Sign in to follow this  
General Duke

Kampala: Puntland Government takes part in Health Conference

Recommended Posts

Shir Looga Hadlaayo Horumarinta Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Dhacay dalka Uganda

 

September 29, 20100 comments| leave your own!

Share Waxaa dhowaan magaaladda Kampala ee caasimada dalka Uganda lagu soo gaba gabeeyey kulan caalami ah oo looga hadlaayay horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka aduunka WHO,waxaana ka qaybgalay ergay kala duwan oo ay kamid ahaayeen wefdi ka tegtay maamulada Somaliland,Puntland iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane C/risaaq Xirsi Xassan oo la hadlaayay warbaahinta Horseed Media isla markaana kamid ahaa dadkii ka qaybgalay kulankaas ayaa sheegay in laga wada hadlay sidii xilligaan loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee ka jira dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu intaas ku daray in khuburo caafimaad ay kasoo qaybgaleen kulankaas,iyadoo khudbado kala duwan ay ka jeediyeen halkaas madaxdii ka qaybgashay.

 

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka ayaa xusey inuu halkaas khudbad dheer uu ka jeediyey kaga hadlay xaaladaha caafimaad ee ka jirta degaanada Puntland iyo qorsheyaasha ay Wasaarada Caafimaadka Puntland wado ay ku horumarinayso arrimaha Caafimaadka Puntland.

 

Mudane C/risaaq ayaa tilmaamay in dadkii kulanka ka qaybgalay ay soo dhoweyeen khudbada uu halkaas ka jeediyey ee uu kaga hadlaayay arrimaha Caafimaadka Puntland.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka intuu socday uu codsi ujeediyey madaxdii ka qaybgalaysay taas oo ah in ay gacan ka siiyaan Wasaarada Caafimaadka Puntland.

 

Si kastaba bisha soo socota ayaa lagu wadaa in dalka Sacuudi Carabiya lagu qabto kulan labaad oo looga hadlaayo arrimaha Caafimaadka Soomaaliya,waxaana ka qaybgali doona Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ayaa Maanta Shacabka ugu baaqay in ay ka Faa,idaystaan Dhaqaatiir Caalami ah oo Dhawaan ka Hawlgali Doona Cisbitaalka Gaalkacyo kuwaas oo ka imaan doona Wadanka Turkiga bisha Ogtober 22 ilaa 26 ka bishaasna ka Hawgali Doona Cisbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug Maxamed Jaamac ayaa Wuxuu Warbaahinta Allidamaale u Xaqiijiyay Dhaqaatiirtaas in ay ku siman yihiin ugu yaraan 16 dhaqtar oo ku taqasusasy Cudurada kala Duwan oo Qaarkood Qaliino ka samyn Doona Cisbitaalka Guud, wuxuuna sheegay Sidoo kale in ay la socon Daan Kalkaaliyaan Caalami ah oo la shaqayn Doona Dhaqatiirtaasi.

 

Agaasimaha ayaa Sidoo kale Sheegay Arrinkani in uu yahay Qorshe Wasiirka caafimaadka Puntland oo kala soo hadlay Dawlada Turkiga kaas oo la isla ogolaaday in la mataaneeyo Cisbitaalo Caalami ah oo ku taala Wadankaasi iyo Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug, Wuxuuna Agaasimuhu Carabaabay Wasiirku in uu soo saxiixay Heshiis Dawlada Turkigu ay ku Ogolaatay Dhaqaatiirta Turkigu in ay Xilliyada Qaar ka Hawgalaan Cisbitaalka Gobalka Mudug Sidoo kalana Dhaqaatiirta Gobalka Mudug ay Xilliyada Qaar ka Hawgali Doonaan Wadanka Turkiga si Shaqadu ay u Noqoto Mid tayaysan.

 

Hadalkan ayuu Gudoomiyuhu ka sheegay Kulan ay sigu yimaadeen maamulka Gobalka mudug, kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Caafimaadka gobalka iyo Degmada , Gudiga Caafimaadka iyo Gudiga Nabadgalyada Gobalka Mudug oo looga hadlayay Qaabkii Dhaqaatiirtaasi ay uga Hawgali lahaayeen Cisbitaalka Guud ee gobalka Mudug Qaybha bulshaduna ay ugu faa,idaysan lahaayeen.

 

Shacabka Qaybihiisa kala Duwan ayaa siu Diyaarinaya Sidii ay uga Faa,idaysan lahaayeen Dhaqaatiirtaasi caafimaad ee Dhawaan ka imaanaysa Wadanka Turkiga.

 

Arrintan Waxay ku soo aaday Xilli Wasaarada caafimaadka puntland ay wada Dadaalo ay ku Xoojinayso Caafimaadka Puntland Sidoo kalana ay Xooga saarayso Shaqada isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug iyo tayadiisa sidii kor loogu qaadi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this