Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hargeisa Court Continues Hearing the Terrorists Case

Recommended Posts

hadhwanaag 2009-06-14 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Maxaa biis ku eedaysnaa dambiyada falal-kii argagixiso ee meelo ka mid ah Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland lagu qarxiyay 29-kii bishii October ee sannadkii 2008, ayaa markii saddexaad saaka la horkeenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, si dacwadoodooda halkaas loogu dhagaysto.

 

Abbaaro 8:00-dii Subaxnimo ee Saaka ayaa la xidhay jid Laami ah oo hormara dhismaha Maxkamadda Gobolka, taasoo ay Ciidamada nabadgalyadu hareeraha ka taagnaayeen, isla markaana dhagaxan ku xidheen, iyaga oo aan muddo saacado ah u ogolaanin haba-yaraatee in ay waddadaas cidi marto dad iyo gaadiid midna, oo xataa Ardayda Dugsiyada u socota ee waddada ku soo hagaaga ku amrayay inay ka noqdaan oo ay meel kale uga wareegaan halka ay ku socdaan.

 

Inkasta oo aan Warbaahinta loo ogolaan inay galaan gudaha ama kaamboolka Maxkamadda, haddana dad goob-joog ahaa, ayaa Shabakadda Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyay in ay dacwaddaasi ka baaqatay in maanta la dhagaysto, ka dib markii Maxaabiista eedaysanayaasha ahaa ay kala joojin waayeen hadallo xidhiidh ah oo lagu sheegay kuwo u muuqday kiis-iska waal, si ay uga baaqsadaan in dacwaddooda si miir-qabta oo sharci ah loo dhagaysto.

 

Warku wuxu intaa ku daray in talaabadaas ay Maxaabiistu ku kaceen ay ka liftay in dib loogu celiyo Xarunta Ciidamada baadhista dambiyada C.I.D-da ee Magaaladda Hargeysa oo ay hore ugu xidhnaayeen, iyada oo ay hareeraha ka socdeen Baabuurta Ciidamada ee Tignikada loo yaqaanno oo lagu ilaalinayay Baabuur kuwa Maxaabiista ah oo eedaysanayaashan lagu siday.

 

Hase ahaatee,wararku ma sheegin xiliga dambe ee la hor keeni doono eedaysanayaashan Maxkamadda,laakiin waxa la filayaa in todobaaddada soo socda uu dhagaysiga dacwaddoodu dib uga bilaabmi doono Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this