Jacaylbaro Posted June 25, 2009 Xogyahaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa waxaa uu soo bandhigay Warqad uu soo diray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Taasoo loo gudbiyay kulankii Albaabdu ay u xirnaayeen ee ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ee lagu soo gababeeyay Madaalada Qaahira. Warqadaasi ayaa la sheegay in ay aheeyd mid uu madaxweyne Sheekh Shariif uu ku dalbanayay Taageero loo fidiyo Xukuumadiisa oo ku wajahan in laga caawiyo isku dayga lagu doonayo in lagu wiiqo dowladdiisa iyo weerarada xoogan ee ay wajahayso. Masuul ka mid ahaa Masuuliyiinii ka qeyb galay kulankaasi ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa laga soo xigtay isagoo leh Warqadda Sheekh Shariif Shekh Axmed Waxaa ay tahay mid ka tarjumaysa Dalab ay Xukuumadda u jeedinayso Jaamacadda Carabta taasoo ah in ay hesho Taageero deg deg ah oo Dhinaca Siyaasadda iyo Dhaqalaha oo ka imaanaysa dalalka Jaamacadda Carabta. Codsiga Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed aya waxaa ka mid ahaa in la taageero Ciidamada AMISOM ee haatan Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo in la tababaro Ciidamo ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dajinta Xaaladda Soomaaliya. Sidoo kale Jaamacadda carabta ayaa warqadaasi qoraalka ah waxaa looga dalbaday in ay si deg deg ah ku soo fara galiyaan Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb qaataan dagaalada lagu sii wiiqayo Awooda dowladda KMG Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites