Jacaylbaro Posted September 22, 2010 July 1, 1960 xoriyadii somaliya July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan June 10, 1967: madaxwaynihii labaad C/Rashiid Cali Sharmarke. Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" Jenaraal Maxamed Siyaad Barre. April 9, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,. Taas ooy qaybka ahayd SNM oo yadu u dagaalamaysay dibuga soo noqoshada dalkii ayla midoobeen. Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas. March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta. April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay. Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku. Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta". Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey. March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray. Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya. May 2, 2000 - Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah. Aug 13, 2000 - Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra'iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr. Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawladii la dhisay ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaadhsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaadhka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah). Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5. Oct 10, 2004 - Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya taageersan tahay, ayey u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya. Nov 3, 2004 - Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi. Dec 1, 2004 - Ra'iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir. Jan 31, 2005 - Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG. - Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan. Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya. Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo. March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali wayday dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano gaadhayay 217 Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen. April 29, 2005 - Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta. May 3, 2005 - Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra'iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac. May 11, 2005 - Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa. May 12, 2005 - Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo. May 13, 2005 - Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka. Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan. Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go'aankaasi dhacayey ku sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra'iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan Jun 13, 2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan wayday in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa. January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada". February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka "Argaggixisada." March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka "Argaggixisada", April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan. May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka. May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin. June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka. June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka "Argaggixisada." June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii. June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..." June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood. June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga. June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact Group". Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya. June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay. Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada. September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, November 26, 2006: Waa markii ugu horeysey ee Ciidamo Itoobiyaan ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya. December 28, 2006: Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, January 1, 2007: Maxkamada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Shiikh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. “Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya. June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay "safar kusoo bood ah".. October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra'iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo C/laahi Yuusuf... November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24, 2007. December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo iyo 31 wasiir xigeen. December 2, 2007: Hay'adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. [Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.] December 29, 2008: Waxaa xilka madaxweynaha DFKMG iska casiley Cabdullaahi Yuusuf Axmed. January 30, 2009: Kulan ay xubnaha Baarlamaanak DFKMG ku yeesheen Jabuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif Sheikh Axmed. Feruary 13, 2009: Madaxweynaha DFKMG oo ku sugnaa Jabuuti ayaa ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu doortay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, la odhan jiray C/rashiid Cali Sharmaarke oo la diley Oct 15, 1969 September 21, 2010: Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa iska casiley ra'iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Cumer Sharmaarke iyo Shariif Sheikh Axmed Quote Share this post Link to post Share on other sites