Jacaylbaro Posted September 10, 2008 hadhwanaag 2008-09-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Wefti ka socda safaarada Maraykanka ku leeyahay dalka Kiiniya ayaa maanta booqasho hawleed dalka ku yimid. Weftigan oo ay hogaaminaysay u qaabilsanaha arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha safaarada ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Ms Jesicca Davidba, waxa goraanka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhoweyay Wasiiro iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dawladda. Weftigan waxa ay isla shalayba shir goosgoos ah la yeesheen mas’uuliyiinta Goleyaasha Qaranka, Asxaabta iyo xubno ka socday Komishanka Doorashooyinka. Ms Jesicca Davidba, waxa ay sheegtay in ay ujeedada ay dalka u yimaadeen ay ahayd xidhiidhka Somaliland, Maraykan iyo ka kaalmaynta Somaliland arrimaha dhaqaalaha iyo doorashooyinka soo socda. “Waxaanu ognahay oo aanu aqoonsanahay in Somaliland ay u dhabar-adeegtay xaalad aad u qalafsan, abaaro iyo sicir barbar saameeyay dawladaha soo koraayo oo dhan, sidaa daraadeed waxaanu ku hambalyaynaynaa Somaliland waxyaabaha ay qabsatay, waxaana ballanqaadaynaa in aanu wax kala qaban doono xoojinta dimuqraadiyada iyo doorashooyinka fooda inagu soo haya, ayey tidhi Ms Jesicca. Waxa ay intaa ku dartay in ay isfahmeen dhinacyadii ay la kulmeen. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu C/raxmaan Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ay la kulmeen weftigu ayaa sheegay in ay idiidiilo wanaagsan ay kala kulmeen, isla markaana ay uga xog warameen xaaladaha jira. Waxa kale oo uu sheegay in ay weftiga u gudbiyeen arrimaha ugu waaweyn ee ka jira Somaliland iyo gobolkaba sidii loo hormarin lahaa, loona baahan yahay in la dhammaystiro aqoonsiga Somaliland . Wasiirka Qorsheynta Cali Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in ay u gudbiyeen mas’uuliyiinta safaarada Maraykanka sidii Maraykanku wax ugala qaban lahaa arrimaha dhaqaalaha iyo sii xoojinta amniga. Sidoo kale, Jaamac Maxamed oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka ayaa isna sheegay in ay uga warameen weftiga sida ay u socdaan arrimaha Diiwaan-gelintu. Weftigan waxa ay isla shalayba dib ugu dhoofeen dalka Kiiniya oo ay ka soo kicitimeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 11, 2008 what is with casual dress? meesha ma dalxiis baa loo yimi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 11, 2008 Email them and ask them about it ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 11, 2008 why are they madow the delagation Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 11, 2008 why Obama is madow ?? ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 11, 2008 ^^ Saaxiibkaa Xaaji Xundhur prefers Cadaanka, African mentality Quote Share this post Link to post Share on other sites
unknown1 Posted September 11, 2008 Still asking recognition from the white man? even if u get recognized it will not be any change in north western somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites