Sign in to follow this  
General Duke

TFG supports those returning home

Recommended Posts

Dawladda kmg ah oo bilowday gacan siinta dadka doonaya in Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan

 

Muqdisho, April 30, 2007 (WDN) - Xukuumadda kmg ah ee Soomaaliya ayaa gawaari gaar ah ay u sameysay dadka tabaaleysan ee doonaya guryahooda in ay dib ugu soo laabtaan. Dadkaas oo ku barakacay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

 

Masuuliyiinta dawladda kmg ayaa ku warramay in xukuumaddu ay gacan ka geysan doonto sidii shacbiga Muqdisho ee barakacay ay guryahood ugu soo laaban lahaayeen. Arrintan oo ay ku tilmaameen in xukuumaddu rabto in xaaladda magaalada ay sideedii hore ku soo celiyaan mar haddii la soo afjaray hardankii hubeysnaa ee kooxo ku sugan Muqdisho ay kaga soo horjeedeen ciidamda dawladda kmg ah iyo kuwa Itoobiya.

 

Ku dhawaad 5 gaari oo kuwa Xamuulka qaada ah ayaa maanta si bilaash ah dadka uga soo daabulaya gobolka Shabeelaha Dhexe. Baabuurtaas oo ay soo raacayaan dadka diyaarka u ah in ay dib ugu soo laabteen aqaladoodii. Dadka illaa hadda la soo dadgureeyay ayaa intooda badan ay yihiin haween iyo carruur.

 

Mar wax laga weydiiyay dadkii gawaaridaasi adeegsanayay ayey sheegeen in masuuliyiinta dawladda kmg ay ku soo wargaliyeen in gawaaridaasi si bilaash ah ay usoo raaci karaan isla markaana ay alaabahooda ugu raran karaan si ay ugu soo noqdaan guryahoodii.

 

Ciidamda dawladda kmg ee Soomaaliya waxaa sidoo kale ay gacan siinayeen dad ku sugan deegaanka Ceelasha e duleedka magaalada Muqdisho. Kuwaasi oo maanta waday dhaqdhaqaaqii ugu xooganaa oo ay guryahoodii ay dib ugu soo laabanayaan.

 

Ka dib markii lasoo afjaray dagaaladii qaraaraa ee ka taagnaa caasimadda dalka ayaa dadka intooda badani waxaa ay rajo ka qabaan in goobihii ay deganaayeen ay dib ugu laabtaan. Hasayeeshee waxaa weli taagan cabsi, maadaama ay welii ciidamada Itoobiya fadhiyaan goobo badan oo dagaalada ay ku qabsadeen.

 

Jibriil Nuur Cadde

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this