General Duke Posted August 2, 2007 Qodobo ay ku heshiiyeen DFKMG ah iyo MGPL 30 Jul 30, 2007 - 5:25:09 PM Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf ayaa shaley ku soo bandhigey qodobo lagu sheegey in lagu xalinayo dhibaatooyinka ka tagaan Puntland isla markaana lagu xalinayo khilaafkii u dhexeeyay DFKMG ah iyo DGPL xiritankii kalfadhigii GW Puntland kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha DGPL Cadde Muse, golaha wasiirada, waftigii la socdey Madaxweynaha iyo Issimo ayaa waxaa hadal ka jeediyay Madaxweyne Yusuf oo sheegey in ay Puntland soo gaareen kadib markii ay ka dhaceen mudahradyo wata rabshado iyo khilaafyo soo dhexgaley golayaahsa Puntland. Qodobadan oo uu akhriyay xildhiban ka tirsan DFKMG ah ayaa waxa ay ka koobnayen sidatan: 1-Siyaasada 2-Amniga 3-Dhaqaalaha iyo toosinta maamulka. 1) Siyaasada a) In la helo bulsho midaysan oo ka wada-shaqaysa danaha Ummada , in Golayasha dawladu ay wadashaqeeyaan. b) In fiiro gaar ah loo yeesho kooxo is-bahaystay oo aan doonayn jiritaanka Puntland iyo qaranimada Somalia. a) In xiliga dawlada Puntland ay tahay 4 sano b) In dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Puntland c) In la diyaariyo sharciga axsaabta d) In la sameeyo Guddi doorasho 2) Amniga : a) In Ciidanka Boliska iyo Asluubta la habeeyo oo tababaro loo furo ayna ahaadaan kuwo xadidan iyada oo ciidanka Darawiishta Puntland ay la wareegtay DFKMG ah , mas'uul-na ka tahay ah islamarkasna dhaqalaha iyo tababarkoodaba la waregayso. a) In Puntland laga hirgaliyo barnaamijka DDR ee hub ka dhigista b) In xuduudaha Puntland ee Waqooyiga iyo Koonfurta la asteeyo C) In ciidanka badda la habeeyo islamarkasna ay DFKMG ah ay la wareegto mamulkooda. 3) Dhaqaalaha : a) In Miisaaniyada lagu dhaqmo bil-kasta b) In shaqaalaha Puntland ay bil-kasta ay helaan mushaharkooda B) In Maxjarka ay dhisto shirkada maamulka Puntland uu heshiiska la galay isla markana la dhaqan galiyo iyo in la hubiyo qiimaha adeega Maxjarka iyo khidmadha laga qaadi doono ganacsatada xoolaha dhoofsaneyso. a) In la sameeyo shahaado caafimaad oo ay xooluhu leeyihiin b) Kalluumaysiga waxaa ka mas'uula ah maamulka Puntland c) Batroolka iyo Macdanta waxaa ka mas'uul ka ah DFKMG ah , hayeeshee iyadoo wacyiga lagu-jiro la eegayo maamulka Puntland waa uu sidii wadi-karaa heshiisyadiisa iyo hawlaha shidaalka iyada oo kala tashaneysa DFKMG ah. Waxaa la mamnuucay daabacaada lacagaha waxaana xaq u leh Banngiga dhexe a) In Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah Issimada ay Muqdisho tagaan. Toosinta Maamulka a) In la saxo khaladaadka dawlada b) In Golayaasha dawladu ay wada-shaqeeyaan d) In Issimada talada wax laga wadaajiyo e) In lagu dhaqmo Shuruucda dalka In gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn si wayn maamulku uga hawlgalo dhaqaale ahaan , maamul ahaanba iyo siyaasad ahaanba. Dhinaca kale Madaxweynaha DGPL oo halkaas ka hadley ayaa sheegey in aysan jirin khilaaf u dhexeeya mamaulkiisa iyo DFKMG ah isaga oo sheegey in ay waligood saxiib ahaayeen Cabdulahi Yusuf. Madaxweynaha DFKMG ah ayaa la filayaa in dhowaan ka ambabaxo Puntland iyada oo u fuleen howlihii uu yimid. Xabsade oo wareejiyay xilkii wasraadii Amniga. Xaabsade oo maanta ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay wasiir ku-xigneekiisa ayaa sheegey in wasaaradiisa sidii loo rifayay goortaan tagi wayay leygu yiri iska tag. Waasirkii hore ee amniga ayaa sheegey in madaxweynaha uu xaq u leeyahay in xilka uu ka qaado balse horey looga qadey mas'uuliyada oo aysan aheyn mid cusub. Xaabsadsade ayaa tibaaxey in wasardiisa laga qaadey markii hore howlihii ahaa : Laanta Socdaalka, wax ka qabadka masiibooyinka, reer miyiga, gobolada iyo Booliiska kuwaas oo lagu biiriyay wasaarada Cali Cabdi Awaare. Xaabsade ayaa sheegey in la kulmey waftigii ka socdey Somaliland basle hada uusan wax xill ah ka qabneyn mamaulka la magac baxey Somaliland. Wasiirkii hore ee Amniga ayaa sheegey in maamulka Puntland gaarsiisneyn gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn isaga oo sheegey in Cadde Muse ku guuldareystey in wax ka qabto dagaaladii dhexmarey beelihii Buhoodle. Garowe Online,Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Go’aamo ka soo baxay Wadatashigii dhexmaray Wafdiga DFKMS iyo DGPL. Monday, 30-Jul 2007 Shirkii guud ee galabta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ayaa wax ka soo qayb galay Weftiga uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DFKMS Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Madaxwaynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ,Golaha wakiilada, golaha Xukuumadda, Isimada Puntland iyo qaar ka mid ah shacab magaalada Garowe. Kulankan ayaa waxaa uu lahaa labo weji oo kala ah Gunnaanadkii Weftiga Madaxweynaha booqashadoodii iyo xiritaankii Kalfadhiga 17aad ee golaha Baarlamaanka kaasi oo furnaa muddo 45cisho ah. Hadaba furitaankii kulankaasi ayaa ayaado quraan ah ka dib waxaa furay guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee DGPl, waxuuna yidhi waxaa galabta xirmaya kalfadhigii 17aad ee Golaha wakiilada DGPL, intii goluhu furnaa waxaanu qabanay Xisaab xirkii, iyo qorshaha shanta sanno, wixii haatan hadhayna waxaa sii qaban doono guddiga joogtada haddii alla idmo. Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii loo gudbiyey Madaxweynaha DGPL mudane Maxamuud Muuse Xirsi, waxuunaa salaan ka dib yidhi “galabta waxaa xirmaya kalfadhigii 17aad ee Baarlamaanka DGPL waxaan jeclahay in dhibaatooyinka jira in la saxo, wixii naloo soo jeediyana waa qaadanaynaa, Puntland waxa loo burburinayaa waa federaalka dartii wax gaar ahna ma wadano, waxaan jecelnahay siday Puntland u hagaagi lahayd qaranimadii Soomaaliyana u soo noqon lahayd Danta guud ayaan ka shaqaynaynaa. Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Madaxweynaha DFKMG ah Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, “ puntland waa xaruntii Midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed waana Dowlad Gobeleedka keliya ee dhisan, waxaana la kulanay Golayaasha Dowladda, guddiga Joogtada ee Baarlamaanka, golaha wakiilada DGPL, Issimada, iyo Ganacsatada iyagoo u midaysan sidii mustaqbal puntland ay isu garab taagi lahaayeen, waxaa laysla gartay oo laysku raacsan yahay ka dib markii la galay dood dheer iyo falaqayn in dhinac looga soo wada jeedsado wada jirka Puntland, markastana looga shaqayn lahaa nidaam dhaqan dhaqaale, Madaxweynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi Ammnigu ma sugna qodobo ayaan ka gaarnay jiritaanka Puntland waana Jiritaanka qof kasta oo reer Puntland ah, waxana loo baahan yahay halkaad ka soo bilowdeen waad ogaydeen waan in hore aad uga sii socotaan. Haddaba qodobada laysku raacay ka dib kulamo isdaba joog ah dood dheer iyo falaqayn ayaa waxa laysku raacay qodobadan soo socda, waxaana halkaasi ka akhriyey Xilshibaan Cabdirashiid Maxamed Xaashi(Ciro) oo ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha DFKGM.waxayna kala ahaayeen sidan: 1. Arrimaha siyaasada, Waa in la helaa Bulsho midaysan, mudnaan gaar ah waa in la siiyaa gobolada Sool, Cayn iyo Sanaag, ,Xuduudaha Punland.Xoogaga Isbahaystay waa in midnimo looga hortagaa, mudada Dowladda waa afar sanno, waxaana mudada u hartay looga baahan yahay dibu eegidda Dastuurka, afti dadweyne, sharciga aftida xisbiyada. 2. Arrimaha Ammniga, Waa in dib loo dhisaa Booliiska, Asluubta, Puntland waana in ay bixisaa bil kasta Mushaharka ,xuquuqda, Tababarka iyo howlaha kale. Daraawiishta Dowladda Federaalka ah ayaa la wareegeysa, baahidoodana fulinaysa, hubka dhigis waa in la hirgeliyaa oo hay’adda DDR la howlgeliyaa, dhaqan celina waa in lagu sameeyaa Ciidan Beeleedka, sifaynta Cadowga Ciidanka badda Dowladda Federaalka ayaa badidiisa Daboolaysa. 3. Arrimaha dhaqaalaha, Waa in si sax ah loogu dhaqmaa Miisaaniyadda Sannadka, bil walbana ay bixisaa mushaharooyinka, dibna waa in loo saxaa Shaqaalaha. Ganacsigu waa tartan xor ah iyo suuq xor ah, Xabagta waa in la dhiiri geliyaa, Maxjarka waa in la hirgeliyo waana in ay dhisaan Shirkadaha Ras-Al Khayma iyo Sucuudiga, waxaase mamulaysa DGPL, shirkad kasta oo xoolo dhoofisaa waa in ay soo martaa maxjarka, suuqa ay geynaysana waa ay u madax bannaan tahay, marka ay hesho labada shahaado ee kala ah waraaqda caafimaadka iyo cadaynta gobolka uu ka yimid, heshiisyada kalluumaysiga, Shidaalka iyo Macdanta Puntland way gelikartaa iyadoo la soo wergelinayo DFKMG, In la dhowro hay’adaha Dowladda dhexdeeda, in la dhowro issimada kaalintooda, waxaana la mamnuucay samaynta iyo Keenista lacagaha Been abuurka ah, lacagtana waxaa maamuli doona Bangiga dhexe ee DFKMG ah. Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii mar labaad lagu wareejiyey Madaxweynaha DFKMG ah waxaanu DGPL uu ka codsaday in la fuliyo Go’aamada laysku raacay ee ayan noqon wax meeshaas inta layskag yiraahdo aan hadhow hirgelin Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah isimada oo uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxmed oo dhammaantoodba sheegay in ay go’aamadaasi raali ka yihiin kuna raacsan yihiin. Ugu Dambayntii waxaa kulankaasi oo isugu jiray labo arrimood soo gababeeyey Madaxweynaha DGPl kuna dhawaaqay in uu xiran yahay Kalfadhigii 17aad ee socday mudada 45cisho ah Quote Share this post Link to post Share on other sites