bambo Posted November 7, 2006 Somaliweyn (Asharqi-Awsad ,Nov.7 ,2006) Wargayska Maalin laha ah ee Sacuudiga ee Asharqi Al-awsad cadadkiisii maanta wuxuu qoray Wareeysi Wargayskaasi la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya Ismaciil Hurre Buubaa oo ku sugan dalka Ingiriiska Wareeysigiina sidatan buu u dhacay : Sharqi Awsad :Maxaay ku saabsan tahay booqashada aad ku timid dalka Ingiriiska Buubaa:Intii aan joogay dalka Ingiriiska waxaan la kulmay wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Africa waxaana qaadaa dhignay arrimaha murugsan oo ka taagan gayiga Soomaaliya iyo sidii looga qaadi lahaa Soomaaliya xayiraadda Hubka oo lagu soo rogay si ciidamo Afrikaan ah oo nabadda Suga loo keeno Dalka Soomaaliya ,waxaan kale oo isla gorfeeynay shirkii magaalada khartuum oo na dhexmaray annaga iyo maxaakimta Islaamiga ah iyo sidii dawladda Ingiriisku kaalmo ugu fidin lahayd dawladda Soomaaliya ,waxaana wasiirku isagoo dawladdiisa wakiil ka ah uu ballanqaaday in Ingiriisku sii wadayo kaalmada uu siinayo dawladda Soomaalia . Asharqi Awsad:Maxaa kamid ah sababihii uu u fashilmay Shirkii Khartuum Buubaa:Dawladda KMG ahi waxaay xogga saartay sidii shirkaasi uu u miro-dhali lahaa hasayeeshe Maxaakimta Islaamiga ah waxaay qabeen mid taas kasoo horjeeda iyadoo ujeedadoodu ahayd in shirku iska sii socdo si aay u helaan waqti aay isku ballariyaan oo ku qabsadaan aagag cusub oo hor leh,isla markaana aay helaan fursad aay dalka ku soo galiyaan ciidamo ka tirsan Alqaacida, Eritrea iyo mucaaradka la dagaalama dalka Itoobiya : Xujada aay Maxkamaduhu hordhigeen wada xaajoodka oo ahayd in Ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan keenyana laga saaro madasha shirka ayaa ahaa arrimo baadil ah oo aan u adeegayn maslaxadda Soomaaliya Alsharqi Awsad :Maxkamaduhu waxaay dawladda KMG ah ku tuhmayaan in aay dalka keentay Ciidamo Itoobiyaan ah arintaas maxaad ka oran lahayd Buubaa :Dacaayadaasi waa mid aan waxba ka jirin waana maxkamadaha kuwa mashaakilka ku haya dalka Soomaaliya iyo Gobolka oo Dhan waxaayna dalka soo gasheen xoogag doonaya in aay ridaan dawladda Itoobiya iyo kuwo ka tirsan ururka Alqaacida waxaayna soo uruursadaan kaalmo dhaqaale oo aay ka helaan Alqaacidada ku sugan dalalka Khaliijka ,marka maxaa laga filan karaa in aay itoobiya sameeyso ,yaase soo jiitay oo dalka keenay Itoobiyaanka ,maxkamaduhu waxaay ka hadlayaan bixitaanka ciidamada Itoobiya kaddib markii aay abuureen sababihii keenay Itoobiyaanka ,iyagaana masuul ka ah ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka ku sugan Asharqi Alawsad : Maxkamaduhu waxaay diideen in Keenya ka qaybgasho wada xaajoodka waxaana dawladda KMG ahi ku tilmaantay Jaamacadda carabta mid aan dhexdhexaad ka ahayn arinta Soomaaliya maxaa fallo ah oo arintaan aad ka bixinaysaa Buubaa:SoOmAaliya waxaay ka tirsan tahay jaamacadda carabta waxaana waligayo ka codsanaynay jaamacadda carabta in aay dowr wax ku ool ah ka ciyaarto dibuheshiisiinta Soomaalida iyo sidii looga smatabixi lahaa dhibaatada lagu jiro . Waxaa jiray waxyaabo laga tabanayey ururka Jaamacadda carabta waxaana falaLka qaarkood keenayeen shaki ,waxaana dawladda Soomaaliya arrimahaas uga cabatay Madaxweynaha Suudan waxaana u sheegnay in Maxkamadaha Islaamiga ahi aanay doonayn dibuheshiisiin Sharq Alawsad : Ma noo sheegi kartaa waxaad ka qabto Booqashada uu ku tegay Guddoomiyaha Baarlamaanku Magaalada Muqdishow iyo wadahadallada uu la yeelanayo Madaxda maxaakiimta Islaamiga ah ,booqashadaasi ma mid shaqsi ah baa mise waa mid uu ku mathalayo dawladda Soomaaliyeed Buubaa:Booqashada Guddoomiyuhu waa mid isaga gaar u ah oo uusan u dirsan baarlamaanka Soomaaliyeed waxaana eegaynaa waxa kasoo baxa Asharqi-Awsad :Haddii aad tihiin Dawladda ma haysaan talo lagu badbaadin karo wada xaajoodka maxaase xal u ah si loo joojiyo dagaal dhaca . Buubaa :Xalku wuxuu yahay in maxkamaduhu joojiyaan damacooda aay ku doonayaan in aay khalkhalka ku gashaan xasiloonaanta dalka soomaaliya iyo waddamada dariska la ah Quote Share this post Link to post Share on other sites
bambo Posted November 7, 2006 Buubaa :"Maxkamadaha ayaa masúul ka ah ciidamada Xabashida oo soo galay dalka Soomaaliya gudihiisa How ****** is this guy, so icu are responsible for ethiopian troops crossing over the border why ? Because they chased Thugs out of xaamar paved streets , boosted the economy, providing safe food and water for people eh?. Sharqi Awsad :Maxaay ku saabsan tahay booqashada aad ku timid dalka Ingiriiska BUUBA :Intii aan joogay dalka Ingiriiska waxaan la kulmay wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Africa waxaana qaadaa dhignay arrimaha murugsan oo ka taagan gayiga Soomaaliya iyo sidii looga qaadi lahaa Soomaaliya xayiraadda Hubka oo lagu soo rogay si ciidamo Afrikaan ah oo nabadda Suga loo keeno Dalka Soomaaliya ,waxaan kale oo isla gorfeeynay shirkii magaalada khartuum oo na dhexmaray annaga iyo maxaakimta Islaamiga ah iyo sidii dawladda Ingiriisku kaalmo ugu fidin lahayd dawladda Soomaaliya ,waxaana wasiirku isagoo dawladdiisa wakiil ka ah uu ballanqaaday in Ingiriisku sii wadayo kaalmada uu siinayo dawladda Soomaalia . this Guy only concern is to lift arms embargo so that the people get hold more weapones to kill each other . This guy reminds me of Cumar carte , the men who dismantled somali army and told Ali mahadi to advise the somalia national army to submit to the rebels forcess in somalia , This was clearly working for snm agenda . Is history repeating itself , Their is say , If you dont learn from history it will repeat itself . This guy reminds me of cumar cart Quote Share this post Link to post Share on other sites
Captain Xalane Posted November 7, 2006 Bambo,if u speak dirty and some dude punches ya ,aren't ya responsible for the punch?Maybe thats how buuba was trying to pass his view. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 8, 2006 This guy is a real looser ,,,,,,,,,,,,, Buubaa u Said ?? ,, Yes that is him Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 8, 2006 Originally posted by Jacaylbaro: This guy is a real looser ,,,,,,,,,,,,, Buubaa u Said ?? ,, Yes that is him I couldn't agree with you more, his name says all! Quote Share this post Link to post Share on other sites