Xaaji Xunjuf Posted October 15, 2010 Qarax Lala Beegsaday Wasiirka Warfaafinta Puntland October 15, 20107 comments| leave your own! Share Qarax lagu tilmaamay nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa subaxnimadii maanta gaar ahaan markii saacadu ay ahayd 08:15-A.M lala beegsaday gaariga Wasiirka Warfaafinta Dawlada Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Bosaaso. Sida ay warbaahinta Horseed Media u xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah qaraxa ayaa lagula beegsaday Wasiirka agagaarka Masjidka Faadumo wadada dheer ee laamiga xilli uu halkaas ku socdaalayay. Wararka ayaa intaas ku daraaya in gaariga uu watay Wasiirka uu ahaa nooca “Land Cruiser” waxaana lasocday ilaaladiisa. Xirriro kala duwan aan sameynay ayaa inoo surtagali wayday in aan helno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxa iyadoo daqiiqado kadib goobtu qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidamo badan oo isku hareereyey. Wararka ayaa sidoo kale sheegaaya in Wasiirka uu dhaawac fudud soo gaarey,iyadoo qof joogey goobtu qaraxa ka dhacay dhaawac culus soo gaaray isla markaana lala soo cararay Isbitaalka. Saraakiisha Booliska iyo laamaha amniga ayaa weli ka hadlin qaraxaan oo si aad ah looga maqlay magaalada. Waa markii ugu horeysay weerar Wasiirka Warfaafinta Puntland lagula beegsado gudaha magaalada Bosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 15, 2010 Qarax ayaa Saaka subixii hore Lala beegsaday Wasiirka Warfaafinta Punland Cabdi Xakiim Axmed. posted by: Webmaster Qarax lagu tilmaamay nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa subaxnimadii maanta gaar ahaan markii saacadu ay ahayd 08:15-A.M lala beegsaday gaariga Wasiirka Warfaafinta Dawlada Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Bosaaso. Sida ay sheegayaan wararku qaraxa ayaa lagula beegsaday Wasiirka agagaarka Masjidka Faadumo wadada dheer ee laamiga xilli uu halkaas ku socdaalayay. Wararka ayaa intaas ku daraaya in gaariga uu watay Wasiirka uu ahaa nooca “Land Cruiser” waxaana lasocday ilaaladiisa. Wararka ayaa sidoo kale sheegaaya in Wasiirka uu dhaawac fudud soo gaarey,iyadoo qof joogey goobtu qaraxa ka dhacay dhaawac culus soo gaaray isla markaana lala soo cararay Isbitaalka. Saraakiisha Booliska iyo laamaha amniga ayaa weli ka hadlin qaraxaan oo si aad ah looga maqlay magaalada. Waa markii ugu horeysay weerar Wasiirka Warfaafinta Puntland lagula beegsado gudaha magaalada Bosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 15, 2010 Wasiirka Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Maanta Qarax Lagula Beegsaday Badhtamaha Magaalada Boosaaso Boosaaso(OWN)- Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdixakiin Axmed Guuleed ayaa maanta Gaadhi uu saarnaa Qarax Lagula Beegsaday Badhtamaha Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland. Waxana ay wararku intaas ku darayaan in wasiirka uu soo gaadhay dhaawac fudud, halka uu hal qof oo kale uu dhaawac culusi soo gaadhay iyagoo saarnaa Gadhi nooca loo yaqaano Land Cruiserka marayeyna Badhtamaha Magaalada Boosaaso Aroornimadii hore qiyaas ahaan 0830 Subaxnimo. Ma ahan markii ugu horaysay oo mas,uul ka tirsan puntland qarax lagula eegto gudaha Magaalada boosaaso horay ayaa gudoomiyaha gobolka bari Sh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf Qarax lagula eegtay gaadhigiisii oo aanuu nasiib wanaag la socon. Oodweynenews.com/ Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites