Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Tick! Tock ! time is realy running against the life of ...........................

Recommended Posts

Xaalada Caafimaad Ee Cabdullahi Yusuf Oo Markale Meel Xun Mareyso

Baydhabo, 12/14/2006 - Warar lagu kalsoonaan karo oonu ka helnay ilo ku dhaw guriga madaxtooyada ee dowlada KMG ah ee ku go'doonsan Baydhabo, ayaa sheegayo in madaxweynaha dowlada KMG ah, Cabdullahi Yusuf Axmed, ay xaaladii caafimaad mareyso meel aad u xun

 

Warkan ayaa sheegayo in Cabdullahi Yusuf uu hada gabay socodki iyo hadalki labaduba.

 

Cabdullahi Yusuf ayaa coma galay bishii tagtay ee November 24-keedii isagoo ilaa iyo xiligaas uu caafimaadkiisa marna si buuxda u soo wada noqon.

 

Cabdullahi Yusuf ayaa marba marka ka danbeeyaa uu caafimaadkiisa aad u sii xumaanayaa, iyadoo ilahan ay inoo xaqiijiyeen in caafimaadkiisa uu hada halis ku jiro, marki loo eego xaalada uu hada ku sugan yahay.

 

Cabdullahi Yusuf ayaanan tagin dhamaan balamihii dhaqtarka wadnaha ee dalka Ingriiska oo waqtiyadii loo qabtay bilihii tagay uu u wada gooyey.

 

Howlaha caadiga ah ee dowlada KMG ah ayaa wixi ku saabsan arimaha gudaha waxaa si toos ah u wado sargaal Tigreey ah oo ku sugan magaalada Baydhabo, halka howlaha caalamiga ah uu wado ra'isulwasaaraha dowlada KMG ah, Cali Max'ed Geedi, oo ay kala shaqeyso gabarta xogheynta labaad u ah ra'isulwasaarada dalka Itoobiya.

 

Shir ay isugu imanayaan madaxweynayaasha 10 -ka dal ee Haarooyinka Waaweeyn oo ka furmayo maanta magaalada Nairobi qurshuhuna ahaa in Cabdullahi Yusuf ka qeybgalo, ayaa waxaa booskiisii buuxin doona Geedi.

 

Dowlada uu hogaamiyo Cabdullahi Yusuf ayey dadka siyaasada Geeska Afrika u kuurgalo aaminsan yihiin inay laga ma'aarmaan u tahay qurshayaasha dowlada Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya oo ku dhisan fikirkii is fidinta ee Boqortooyadii Abyssinia, waxeyna sheegayaan in geeri ku timaadaa Cabdullahi Yusuf ay fashil weyn u keeni doonto siyaasada Geeska Afrika ee Itoobiya.

 

Xaalada caafimaad ee Cabdullahi Yusuf ee ka sii dareyso ayaa laga qarinayaa dhamaan warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan caalamka arimo siyaasadeed darteed.

 

Arintan isha ayaanu ku heyn ee la soco Wabishabeele.

 

Xasan Cali Wehliye

Wabishabeele

Muqdisho

 

www.wabishabeele.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this