Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts propoganda

Recommended Posts

Idaacadaha siyaasadda Qabiil ku shaqeeya ee Muqdisho oo bilaabay meyadkii kooxaha argagixisada ee daadsanaa aagga Iidaale in ay ku shegaan Itoobiyaan {Hooyo wiilkeedii dhintay meydkiisina xitaa loo diiday in ay duugato sidaa miyay ku qanci karaysaa} Jawaabta su'aasha waxaa laga sugayaa idaacadda beenta ku caanbaxday ee Shabeelle}

 

Sida uu qof waliba ka war qabo dalka ama dibadda halkii uu doono ha joogee waxaa dagaalaldii dhawanahan ka dhacayay aagga Iidale ee gobalka bay lagu laayay boqollaal ka mida kooxaha argagixisada ah oo ay ku jiraan kuwo ka yimid ah dalal kala duwan iyo sidoo kale in kudhow kun ah arday Soomaaliyeed oo iskuuladoda laga xaabiyay iyadoo loogubeen sheekeeyay in ay janno galayaan.

 

Waa mid aan cidna ka dahsoonayn oo xitaa wakaaladaha wararka aduunka ayaa qoray in kudhow 1,500 oo ka mida qolyaha argagixisada ay ku dhinteen dagaladii mddo todobad ah oo lasoo dhaafay ka dahcayay aagga IIDAALE,iyadoo wakaaladuhu ay xita soo bandhigeen muqaaalalada meydadka kooxaha argagixisada ee wadooyinka iska daadsan.

 

Laakin waxaa dad farabadani ay aad u la yaabeen maanta markii ay arkeen in webka idaacada afkaarta qabiil ku shaqeysa ee shabeele lagusoo bandhigay muuqaalo can baxay oo wakladuhu ay horay usoo bandhigeen lana wada oghyahay in ay yihiin meydadkii argagixisada ee ciidanka xoogga dalka sidii bal lo' loo dhigay oo kale u sayriyeen oo ayhaatan kuwani ku tilmaamayan in ay yihiin wax ay ku sheegayaan ciidan Itoobiyaan ah .

 

Waa calool xumonteeda la ego o usoo hoyatay hooyooyinka carruurtoodii dabka lagu shubay ee loo diiday in ay meydadkooda duugtaan,oo kadibna lagu tilmaamay in ay yihiin meydadkii wax lagu sheegay Tikree,iyadoo looga gol leeyahay borobogaandooyin dagaal in laga dhigto

 

Laakin nacasyadani waxaa ay ka habaaabeen in aanay qaldikarin hooyo wiilkeedii da'da yaraa uu dhintay kana garan kareysa maqnaaashaha salaantiisii wax wacnayd in aan hatan lagu qaldikareyn sawirro lasoo bandhigay oo ben abuur ah laguna sheegayo wax aanay ahayn.

 

Waxaa dhamanba dadka soomaaliyeed ee kusugan magaalada Muqdisho ay si aad ah uga warqabeen in maxaaakimta Islamiga sheegta markii ay muqdisho duullaanka kaqaadayeen ay gawaaridooda cabdi bileyaasha ah ee cad cadka ah amriyeen dhiiqo si loo qariyo xilliyada habeenkii oo uu nuurka bishu kudhacayo,hase ahaatee waxaaa yaab leh in iyadoo sidaa looga war qabo ay hadana bilaabeen in gawaaridii laga gubay ee dhiiqadu marsanayd ay ku tilmaamaan kuwo ay Itoobiya ka gubeen.

 

Bal aqriste kastow is weydii miyay taasi tahay borobogaando socon kareysa???

 

Jawabta su'aashaasi waaa maya.

 

Sikastaba ha ahaateee balaqristow hadana is weydii su'aasha ah Hooyo wiilkeedii dhintay meydkiisina xitaa loo diiday in ay duugato sidaa miyay ku qanci karaysaa} Jawaabta su'aasha waxaa laga sugayaa idaacadda beenta ku caanbaxday ee Shabeelle inkastoo aanu ognahay in aanay jawaab u helikarin

Sawiradii aay webpageka shabeele soo bandhigtey oo aay ku been abuuratey waa kuwan, waxaana ku qoran astaanteeda, kuwa kalena oo aan astaanta laheen waa kuwa webpageka carmooyin looga soo direy jiida hore ee iidaale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this