Sign in to follow this  
SOO MAAL

Kulmiye Condemning Riyaale

Recommended Posts

SOO MAAL   

Siyaasadda Madaxweyne Riyaale: Lafo Geri iyaga Ayaa

 

 

(Maqaalkan soo socda oo lagu magacaabo LAFO GERI IYAGA

AYAA LA ISKU JEBIYAA waa lafo-gurid iyo falanqayn

siyaasadeed (Political analysis) oo ku saabsan

ujeedada ka dambaysa qaabka uu madaxweyne Daahir

Riyaale Kaahin u maamulo dalka Somaliland iyo sababta

aan marnaba rajo fiican looga qabin inuu toosiyo

hoggaanka dalka ama qabto doorasho baarlamaan oo

hufan)

 

Dad badan oo Reer Somaliland ah oo kala jooga dalka

gudihiisa iyo dibediisa ayaa waxay is-weydiinayaan

su`aasha ah sababta markii madaxweyne Daahir Riyaale

qabtay hoggaanka dalka Somaliland badhtamihii

sannadkii 2002 ay u dhacday in maamulka ******teeniya

ee Puntland ku soo duulo welina haysto magaalo-madaxda

Sool, Laas-caanood, iyo Bariga Sanaag, isla markaana

Sanaag iyo Togdheer laga sii riixayo maamulka dalka,

sida muuqatana wax kasta oo qaranimada la xidhiidha u

sii burburayaan rajana aan laga qabin in wax ka sii

dara mooyee wax hagaagaan. Sida la ogyahay, dal kasta

madaxweynaha ayaa toos uga mas`uul ah xumaan iyo

wanaagba middii la soo gudboonaata waayo isaga ayaa

wax kasta ka go`aamiya. Dhibaatooyinka maanta ka

taagan Jamhuuriyadda Somaliland laguma tilmaamikaro

maamul-xumo laakiin waa qaran-dumisnimo loo qasdiyay

(Calculated High Treason) maadaama aan gacanta lagu

hayn dad iyo dal isku dhan lagana aamusanyahay.

Kelitaliye kasta ama madaxweyne kasta oo liita balse

daacad ah marnaba kama suurtoobikarto inuu oggolaado

ama ka aamuso dhibaatooyinka badan ee maanta ka taagan

Somaliland kuwaas oo ay ka midyihiin: Kala

dhantaalidda midnimada qaranka iyo dhulka Somaliland,

laalidda dastuurka qaranka, ku tumashada nidaamka

dimoqaraadiga ah, khalkhalgelinta nabadgelyada guud ee

dalka, dilka shaqaalaha ajanebiga ah iyo muwaadiniinta

aan waxba galabsan, wiiqidda dhaqaalaha iyo difaaca

dalka, la dagaallanka Taariikhda Halgankkii Ururkii

SNM ee badbaadinta sharafta iyo jiritaanka dadka iyo

dalka, ka aamusidda gaadiidka dadweynaha Reer

Somaliland ee maalin kasta Jabhadda ONLF ku gubto

xuduudda, la dagaallanka axsaabta mucaaradka ah,

xalaalaysiga boobka hantida iyo dhulka ummadda,

qalloocinta maamulka dalka, la dagaallanka xurriyadda

hadalka iyo saxaafadda madaxbanaan, mamnuucidda

banaanbaxyada, ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iwm.

 

Marka la eego dhibaatooyinka laxaadkaas leh waxaa soo

baxaya jawaabta su`aashaas dadku is-weydiinayaan oo ah

in dhaqanka hoggaaminta madaxweyne Riyaale runtii

yahay mid qaran-dumis ah oo ka soo horjeeda qadiyadda

iyo qaranimada Somaliland kaas oo muujinaya in

kelitalisnimada dalka ka jirta aanay ku dhisnayn xukun

jacayl balse ay ku dhisan tahay ujeedo qaran-dumisnimo

oo ku salaysan in madaxweyne Riyaale xukunka dalka

xoog ku haysto ilaa inta uu ka duminayo qadiyadda

Jamhuuriyadda Somaliland si loo soo cesho

midnimo-ku-sheegii Somalia ee ummadda Somaliland ka

dhaxashay duudsi, dulmi, iyo tacadi weyn 30kii sano ee

Israaca, 1960-1990. Waana sababtaas midda uu

madaxweyne Riyaale ugu dheganyahay una diidanyahay

inuu xilka ka qaado nimanka ugu daran kooxaha uu u

adeegsado burburinta dalka kuwaas oo kala ah: Ismaciil

Adan Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xuseen Cali

Ducaale (Cawil), Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi

Moxamed Ducaale, Wasiirka Warfaafinta, Axmed Cali

Cadami, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka,

Moxamed Cige, Taliyaha Ciidanka Boliiska Qaranka iyo

kuwa la midka ah. Xataa Siyaad Barre oo ahaa

kelitaliye naxariis daran ayaa xilka ka qaadijiray

qofka mas`uulka ah ee ummaddu ka qayliso.

 

Haddaba, su`aashu waxay tahay maxaa ku kellifaya

madaxweyne Riyaale inuu u feyto duminta qadiyadda iyo

qaranimada Somaliland kana abaal-dhaco

madaxweynanimada ummaddu ku sharaftay? Muxuu u

qaddarinwaayay cafiskii beelaha Somaliland ee

sannadkii 1991 ee uu ka faa`iidaystay isaga oo ahaa

sarkaal ka tirsan saraakiishii NSSta ee Taliskii

Siyaad Barre ee la dagaallamijiray Halgankii Ururka

SNM iyo jiritaanka dadka dalkaas u badan?

Sida ka muuqata qaabka maamulkiisa, jacaylka uu

madaxweyne Daahir Riyaale u hayo madaxweynanimada

Somaliland waxaa ka weyn nacaybka uu u hayo

gooni-isu-taagga dalkaas oo la tuhunsan yahay inuu ka

dhex arko dadka Isaaqa una nisbaynayo qadiyadda

Somaliland inay tahay qadiyad ***** isaga oo aanay

weli u muuqan dib-u-heshiintii ummadda ee dhashay in

18kii May, 1991 ay dhammaan beelaha Somaaliland si

wadajir ah ugu dhawaaqeen gooni-isu-taagga Somaliland

laguna sii dhidbay aftidii ummadda Somaliland laga

qaaday 31kii bishii May, 2001 ee ay ku dooratay inay

noqoto dal ka madax banaan Somalia iyo isaga oo aan

weli yaqiinsan in madaxweynanimadiisu ku timid

xukun-wadaag dalka ka jira oo aan la kala lahayn.

 

Inkasta oo ay jiraan dalal kooban oo lid ku ah

gooni-isu-taagga Somaliland, ayaa haddana waxaan shaki

ku jirin in talada uu Riyaale dalka ku maamulo si toos

ah iyo si dadbanba uga qaato madaxweynaha Jabuuti,

Ismaciil Cumar Geelle, oo ah nin aad u naceb

gooni-isu-taagga Somaliland, kooxo ka tirsan

Somaliland oo qaar maamulka dalka ku jiraan sida 5ta

nin ee kor ku xusan qaarna kala deganyihiin dalka

gudihiisa iyo dibediisa sida kuwa ku jira dawladda

Somalia loo dhisay dhawaan, iyo kooxo ka tirsan

Somalia. Taladan oo ku dhisan shirqool

qaran-dumisnimo lagu mijaxaabinayo qaranimada

Somaliland waxaa la rumaysanyahay inay ku dhisantahay

in marka hore Somaliland laga wiiqo dhinac kasta oo

qaranimada la xidhiidha, taas oo in badan lagu

guullaystay, dabadeedna laga huriyo dagaal sokeeye oo

dhexmara dadka Isaaqa iyada oo la adeegsanayo

shakhsiyaad u dhashay iyaga kana mid yihiin: Ismaciil

Adan Cumar, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cabdullaahi

Moxamed Ducaale, Moxamed Cige iyo kuwa la midka ah.

Shakhsiyaadkaas oo qaarkood danta gaarka ah ka

hormariyaan danta qaranka qaarna aaminsanyihiin

midnimo-ku-sheegii Somalia waxaa lagu hawlgeliyaa

laaluush lacageed, jagooyin, iyo darajooyin waxaana

loo dhiibaa lacag badan si ay u kala dilaan dadka

Isaaqa dabadeedna dagaal uga dhexqarxiyaan taas oo

hadda abaabulkeeeda lagu jiro mid ka mid ahina dhacday

markii 4tii bishii April, 2005 la weeraray Xarunta

Xisbiga Kulmiye ee ku taal magaalo-madaxda Hargeysa.

Marka sidaas dalka looga burburiyo dhinac kasta, dadka

u badanna la iskaga horkeeno dagaal waxaa markaas la

saadaalinayaa inay kala daadato awooddii wadajirka iyo

midnimada ee lagu difaaci lahaa Jam. Somaliland

dabadeedna fursad dhiirigelin helayaan cadowga gudaha

iyo dibedda oo inta ay ka faa`iidaystaan qalalaasaha

ku soo qaadaya dagaal Somaliland si markaas looga

takhaluso qaranimada iyo madaxbanaanida dalka dantuna

ku qasabto in lagu noqdo midnimo-ku-sheegii Somalia

shuruud la`aan. Siyaasaddan oo ah: KALA DIL *****

ISKUNA *** nuxurkeedu waxa weeye: LAFO GERI IYAGA AYAA

LA ISKU JEBIYAA maadaama ay yihiin dadka ugu badan

dalkaas si markaas loo soo dedejiyo duminta qadiyadda

Somaliland. Siyaasaddan qaran-dumisnimada ku dhisan

ee ay maleegayaan madaxweyne Riyaale iyo kooxihiisa

qaar la taliyaan qaarna dalka la maamulaaan waxaa kula

jira xubno baarlamaan, wasiirro, xubno Xisbiga UDUB ee

Riyaale ka tirsanyahay, iyo taliyeyaal ciidan.

 

Maadaama maamulka Riyaale ka dambeeyo khalkhalka iyo

qaran-dumisnimada maanta ka taagan Somaliland marnaba

rajo lagama qabo inuu dalkaas ka sameeyo doorasho

xalaal ah oo xukunka dalka loogaga adkaanayo ama uu

wax ka qabto dhibaatooyinka dalka ka jira hoggaanka

dalkana toosiyo mustaqbalka sababta oo ah:

1. Doorasho kasta oo si xalaal ah u dhacda waxay ka

soo horjeedaa isla markaana fashilinaysaa

ujeedada la maleegayo ee lagu duminayo gooni-isu-

taagga Jam. Somaliland. Sidaas darteed, waa inuu

xoog ku haystaa xukunka dalka doorasho kastana ka

hortagaa, carqaladeeyaa ama boobaa ilaa inta

shirqoolkiisa qaran-dumisnimo hirgelayo.

2. Madaxweyne Riyaale iyo kooxdiisu way ogyihiin in

haddii doorashada baarlamaanka ee 15ka Sabtambar

2005 ay xalaal u dhacdo oo ay aqlabiyadda ku

guullaystaan baarlamaan daacad u ah qadiyadda iyo

qaranimada Somaliland in markaas Riyaale iyo

kooxdiisaba lagu oogayo xil ka qaadis deg deg ah

laguna qaadayo dembiyada culus ee ay ka galeen

dadka iyo dalka isla markaana la fashiliyo qaran-

dumisnimadooda. Markaas si ay arrimahaas uga

hortagaan marna ma oggolaa doorasho xalaal ah oo

baarlmaan ama awoodda dalka oo farahooda ka

baxda.

 

Maamulka Riyaale waxaa ka go`an inay doorasho kasta ku

boobaan ciidan daacad u ah, guddi doorasho xag-jir ah,

iyo hantida iyo gaadiidka qaranka ee ay gacanta ku

hayaan. Sidaas darteed, maranaba lagama sugayo

maamulkiisa doorasho hufan ama cadaalad ah amaba

hoggaanka dalka oo hagaaga. Xataa waxa uu maamulka

dalka ka jira ee Riyaale ka soo horjeedaa in la soo

dhaweeyo beelaha Sool iyo Bariga Sanaag oo intooda

badan raba inay wax la qaybsadaan ummadooda Somaliland

oo ay wadaagaan taarikh, dal, dawlad, iyo xuduud.

Waxaa kale oo maamulka dalku ka soo horjeedaa in

doorashada baarlamaanka laga qabto dhulkaas labada

sababood ee kor ku xusan awgood. Si ay uga hortagaan

doorasho xalaal u dhacda ee baarlamaan waxa Riyaale

iyo kooxdiisu ka suurtogal ah inay qaadaan olole lagu

xidhxidhayo madaxda axsaabta mucaaradka ah iyo ciddii

kale ee ka damqanaya qaran-dumisnimada dalka ka socota

loona arko inay dadka iyo dalka badbaadinkaraan iyaga

oo si been-abuur ah loogu eedaynayo khalkhalgelin

nabadgelyada dalka iyo mijaxaabin xukuumad si markaas

Riyaale laaluush ugu soo saaro baarlamaan isaga u

daacad ah oo ka badbaadiya xil ka qaadis si uu markaas

ugu guullaysto qaran-dumisnimadiisa.

 

Madaxweynaha iyo in badan oo ka tirsan xukuumadda,

baarlamaanka, iyo Xisbiga UDUB waxaa ay ku

wacad-fureen dhaartii ay u mareen ummadda Somaliland

iyo xilkii lagu aaminay, magicii Ilaahayna way ku

balan-fureen markii ay danihii ummadda iyo dalka ka

doorbideen shirqoollo siyaasadeed, dan gaar ah, dan

qabiil, iyo laaluush la iskaga horkeenayo ummadda

laguna duminayo qaranka. Duulkaas oo baabi`inaya

danyarta, mustaqbalka ubadka dalka iyo qaranimada

lagu aaminay iyaga oo og dhibaatooyinkii cuslaa ee

dadka iyo dalka Somaliland soo mareen sannadihii

1982-1990, siiba sannadihii 1988-1990, loona baahnaa

in laga ilaaliyo wax dambe oo damqaya nabaradaas ama

dhaawacaya danahooda iyo qadiyadooda waxa hubaal ah

inay iyaguun ku gubanayaan khiyaamada qaranka iyo iska

horkeenka ummadda ee qaarkood maleegayo qaarkoodna ka

aamusanyahay, mana foga waqtiga waaga xaqu ku

dillaacayo oo ay ka dhaxlidoonaan taariikh-xumo sida

daalimiintii Taliskii Siyaad Barre oo inta mar keliya

awooddii Eebbe hareeraysay eeday caqli-xumadoodii.

Waa kuwii qaar suuqyada la dhigay, kii ugu weynaa

dar-xumo ugu dhintay dal shisheeye, qaarna weli

tacluus iyo cudurrada dulmiga iyo xaq-darrada laga

qaado ay la taahayaan dibedaha kana qoomamaynayaan

dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee ay ka galeen

dadkooda iyo dalkooda.

 

Madaxweyne Riyaale iyo kooxdiisu marnaba yaanay u

malayn in hub iyo ciidan la isku xeero loona adeegsado

dulmi, tacadi iyo qaran-dumisnimo ay

badbaadinkarayaan marka ummaddu la qaraxdo kacdoon

cadho oo aan la loodinkarin dabadeedna sida daadka u

jiidhaan hub kasta iyo ciidan kasta oo aan ku biirin

kacdoonka badbaadinta ee ummadda iyagana loogu geli

daaraha ay ku maamulaan dulmiga iyo qaran-dumisnimada

sida ku dhacday Taliska Siyaad Barre ee awoodda

badnaa. Dadka difaaca ama taageera siyaasadda

madaxweyne Riyaale iyo maamulkiisa waxay u kala baxaan

laba qaybood, qayb ku taageersan qaran-dumisnimada iyo

qayb damiirka ka gubatay oo dan gaar ah u adeega danna

aan kala lahayn dhibatada dalka ka taagan. Labadan

qayboodna intii ummadda dhinac ka raaciweyda inta

goori goor tahay iyagana in la jiidhayo waa hubaal.

Ummadda waxaa u beryidoona waa cusub oo yididiilo,

nabadgelyo iyo horumar leh waxayna markasta

mustaqbalka doorandoonta madax daacad u ah danta guud

si dhab ahna u xushmaysa ku dhaqanka dastuurka qaranka

oo ah danta qof kasta, beel kasta, iyo ummadda oo

dhan. Waxaa dalku gaadhidoonaa horumar dhaqaale oo

lagaga baxo saboolnimada (Poverty) oo ah hooyada

qabyaaladda (Tribalism) iyo maamul-xumada dawladeed

(Government corruption) ee ku habsatay ummadda

Somaliland tan iyo maalintii xornimada la qaatay ee

1960 oo hadda laga joogo 45 sano. Waxaa laga

bixidoonaa baahida ah in beeli daba orado oo ay

difaacdo qof madax ah oo daalim ah ama qabiliiste ah

oo beeshaas magaceeda si gaar ah ugu danaysta waxna

aan u qaban balse eed uga soo jiida ummadda inteeda

kale inta badanna dhaliya colaad iyo dagaal sokeeye oo

aan cidina ka baxsan.

 

Baaq Talo Soo Jeedin

 

- Iyada oo aan qofna mugdi kaga jirin qaran-

dumisnimada ay madaxweyne Riyaale iyo kooxdiisu ka

wadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo

badbaadinteeda loo daadiyay dhiig badan kuna

burburtay hanti badan, rajana aan laga qabin in

xaalad ka sii darta oo sii murugta mooyee wax

hagaagaan lana ogyahay in qayb ka mid ah

Jamhuuriyadda Somaliland ay faraha ka baxday (Sool

iyo Bariga anaag) haddana la rabo in la isku

jebiyo ummadda si loo dumiyo qadiyadda iyo

qaranimada Somaliland.

- Iyada oo la ogyahay in aqoonsigii dalka Somaliland

ay aad u dhaawacday kala dhantaalidda midnimada

dhuleed iyo qarameed ee dalka ka dib markii

maamulka ******teeniya ee Puntland si fudud u

qabsaday magaalo-madaxda Sool ee Laas-caanood iyo

Bariga Sanaag lana tuhunsanyahay in madaxweyne

Riyaale laftiisu si sir ah ula dagaallamo

aqoonsiga dalka.

- Iyada oo la ogyahay in kelitaliye Cabdullaahi

Yusuf Axmed oo loo doortay madaxweynanimada

Somalia 10kii bishii Oktoobar, 2004 uu ku jiro

olole joogto ah oo uu ku uruursanayo hub badan iyo

ciidan (Shisheeye iyo qabiilba) si uu u qabsado

Somalia dabadeedna weerar ugu soo qaado Jam.

Somaliland isaga oo aaminsan inuu midnimo-ku-

sheegii Somalia xoog ku soo celinkaro ama ka

qabsankaro dalka Somaliland gobollo cusub taas oo

uu u arko inay u suurtogelayso haddii uu Riyaale

sii hayo madaxweynanimada Somaliland, ayaa waxaa

loogu baaqayaa dhammaan ummadda Somaliland (Gudaha

iyo dibedaba), madaxda axsaabta mucaaradka ah,

madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta, indheergaratada,

iyo ciidamada qalabka sida in laga digtoonaado

tabaha maamulka madaxweyne Riyaale ee uu rabo inuu

dagaal sokeeye ka rido dalka Somaliland si uu

fursad ugu helo duminta gooni-isu-taagga dalka iyo

in loo tabaabulshaysto qaabka ugu habboon ee

xukunka looga wareejinayo maamulka sama-diidka

ah ee madaxweyne Riyaale, ummadda iyo dalkana

looga samata-bixinlahaa qaran-dumisnimada la

soo gudboonaatay. Haddii madaxweyne Daahir

Riyaale diido inuu xukunka dalka u wareejiyo si

nabadgelyo ah, waa in la ogaadaa in dhibaatada ka

dhalankarta xukun ka qaadista ama ridista isaga

iyo kooxdiisa ay aad uga yaraandoonto

dhibaatada ay keenayaan haddii loo sii daayo

xukunka dalka. Guul iyo gobonimo.

 

Qore: Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: May 5, 2005.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Taageerada shacabka ee madaxweyne Rayaale oo kor u kacday todobaadkii lasoo dhaafay.

 

 

Kadib markii ay Jahmuuriyada Somaliland soo booqdeen gudi katirsan midawga Africa todobaadkii lasoo dhaafay markii ay martiqaad kaheleen madaxweynaha Somaliland mudane dahir rayale kahin mar uu kusugnaa wadanka ethiopia ayaa wax wayn kabadalay shucuurka shacabka somaliland iyo aragtidii ay ka qabeen madaxweyne dahir rayale kahin.

 

Waftigan oo ahaa mid noociisa ah kii ugu horeeyay ee ay midawga Africa, ay waligood kuyimaadaan Somaliland. Tan iyo intii ay madaxbanaanideeda lasoo noqotay sanadkii 1991kii. waxa ujeedadooda ugu wayn ay kusheegeen bal in ay xog dhab ah kabixiyaan hanaanka dawladnimo iyo dimuquraadiyada kahir gashay Somaliland iyo doonista shacabka Somaliland.

waxay soo kusoo wareegeen gobolada Somaliland intooda badan, waxay soo urursadeen

dareenka shacabka iyo doonista dadwaynaha Somaliland.

 

Waxay kulamo layeesheen dhamaanba qaybaha bulshada iyo golayaasha qaranka, waxaase xiise gaarka kureebay dhagaha shacabka shirkii uu madaxweynu layeeshay waftiga

isagoo ugu horayn uga mahad celiyay aqbalaada martiqaadkii uu ufidiyay, waxaanu

kuyidhi "waxaan filayaa in aad soo aragteen doonista shacabka somaliland ee ah in

aan goni isutaaga somaliland ahayn wax gorgortan gali kara, ana waxaan idin leeyahay

somaliland 30 sano oo burbur ah ayay kadhaxashay midawgii somalia mana dhici karto

in aanu u xidhnaano qaran aan jirine aqoonsiga aanu xaqa uleenahay ayaan idiinka fadhinaa" hadalkaas madaxweynuhu waxa uu noqday mid kasii dhexqaylinaya dhagaha shacabka somaliland gudo iyo dibadba.

 

Waftiga africanka ayaa iyana kagaraabay xaqa ay Somaliland leedahay balana qaaday in ay wax bixin dhab ah siin doonaan 53 dal ee uruka midowga afrika. waxa hadana mudo laba cisho gudahood ah laga daawaday talefishanka aljezera waraysi dheer oo uu bixiyay madaxweyne Rayaale, kuna cadeeyay sida ay wadamada carabka iyo Africanku isaga indha tirayaan aqoonsiga Somaliland. hadalkii ugu qiimaha badnaa ayuu kuyidhi madaxweynuhu mar lawaydiiya in ay lamidoobayaan Somalia mar kale " iska daa midaw

dambee soo hadal qaadka midawga ayaaba xaaraan ah" hadalkaas ayaa noqday kii ugu

kululaa oo kasoo yeedha madaxweyne reer somaliland ah, waxayna dadka siyaasada indha indheeyaa kutilmaameen hadalkaas mid u quus gooyay kuwii odhan jiray madaxweyne Rayale daacad kama aha gooni isutaaga Somaliland.

 

Markii ladaawaday waraysigaas ayay dhamaanba qurba jooga Somaliland u noqotay farxad

iyo rayn rayn aanay baryahan arag, iyagoo isugu hambalyaynayay taageerada uu mudan

yahay madaxweyne rayale in lala garab daagnaado. farxadii ugu badnayd waxay

kadhacday wadanka Qadar ee uu kuyaal talafishanka aljazera oo jaaliyadii Somaliland

ee qadar habeenkaas waxay kutilmaameen mid diwaanka tariikhda u galay shacabka

Somaliland ee kudhaqan wadanka qadar. dadka localka ah ee u dhashay wadanka qadar

ayaa iyana markii ugu horaysay kala ogaaday faraqa u dhexeeya somaliland iyo Somaliya iyagoo waraysiyana layeeshay jaaliyada somaliland ee wadanka qadar, uguna

hambalyeeyay in ay taageeraan madaxweynahooda halganka ugu jira aqoonsiga

wadankiisa.

 

Hadaba hadalaas taariikhda galay ee kasoo yeedhay madaxweyne rayaale ayaa waxay kor

uqaadeen taageeradii ay shacabku u hayeen oo mudooyinkan dambe ay qolooyinka

mucaaradka ahi shaki galin jireen sida uu daacad u yahay madaxweyne rayale maadaama

uu yahay nin afgaaban oo aan inta badan waxba kasoo qaadin dacaayadaha ay faafiyaan

xisbiyada mucaafadka ahi. waxayna dadka taageera siyaasada madaxweynuhu

kudhaliileen xisbiyada kucaridka ah kuwo kanaxa talaabooyinka uu madaxweyne rayale

hore u qaado maadaama ay u arkaan qorodhkaas mid iyaga ka goan. arintuse waxay tahay

" waxa hooyada u dan ah ayaa ilmahana udan ah"

 

Ahmed Ismail Abdi

Malaysia

ahmed abdi" <xaaji810@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this