Gediid Posted February 16, 2005 Who said this guy wasnt funny..... A. A. Garas Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo ilaaq abuurka ah. Akhyaartayada indhaha buurbuuranow waxaynu soo gaadhnay ammintii aanu soo malaasi jirnay warkii carro-edeg, waxaana maanta idinku soo yuubi doona Mr, Tafa-gaab. Madaxyuubka shankaroon-land ayaa khuruuj siyaasadeed ku marmaraya Cariga Afrika Oogo, isaga safar tabliiqinimo ah saddex dal oo Carrada Afrika ah isaga dab-qaaday. Madax-yuubka oo awelba markuu agtayda joogay aamusnaan jiray ayaa markii uu fogaadayna safarkiisii wax sanqadh ah laga maqal, iyadoo ay wacnayd nin wayni hadii uu dal booqdo in qabqabtiisa la maqlo, balse war aan ka soo faramaroojiyey habar xagaa iyo Cariga Afrika ka soo hindiwaastay oo aan dharaar dhowayd suryo halkeer ah afka ugu dhuubaya ayaa ii sheegtay inuu madaxyuubku indha-indhayn iyo dhego-dhegayn laxaad leh ku guda jiro cariga Afrika Oogo. Waxa kale oo ay tibaaxdu sheegtay in afadii arimaha debedda u qaabilsanayd shankaroonta ay casharo ka akhriday milcaamad ku taal Tuulo ku taal Afrika Oogo. Madaxyuubka oo il-mugeed ka soo buuxsaday arlada Afrika Oogo ayaa la filayaa inuu dharaar berito ama dharaarta ku xigta ka soo bixitimi doono caradaa. Ha tashato diidee ha isu tukubto Dalku aqoonsi buu u tukubayaa, aqoonsiguna doorashuu u tukubayaa, doorashaduna xeer bay u tukubaysaa, xeerkuna xal buu u tukubayaa, baarlamaanku dan bay u tukubayaan, guurtiduna dastuurkay u tukubayaan, Rayaalena kursigiisuu u tukubayaa, kursigana rag badan baa u tukubaya, Siilaanyona Rayaaluu u tukubayaa, Siilaanyona Saleebaan baa u tukubaya, wasiiraduna Saleebaan bay u tukubayaan, UDUB Kulmiyey u tukubayaan, Kulmiyena UCID buu u tukubayaa, komishanku xeerkuu u tukubayaa, xeerkuna tirokoob buu u tukubayaa, tirokoobkuna dawladduu u tukubayaa, dawladdana khiyaamo qaran baa u tukubaysa, C/qaadir Jirde Ina Xaashi buu u tukubayaa, Ina Xaashina Cawil baa u tukubaya, Cawilna Rayaale agtiisuu u tukubayaa, Ina Sulub Ismaaciil yaruu u tukubayaa, Jabuuti Itoobiya ayey u tukubaysaa, Itoobiyana Soomaaliyay u tukubaysaa, Somaliyana Somaliland bay u tukubaysaa, Somaliland-ba Puntland bay u tukubaysaa, Puntland-na dooxada Jubba ayey u tukubaysaa, dawladda Imbagatina Maxkamadaha islaamkay u tukubaysaa, Maxkamaduhuna C/laahi Yuusuf bay u tukubayaan, C/laahina ciidamo shisheeyuu u tukubayaa, Tigreeguna deked buu u tukubayaa, wadaaduna tigreegay u tukubayaan, Calateriya Itoobiyey u tukubaysaa, Suudaan Calateriyey u tukubaysaa, Masarna Suudaan bay u tukubaysaa, Maraykanku argagixisuu u tukubayaa, Bush Binu Laadin buu u tukubayaa, Binu Laadin-na Boqortooyada Sucuudiguu u tukubayaa, Yurub Maraykankay u tukubaysaa, Ingiriiskuna Yurub buu u tukubayaa, Iiraan Nukliyeer bay u tukubaysaa, Lacagta Yuuradu doolarkay u tukubaysaa, qaadleydu muqawadkay u tukubaysaa, muqawadkuna qaayimaduu u tukubayaa, mudanayaashu maayaray u tukubayaan, maayaraduna baloodhay u tukubayaan, dadkuna dhul bay u tukubayaan, dhulkuna sharci buu u tukubayaa, dadka dulmani cadaalad bay u tukubayaan, maxkamaduhuna musuqmaasuq bay u tukubayaan, Berberi Burcay u tukubaysaa, Booramena Hargeysay u tukubaysaa, Gabilayna gobol bay u tukubaysaa, Caynabo Laascaanood bay u tukubaysaa, Laascaanood-na Ceerigaabay u tukubaysaa, Raadyowgu war buu u tukubayaa, aniguna Islaan baan u tukubayaan, Aslina anigay ila yaaban tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted February 16, 2005 radio ma qaloocshe of Haatuf is legendary in hargeisa, his column in haatuf is my favourite.. i also like dhanxiir another funny person am not sure if it is not the written by A.Garas as well. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted February 16, 2005 Baashina Asli buu la yaaban yahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted February 16, 2005 hilarious. Ha isu wada tukubto. Quote Share this post Link to post Share on other sites