiisa culus uu ka dhacay ayaa waxay waqooyi kaga beegan tahay Kismaayo, waxaana la sheegay inay gacanta u gashay Xisbul Islam, inkastoo aanay jirin warar madaxbanaan oo xaqiijinaya; bale uu dagaalku qaboobay. Mas'uul u hadlay ONLF oo lagu Magacaabo Xuseen M. Nuur ayaa sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo xoogagoodu ay ka galeen Somalia, isagoo sheegay inaysan jirin sabab keeni karta inay la saftaan dhinacyada Somalia isku haya midood. Saraakiil u hadlay Xisbul Islam ayaa sheegay in dagaalku uu u siqay dhanka Gobolka Jubada dhexe oo daris la ah Jubada hoose, iyadoo dhinacyada uu dagaalamay ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 16, 2009 Subxaan ! ! ! ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 16, 2009 remeber the waterloo analogy...alshabaab will lose Kismayo thusly they will lose somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 16, 2009 ^^It's xagar today, it will be Bu'aale tomorrow and so the push forward will continue Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 16, 2009 Axmed madoobe walahi waanu ka saarayna Jubbada hoose wa inu ku noqda Mele zanawi , Emir seylici Kismayo loogu iman mayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted November 16, 2009 , Xujduf Kismaayona ma dagaalamaysaa lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 16, 2009 xaajigu ninkii waallaa ee Buuhoodle baan ku ogaayye goormuu Kismaayona noogu yimid Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 16, 2009 All xiin faniino faraski sayidkaan saaranahay xassan turki baan afmadow ugu tagaya Ardu al barwaaqan ka dhigaya meesha Quote Share this post Link to post Share on other sites