Sign in to follow this  
Emperor

Like Ato and Yalaxow, Morgan too is against the FTs, they suggested ethi is enemy

Recommended Posts

Emperor   

Mid ka mid ah hogaamiyeyaashii ugu dhow dhowaa C/llaahi Yuusuf oo ka horyimid qorshe uu madaxweynuhu wato

Nairobi

 

 

Jen. Max’ed Siciid Xersi (Morgan) oo ahaa hogaamiye kooxeed ay si weyn isugu dhowaayeen madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in aan loo baahneyn dalabka ciidamada shisheeye, gaar ahaan ciidamada safka hore, isagoo gaashaankana ku dhuftay in dowladda Itoobiya ciidamadeeda ay ka mid noqdaan ciidamada Soomaaliya la geynayo, wxuuna sheegay in ay tahay wax aysan Soomaalidu qaadan karin in ciidamo ka socda dalka Itoobiya ay Soomaalida hubka ka dhigaan.

 

 

Jen. Morgan wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalalka deriska ah ay ka shaqeeyaan nabadeynta & deris wanaagan, ayna ka saacidaan Soomaalida sidii ay lugaheeda isugu taagi laheyd maadaama dowladu ay tahay dowlad dib u heshiisiineed, balse wuxuu gaashaanka ku dhuftay Jananka in dhibaato mooyiye aysan faa’iido keeneyn haddii ciidamada safka hore ay ka mid noqdaan ciidamada Soomaaliya la keenayo, wuxuuna xusay in Soomaalidu haddii ay daacad ka tahay taaba-gelinta dowladda ay iyagu ku filan yihiin in ay hubka iska qaadaan maadaama dhammaan kooxihii hubeysnaa ay ku jiraan dowladda,

 

Jen. Morgan oo ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee ugu dambeeyey markii la riday dowladii Max’ed Siyaad Barre, 14-kii sano ee dalku dowlad la’aantana ka mid ahaa hogaamiyeyaasha kooxaha hubeysan, ayaa muddooyinkan waxaa soo kala dhexgalay mugdi siyaasadeed isaga & madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii Jananka la filayey in uu buuxiyo kursigii baarlamaan ee uu baneeyey madaxweyne C/llaahi Yuusuf balse kursigaasi uu buuxiyey mudane ay isku jufo yihiin madaxweynaha, iyadoo haatan uusan Jananku wax xil ah ka hayn dowladda, waxaase la hadal hayaa in uu ka mid noqdo saraakiisha sarsare ee loo magacaabayo xilalka ciidamadda qalabka sida.

 

Dayniile.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

But why these men think the same way. They think ethiopia will not do good but harm Somalia.

 

Well, This kind of Nationalists is what we need. Kudos to these great defenders of the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this