Paragon Posted April 22, 2008 OGEYSIIS MUHIM AH: SHIRWEYNE LAGU QABANAYO GALBEEDKA LONDON 27/04/08 (21-04-2008) Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool UK waxaa lala socodsiinayaa in lagu qabanayo galbeedka London Shirweyne muhim ah 27 April 2008. Shirkan oo Sanadkastaba la qabto waxaa iska kaashanaya qabanqaabadiisa: Golayaasha Xuquuqul-Insaanka & Nabadda Geeska Afrika, Golaha Midnimada Soomaaliweyn iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK. Shirweynahan waxaa si guud lagaga hadlayaa dhibaatooyinka balaadhan ee ay ku sugantahey Soomaalidu haatan oo isugu jira: Dagaalada ka socda, Xasuuqa, Barakicinta, Abaaraha ka jira gobolada qaar, Gumaysiga Ethiopia iyo Xadgudubyada Xuquuqul-Insaanka loo gaysanayo dadka rayadka ah. Sidoo kale waxaa shirweynahan lagaga hadlayaa qaabka ugu haboon ee Soomaalida qurbaha ku nooli isu kaashan karto, ugana qayb qaadan laheyd arrimaha siyaasadda iyo bulashada dalalka ay ku nooshahey. Waxaa lagu casuumay kulankan dad aad muhim u ah oo ay ka midyihiin siyaasiyiin, aqoonyahano, culamaa-u diin, waxgarad Soomaali iyo musharixiin Somali & shishiiye isugu jira iyo hay'adaha Xuquuqul-Insaanka. Haddaba dadweynaha sharafta leh ee Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa iney ka soo qaybgalaan shirkan aad muhimka u ah,isla markaana dhowraan waqtiga. Waxaa si sharaf leh laguuugu casuumay shirkaan muhiimka ah ee fadlan ka soo qeybgal, Asaxaabtaadana u sheeg ha ka soo qeybgalaane. Yaan loo kala harin. Wuxuu dhirku ka dhacayaa : West London Islamic Centre, Browlow Road, West Ealing, London W13 OSQ Saacaddu markay tahay 2pm-7pm. Gaadiidka [ Transportiga] lagu imankarayo waa: Tub: West Ealing Station- British rail& Und; Ealing Broadway[ Central & District Line] Bus: E-8, 607,207,427,83,E-3 [front Ealing Broadway] Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala soo xiriir: Dr. A. Hirey Mob:07903810231, 07949958341 Tel: 02031100022 E-mail: hornrights@yahoo.com or Dahabo Dowlo E-mail: dahaboisse@googlemail.com Sidaas iyo ka soo qaybgalwacan Shirka Dr. A. Hirey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 23, 2008 Golayaasha Xuquuqul-Insaanka & Nabadda Geeska Afrika, Golaha Midnimada Soomaaliweyn iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted April 23, 2008 Waar maxaad la dhoolla cadeysey, misna 'Soomaaliweyn'taad dhibsatey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 23, 2008 Is just funny niyow ,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 24, 2008 Ninkaan aniga maalin dhawayd u sheegay, wax Soomaaliya, Soomaali, Soomaalinimo ma maqli karo, iskaba dhaaf Soomaaliweyn. Cudur weyn waaye. I don't know what he types when he comes here since the word Soomaaliya is there on the URL's name. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Seekknowledge Posted April 24, 2008 lol he must be itching to go. Maybe we should say Somalia and Somaliland then he will have the excuse to come Quote Share this post Link to post Share on other sites