Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Breaking News: The Electoral Committee is Complete

Recommended Posts

Golaha Wakiilada oo cod aqlabiyad ah ku ansixyey labadii xubnood

 

 

Hargeysa (Qaran)-Golaha wakiilada JSL, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labadii xubnood ee ka dhinaa komishinka doorashooyinka

 

Fadhi gaar ah oo goluhu saaka yeeshay , uuna gudoomiyenaayey gudoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku simaha gudoomiyaha C/casiis Maxamed Samaale, ayaa waxa ka soo qayb galay 64 mudane, waxaa golaha la horkeenay labada xubnood, waxaa la akhriyey CV-yadooda, waraaqaha caafimaadka iyo denbi la’aanta, ka dibna intii aan la bilaabin codaynta, ayaa debbeda loo saaray labada xubnood.

 

Labada xubnood oo kala ah, Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar (looshade), waxaa marka hore loo codeeyey Ismaaciil Muuse Nuur, waxaa ogolaaday 63 mudane, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, gudoomiyuhuna muu codayn .

 

Xubinta labaad oo ah Xasan Maxamed Cumar, ayaa loo codeeyey , waxaa isna ogolaaday 63 mudane, hal mudane ayaa ka aamusay, cid diiday ma jirin, gudoomiyuhuna muu codayn..

 

Codayntaa ka dib, ayuu gudoomiyuhu ku dhawaaqay in labadaa xubnood sidaa kaga mid yihiin guddiga komishinka qaran, waxaa fadhigaa goob joog ka ahaa guddidii dhex-dhexaadinta iyo marti sharaf kale.

 

Waxaa golaha ka muuqatay in ay isku raacsan yihiin ansixinta labada xubnood, markii laga soo baxay codaynta, ayaa mudaneyaal dhowr ah aanu weydiinay dareenkooda, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin sidas codayntu u dhacday.

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), oo u hadlay guddiga dhex-dhexaadinta oo joogay codaynta, ayaa sheegay in goluhu gutay waajibkiisa, waxaana uu intaa ku daray in golaha wakiiladu gutay waajibaadkooda, waxa kale oo uu halkaa ka sheegay in la ballansan yihiin madaxweynaha si loo sii ambaqaado waxyaabaha hadhsan.

 

Ismaaciil Muuse Nuur, sida loo akhriyey golaha waxaa uu ku dhashay Boorama 1950.

 

Xasan Maxamed Cumar, waxaa uu isna ku dhashay Ceerigaabo, 1961.

 

 

 

 

 

Qaran, Hargeysa.

 

Cumar Maxamed Faarax!

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-09-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa duu-duub ku an-sixiyey labadii xubnood ee Gudida doorashooyinka ee ay soo bedeleen Golaha Guurtidu, kadib markii ay Wakiiladu mar labaad is-hortaageen.

 

Labadan Xubnood oo kala ah Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar ayaa waxay ka mid noqdeen shantii xubnood ee Komiishanka ee ay hore u an-sixiyeen Wakiilladu.

 

Fadhigan oo uu shir-gudoominayey Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa madasha fadhiyey 63 Mudane,

Cod loo qaaday labadan xubnood ee Gudida doorashooyinka waxa ogolaaday 1.Ismaaciil Muuse Nuur 63 Mudane, cid diiday iyo iyo cid ka aamustay midna may jirin, sidana uu ku ansaxay. 2.Xasan Maxamed Cumar waxa ogolaaday 62 Mudane, hal mudane ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay

 

Labadan xubnood ee komiishanka doorashooyinka oo ahaa qaar ay soo bedeleen Golaha Guurtidu, kadib marki ay gudida dhex dhexaadintu ka dalbatay Golaha wakiilada inay mar labaad horyimaadaan labadii xubood ee ay hore u diideen, balse nasiib daro ay kal-soonidii ku waayeen.

 

 

Todobada xubnood ee Gudida doorashooyinka ee ay wakiillada ee la wada ansixiyey ayey xalaaleyntoodi ka hadhay Dhaarta Maxkamada Sare oo la filayo inay sida ugu dhakhsaha badan u dhaariso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labadi Xubnood Ee Golaha Guurtidu Uso Magacabay Koomishanka Dorashoyinka Oo Golaha Wakiladu Ansixiyey

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org) Fadhigii saaka ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa la horkeenay labadii xubnood ee koomishanka qaranka Somaliland usoo magacaaben golaha Guurtidu. Labadaas xubnood oo kala ahaa Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar waxa golaha wakiiladdu ku ansixiyey aqlabiyad.

 

 

Fadhigan golaha wakiiladda oo uu manta shir guddoominayay Cabdicasiis Maxamed Samaale, gudduumiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda ahna ku simaha guddoomiyaha golaha wakiiladda ayaa waxa fadhiga golaha kazoo xaadiray 63 mudane. Md Ismaacil Muuse Nuur ayaa waxa u codeeyey 63 mudane, mana jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona. Dhinaca kale mudane Xasan Maxamed Cumar ayaa isna waxa ogolaaday 62 mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane.

 

 

Codeynta liyo ansixinta labadan mudane ayaa ka danbeysay kadib wiigii hore markii golaha wakiiladda Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiden ansixinta laba xubnood oo golaha guurtida Somaliland hore ugu soo magacaaben koomishanka doorashoyinka qqaranka.

 

 

Labadan mudane ee maanta golahu wakiiladdu anasixiyey ayaa haatan si toos ah uga mid noqonaya kuna biirdi doona, haddii Eebe idmo, shanta xubnood ee kale ee komishanka doorashoyinka ee hore loo ansixiyey, haatana waxa qudha ay sugaan ay t ahay dhaarinta maxkamadda sare.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this