Sign in to follow this  
General Duke

Col Qaybdeed heads for Cadaado...

Recommended Posts

cabdiqeybdiid.JPG

 

Ciidamada Col.Cabdi Qeybdiid oo gaaray Gelinsoor iyo Maxaakiimta oo ciidamadooda difaac ka galay Cadaado

 

Last Updated::2006-12-24 14:51:27

 

Gelinsoor:- Wararka naga soo gaaraya Jiida hore ee dagaalka aaga Bandiiradley ayaa sheegaya in Dagaalkii halkaasi ka socday u durkay dhinaca gobalada dhexe.

 

Dagaalka ayaa saaka bilowday kadib markii ay ciidamada Maxaakiimta duulaan saf balaaran ah kasoo qaadeen deegaanka Bandiiradley.

 

Maxaakiimta oo horey ugu dhawaaqay in ay qaadi doonaan duulaan balaaran, ayay isku dhaceen ciidamada Dowlad Gobaleedka Puntland iyo ciidamada Col.Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa goob 2km u jirta magaalada Bandiiradley.

 

Dagaalkan oo saaka oo dhan socday ayaa ahaa mid xoogleh ayadoo madaafiicda dagaalka ay labada dhinac isu adeegsadeen.

 

Dagaalka ayaa isbedalay kadib markii guutooyin ka tirsan ciidamada Puntland ay weerar dhabar jabin ah ku galeen magaalada Bandiiradley.

 

Ciidamada Maxaakiimta ayaa ayagu dib uga gurtay aagaasi ayagoo sidoo kale ka baxay magaalada Gelinsoor oo la xaqiijiyey in ay hada ku sugan yihiin racii ugu horeeyey ee ciidamada Col.Cabdi Qeybdiid oo gacan ka helaya ciidamada Puntland.

 

Maxaakiimta ayaa xoogooda hada ku sugan magaalada Cadaado ayadoo la sheegay in la filayo in dagaalka uu halkaasi kasii socdo.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Sxb ma ogtahay in Bandiiradley uu xalay dagaal ka dhacay? Ciidan uu leeyahay C/Khayrdiid oo isku dayey inay ciidammada maxaakiimta dhabar-jebiyaanna laga dhaawacay 3 ruux oo dhaawacoodii la dhigay isbitaalka Gaalkacyo.

 

 

C/Khayrdiid cadaado caano miyaa uga horreeya? iska tag maa mooddey?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this