Emperor Posted June 7, 2007 Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha oo manta soo booqday goobta loo diyaarinayo qabashada shirka dib u heshiisiinta iyo Cali Mahdi oo warbixin kooban siiyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisal wasaaraha xukuumada KMG Prof. Cali Max'ed Geeddi ayaa maanta booqasho gaaban ku tegay xaruntii gaadiidka Booliska oo loo dayactirayo marti gelinta shirka dib u heshiisiintan Qaranka. Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha oo ay amnigiisa sugayaan ciidamado isugu jiray Itoobiyaan iyo kuwa AMISOM iyo weliba Soomaali aya booqasho gaaban ku tegay halkaasi oo ay ka socanayaan howlo dhismayaal iyo dayactir isugu jira, waxaana halkaasi warbixin kooban ku siiyay guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max'ed oo isagu u sheegay inay gabo gabo ku dhow yihiin howlaha dayactirka xaruntan. Sidoo kale, xaruntan ayaa waxaa ka soconaya howlo ay ku dayactireyso hay'adda UNDP-da si loogu qabto shirka dib u heshiisiinta oo lagu wado inuu ka furmo halkaasi 14-ka bishan aynu ku jirno ee June, waxaana ka harsan mudadaasi in ka yar todobaad, iyadoo madaxda dowladda iyo guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta ay sheegeen inaan dib loo dhigi doonin waqtiga shirka. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay hay'adda UNDP ee maamusha maal gelinta shirka dib u heshiisiinta ay ku deeqday lacag dhan 8.5 milyan oo Doollar, taasoo lagu socodsiinayo howlaha shirka. Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia dayniilecom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 7, 2007 C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo booqday goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta. Posted to the Web Jun 07, 12:50 Muqdisho:-Madaxweynaha dfkmg C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisal wasaaraha dfkmg Cali Maxamed Geedi ayaa maanta booqasho ku tagay xaruntii hore ee gaadiidka booliska ah goobta loo qoondeeyay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta qaran. Waa markii ugu horreysay oo madaxda sare ee dfkmg ay booqdaan xaruntaasi oo lagu wado 14ka bishan aanu ku jirno in uu ka furmo sida la qoondeeyay shirka dib u heshiisiinta. Madaxweyne Yuusuf iyo ra'iisal wasaare Geedi ayaa warbixino ka dhagaystay guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed, isagoo uga warbixiyay halka ay u mareyso qaban qaabada shirka. Saxafiyiin tagtay xaruntii hore ee gaadiidka booliska oo ay booqdeen madaxda dfkmg ayaa sheegay in ammaanka si weyn loo adkeeyay ayadoo ciidamada dfkmg iyo kuwa Ethiopia ay xireen waddooyinka soo gala xaruntaasi si aan weeraro loogu soo qaadin madaxda dfkmg. C/qaadir Osman Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted June 7, 2007 Waa markii ugu horreysay oo madaxda sare ee dfkmg ay booqdaan xaruntaasi oo lagu wado 14ka bishan aanu ku jirno in uu ka furmo sida la qoondeeyay shirka dib u heshiisiinta I am Book marking this thread & I'A report back on the 14th of June to see if that Reconciliation meeting will ever take place. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted June 7, 2007 are there som picture?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 9, 2007 Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa socod ku soo maray qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho. Daawo Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa socod ku soo maray qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxayna si wadajir ah u booqdeen halka lagu qabanayo shrka dbi u heshiisiinta Qaran. Madaxweyne Yuusuf uu la hadlay shaqaalaha howlaha ka wada xaruntaas oo ah xaruntii hore ee gaadiidka Booliiska ayaa ku boorriyay inay howlaha sii wadaan ayna si niyad ah ku shaqeeyaan. Xubnaha ugu sarreeya Dowladda oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin in dib u habeyn lagu sameynayo goobtii lagu qaban lahaa shirka dib u heshiisiinta Qaran oo ka furmaya Muqdisho 14-ka bishan. Sidoo kale waxay socod ku soo mareen waddooyinka ay nadaafaddu ka socoto iyagoo dhiirrigeliyay shaqaalaha nadafaadda ee iskood isku xil saaray, waxaana ay ku tilmaameen inay yihiin wadaniyiin dalkooda wax u qabanaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted June 10, 2007 14th June??? Thats like 4 days away,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 10, 2007 Yep, its like Thursday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted June 13, 2007 Its almost Jun 14,Where they @?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted June 13, 2007 Now its 3rd time people misunderstood the tfg. The Ali Mahdi Conference is now on July 14th, not June 14th as many here understood Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 13, 2007 Originally posted by Allamagan: Now its 3rd time people misunderstood the tfg. The Ali Mahdi Conference is now on July 14th, not June 14th as many here understood loool....typical Ali and Yey Quote Share this post Link to post Share on other sites