Xudeedi Posted November 14, 2009 Nairobi: Waxaa maanta shir laba geesood ahi dhexmaray wafdi ay horkacayaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo Madax weynaha DFKM Sh Shariif Shiikh Axmed. Shirkaasi ayaa waxaa la sheegayaa in labada dhinac ay isku mari waayeen talo uu soo jeediyey Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed oo ahaa in lagu daro qodobo cusub hishiis ay dhawaan Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxda Puntlland ay ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo. Inkastoo aan la xaqiijin sabababta keentay in ay dhalato isafgaradwaa, balse Ilo wareedyo ku sugan magaalada Nairobi ayaa Dhahar-Radio u sheegay in Madaxweyne Faroole iyo General Ilka Jiir ay ka soo baxeen shirka, iyadoo aan la gaarin mudadii loogu talagalya in uu shirka socdo. Shirkaan ay labada maamul isku horfadhiisteen ayaa mudadaanba lahadal haayey, iyadoo ujeedada ahayd in la meel mariyo qodobo badan oo la xiriiro awood qeybsiga labada maamul. Heshiiskii Gaalkacyo: Heshiiskii Gaalkacyo ka dhacay ayaa inbadan oo siyaasada ka faalooto ku macneeyey in ay ahayd talaabo muhiim oo loo qaaday dhinaca nidaamka federaaliga, balse durbadiiba waxaa soo ifbaxay dhaliilo barbar socda diidmo gayaxan oo ka imanaysa shakhsiyaad horbooda dowlada Shariif. Madaxweyne Shariif ayaa inbadan ka gaabsaday in u ka warbixiyo aragtidiise ku aadan shirkii Gaalkacyo, iyadoo lagu macneynkara in ay u sabab ahayd istrtijiyad siyaasadeed. Khilaaf horleh iyo waji cusub ay Puntland lasoo baxdo ayaa caqabad weyn ku noqon karto dowlada Shariif oo mucaarad farabadani ku leh guud ahaan geyiga Somaaliya. Qodobada Heshiiskii Gaalkacyo: 1- Labada dhinac waxay isla qaateen in lasii adkeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka u aqoonsan tahay Puntland qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, oo uu maamul, nidaam iyo Nabad ka jirto, isla markaana hormuud u ah nidaamka Federaaliga ee dalka Soomaaliya. 2- Dowlada Federaalka iyo Puntland, waxay ku heshiiyeen in dar dar la geliyo dhameystirka Dastuurka Federaalka, isla markaana la dhiso guddigii fulinta iyo arrimaha Aftida. 3- Si arrimaha Dastuurka iyo dhismaha Federaalka loo hirgeliyo waxay labada dhinac isku raaceen, in xarunta guddiga laga furo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayadoo Puntland gacan siin doonto Guddiga si ay u gutaan hawshooda. 4- Ayadoo la tixraacayo ku dhaqanka Axdiga kumeel gaarka ah, waxay labada dhinac isla garteen si dhakhsoleh loo soo dhiso dowlad gobaleedyada harsan, isla markaana la dhiiri geliyo maamulka Puntland ee hada dhisan. 5- Puntland waxay maamul ahan uga qeyb galeysaa shirarka danheeda gaarka ah khuseeyo. 6- Waxay dowlada Federaalka waxay kala shaqeenaysaa Puntland dib usoo celinta iyo raadinta mashaariicda horumarineeda ee hay’adii Mucaawinada Talyaaniga FIA ay ka waday dalka gaar ahaan Puntland kahor burburkii dowladii Soomalaiya. 7- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in Puntland laga dhiso xarumo ciidamada tababar loona dhameystiro agabka qalabka. 8- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo. 9- Waxay Federaalka iyo Puntland ku heshiiyeen in si wada jir ah ay isaga kaashadaan ka hortaga Burcad badeeda. 10- In wixii dowlada Federaalka ay ka hesho caalamka Deeq Waxbarasho ah, ay Puntland ka helayso 100kiiba 25%, ayadoo deeqahaasi ay ardayda Puntland u galayaan tartan ay maamuleyso Wasaarada waxbarashada ee Puntland, isla markaana Wasaarada Tacliinta Sare ee Federaalka, ay ku yeelaneyso kaalin kormeer ah. 11- Waxay wasaaradaha waxbarashada ee Dowlada Federaalka iyo Puntland yeelanayaan xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn, ayagoo iska kaashanaya tababarada malamiinta iyo maamulayaasha, kana wada shaqeenayaan mideynta Siyaasada iyo Manaahijta dalka Soomaaliya. 12- Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhamaan hay’adaha caalamiga ee u xilsaaran Soomaaliya, usoo raraan xarumahooda iyo xafiisyadooda meelaha nabada ka jirto ee dalka Soomaaliya, sida Puntland. 13- Waxay dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Puntland ku baaqayaan, horumarinta iyo illaalinta, Diinta, Dhaqanka, Suugaanta, AfSoomaaliga, Madxafyada iyo Goobaha taariikhiga ah. 14- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in xiriir joogto ah lala yeesho, Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qurbo joogta, laguna dhiiri geliyo dhawrida, Diintooda, dhaqaankooda iyo afkooda. In laguna dhiiri geliyo dib u dhiska dalkooda, iyo waliba inay xushmad iyo sharaf kula noolaadaan bulshooyinka ay ku noolyihiin oo dalalkooda ku marti geliyey oo dajiyeyna. 15- Ugu danbeyn waxay Dowlada Federaalka iyo Puntland isku afgarteen in dhamaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland, yeeshaan xiriir joogto. Faroole iyo Shirkii Jaraaidka Ee Dhahar-Radio Lagu Casumay: Kadib markii ay wafdiga Puntland ay isagasoo dareereen shirkii laba geesoodka ee fashilmay, ayaa madaxweyne Faroole saxaafada ku casumay aqalka u ka deganyahay maagaalada Nairobi. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey arimo badan oo la xiriiro ujeedooyinka ay u joogaan magaalada Nairobi, kulankii ay la qaateen madaxda Mareekanaka, iyo ugu dambeyntii shirkii saaka ku dhamaaday fashilka. Madaxweynaha oo garab fadhiyo General Ilka Jiir, ayaa sheegay in dowlada shariif aysan usoo jeedin in ay wax ka qabato xaaladaha cakiran ee dalka aysanna ku qanacsaneyn horumarka Puntland. Weriyaheena magaalada Nairobi ayaa inoo xaqiijiyey in labada dhinac ay isku mari waayeen deeqaha loo qoondeeyo amaanka iyo mashaariic la rabo in laga fuliyo Somaaliya. Dhawaan ayaa waxaa magaalada Carmo ee gobolka Bari tababar ugusoo dhamaaday boqolaal ay Puntland ugu talagashay in ay udirto Koonfurta Somaaliya ay uga caawiyaan dowlada Shariif oo inbadan dalka gacantooda aan ku jirin. Kaalinta Generaal Ilka Jiir iyo Ujeedada Socdaalkiise: Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland, General C/laahi Axmed Jaamac (ilka Jiir) ayaa ah shaqsiga madaxweyne Faroole u xilsaaray dhinaca xiriirka dowlada federaalka. Generaalka ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo, kana qeyb ahaa gorgortankii horay ee labada dhinac. Wasiirka ayaa warbaahinta Dhahar-Radio u sheegay in uu guulo farabadan ka gaaray shirar u layeeshay hay’adaha deeq bixiyaasha, Congress man Donald Payne, iyo safiirka Mareekanka oo isagu iyo madaxweynaha si wada-jir ahi u wada kulmeen. Dhahar Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 14, 2009 MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND AYAA GALABTA SHIRJARAA'ID KU QABTAY HOYGA UU KA DAGAN YAHAY MAGAALADDA NAIROBI.+SAWIRO -------------------------------------------------------------------------------- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan maxamed Faroole ayaa Galabta Shirjaa'id uu kaga warbixinayo Kulamadii gooni goonida ee uga Socday Magaaladda Naiarobi yaga iyo Dowlda KMG ku qabtay Hoyga uu ka dagan yahay Magaaladda Nairob ee Tribe. Madaxweyne Faroole ayaa ka warbixiyay ujaadada ay u yimaadeen wuxuuna Sheegay inay markii hore u yimadeen Magaaladda Nairobi Dowladaha iyo Hay'adaha Caalamiga ee daneeya Arimaha Somaliya kulamadaasi markii ay noosoo idlaadeen ayuu yiri Dr. Faroole Waxaan nasiib wanaag helay Madaxweynaha DOwlada KMG Shiikh Shariif Waxaan ka wada hadalay Heshiis-yadii ay gaadheen Puntland iyo Dowlada somaliya. Waxaan ku heshiinay Madaxweyne Shariif inaan Labo Wasiir aanu u Xilsaarno inay ka shaqeeyaan Heshiiskii dhawaan uu saxiixay R/wasaare Cumar C/rashiid iyo Xukuumadiisu dhinacayaga waxaan u Xilsaarnay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowlada Hoose General C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir yana Wasiirkale ayay u xilsaareen. Madaxweyne Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Sheegay inay xalay isku fahmi waayeen Madaxweyne Shariif qodobo ay kamid yihiin in Laga Sameeyo Mashaariic Horu-marineed Deeganada Puntland iyo in lataabo galiyo Heshiiskii Magaaladda Gaalkacyo Madaxweyne Faroole aya Sidoo kale Sheegay inuu Xalay ka Codsaday Madaxweyne Shariif in uu kusoo waraajiyo Heshiiskii uu Saxeexay Cumar C/rashiid Magaaladda Gaalkacayo Si aan u dhirin dhirino oo aan dabada ka riixno Laakin wuxuu sheegay Madaxweyne Faroole inaan laga hoos qaadin Codsigaas. horaan u ogaanay inaysan Dowlada KMG u gubin Hay'adaha ay qusayso Heshiiskii Magaaladda Gaalkacayo taasina waxay noqotay mid aanu anagu aqbali waynay. Sadex qodob ayaan xalay isku af-garanay Madaxweynaha Dowlada KMG ee Somaliya waana kuwan 1:Madaxweyne shariif Xalay Waxaan isku afgaranay inaan Saxiixno Warqad lagu adkeynayo Heshis-kii uu Saxiixay R/wasaare Cumar C/rashiid ee ka dhacay Magaaladda Gaalkacayo ee Xaruunta Gobolka Mudug oo lagu darayo qodobo dheeraada 2:tan labada Waxa weeye sidan anagu horebe u sheegi jirnay in dadka dagaalku u dhaxeeyo dibu heshisiin loo furo 3: Dowlada kMG waxaan u sheegnay inay Mashaariic Horu-marineed ka sameeyaan deegaanadii aanu madaxda u ahayn ee Puntland iyo Waliba maamulka Galbeedka ee aanu Walaaha nahay kolay somali meela ku kala tagi mayso wax laga gaadhsiiyo Mashariicda iyo waxqabyada. Madaxeyne Faroole ayaa Sheegay inay kusoo kala kaceen Kulankii Wuxuna Farta ku go'day Madaxweyne Faroole inay qaska iyo dhibaataa wadaan rag gaara. Liibaan Abdirashiid Liibaan5711@hotmail.com Nairobi_kenya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 14, 2009 Indeed an Expensive Loss For Shariif's Camp Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 14, 2009 Nayrobi;-Madaxweynaha Dowlada KMG Ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweyanaha Dowlada Puntland ayaa Maanta oo Jimce ah kulan ay ku lahayeen Safaarada Somalida ee Dalka Kenya ayaa ku dhamaaday Mid fashil yadoo ay isku fahmi waayeen dhowr qadob. Madaxweynaha Dowlada KMG ayaa Sheegay inay isku Fahmi waayeen qaabka Horumarineed ee Puntland looga samayn lahaa Mashaariic Wuxuu Madaxweyne Faroole Sheegay inay isku fahmi waayeen qodobo ay kamid yihiin heshiiskii R/waarasha Somaliya Ee Cumar C/rashiid iyo Xukuumadiisu Magaaladda Gaalkacyo ku Saxeexeen inaan waxba laga qaban. Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Dowlada KMG inay ka cagajiidayso sidii Mashaariic horu-marineed looga hir galin lahaa Deeganada Puntland oo hada ah ayuu yiri meelaha qudha ee Somaliya amnigu ka jiro islamarkana ay u baahan yihiin dadka halkaas dagan Mashaariic Wax ku oola. Labada Madaxweyne ayaa ku kala kacay yagoon waxba isla meel dhigin waxaana la odhan karaa in uu SHirkaasi fashil ku dhamaaday gabi ahaanba Madaxaweyne Faroole ayaa markii dambe hoygisi uu ka dagan yahay Magaaladda Naiarobi Shirjaraa'id uu kagaga warbixinayo Arimaha ay isku fahmi waayeen Madaxweynaha Dowlada KMG Shiikh Shariif ku qabtay. Liibaan Abdirashiid Liibaan5711@hotmail.com Nairobi_Kenya Dhahar Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 14, 2009 Let Sharif play to the clan line. It will do him no good and Puntland no harm. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 14, 2009 Shariif Can't Afford to add more to his list of obstacles. Faroole on the other hand has some room to play hardball. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted November 14, 2009 3: Dowlada kMG waxaan u sheegnay inay Mashaariic Horu-marineed ka sameeyaan deegaanadii aanu madaxda u ahayn ee Puntland iyo Waliba maamulka Galbeedka ee aanu Walaaha nahay kolay somali meela ku kala tagi mayso wax laga gaadhsiiyo Mashariicda iyo waxqabyada. When you see the Faroole speaking for the "Shankaroon" it means he meant it ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 14, 2009 Dadweynaha Reer Puntland oo walaac ka muujiyey Khilaafka Sheikh Shariif iyo Faroole. C/qani C/laahi Cabdi Horseed Media Bosaaso,Soomaaliya. Dadweynaha ku nool gobolada Puntland ayaa waxaa ay wax laga xumaado ay ku tilmaameen is afgaran waagii 24-saac ee ugu dambeeyay soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dowlada Puntlad C/raxmaan Faroole iyo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed. Qaar ka mid ah Dadweynaha ku nool magaalada Bosaaso oo aan microfonka aan la dhex qaadnay ayaa aragtidooda ku aadan khilaafkaasi waxaa ay ahayd mid hal meel u wada jeeda. Maxamed Siciid Faarax oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magalada Bosaaso ayaa sheegay in uu ka walwalsanyahay khilaafkaasi,waxaana u xusay in uu ugu baaqaayo labada Madaxweyne in ay dib ugu wada noqdan miiska wadahadalka. Waxaa uu intaasi ku daray Maxamed in aan loo bahnayn in laysku khilaafo waxaan dani ugu jirin umada Soomaaliyeed. Sidoo kale Khadar Cabdi Cali ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhexgalay Sheikh Shariif iyo Faroole uu yahay mid aan dani ugu jirin umada Soomaaliyeed,isla markaasina ay ka fa’ideysanayaan cadowga labada Dowladood. Khadar ayaa waxaa uu tibaaxay in loo baahanyahay xalinta khilaafaadkasi in loo saaro gudiyo soo afjara si buu yiri ay labada Dowladood ay isaga kaashadaan horumarka dalka oo ugu horeeyo arimaha nabadgalyada. Hadal haynta ugu badan gobolada Puntland ayaa waxaa ay noqotay khilaafkii aan caadiga ahayn ee shalay soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya,waxaana labo qof oo kasta oo wada taagan ay hadal hayaan arimahaasi. Si kasta shalay ayay ahayd markii labada Madaxweyne ay isku mari waayeen hirgalinta heshiis ka kooban 15-qodob,kuwaasi oo ay labada Dowladood 23.8.2009 ay ku gaarean magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Horseed Media. Posted by editor on November 14, 2009. Quote Share this post Link to post Share on other sites