Sign in to follow this  
General Duke

Agreement in Yaamugley

Recommended Posts

Beelihii ku dagaallamay Yaamugley oo la heshiisiiyey

 

Dhaqayaboor - 17.March.2006 Wararka ka imanaya deegaanka Dhaqayaboor ee Islaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in heshiis la dhex dhigay beelihii

ku dagaallamay deegaannada Yamaarugley.

 

Heshiiskan ayaa waxaa laga soo saaray qoddobbo dhawr ah oo ay kamid yihiin in baraagihii ay colaaddu ka kacday ee deegaanka Yamaarugley labada beeloodba ay ka durkaan, in wixii hanti ah ee ku lumay dagaalkaas aan la isu sheegan iyo in xabbada si rasmi ah loo joojiyo.

 

Dhammaystirka heshiiskan ayaa waxaa la filayaa in uu dhowaan soo baxo haddana waxaa deegaanka Dhaqayboor ka socda kulamo goonni goonni ah oo ay ergada dhex dhexaadintu la leeyihiin beelihii a colaaddu dhex martay.

 

Dhex dhexaadinta beelahan ayaa waxaa ka qayb galay ergo ka kala socota Puntland iyo odayaasha dhinacyada halkaas isku haya iyo saraakiil Itoobiyaan ah.

 

Sidoo kale, saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ka qayb gashay heshiisiintan ayaa waxay sheegeen in ay si kumeel gaar ah ay gacanta ugu hayn doonaan deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.

 

Bashiir Nadaara

SBC Caabudwaaq

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wadahadal Nabadeed Oo Maanta Yamaarugleey Uga Socda Beelihii Ku Dagaalamay Deegaanadaas

 

Ilaa iyo intii ay istaageen dagaaladii ka dhacayey degaanka Yamaarugleey ayaa waxaa si isdaba joog ah u socday wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalada iyo colaada ka aloosnayd deegaankaas. Dowlada Ethiopia, nabadoono iyo waxgarad ka kala tagay dhinaca Puntland iyo Caabudwaaq ayaa ka dhex waday waanwaan labada beelood ee dirirtu dhex martay. Waxaana wadahalado ka furmeen dhinaca magaalada Wardheer halkaas oo la isugu geeyay nabadoono iyo waxgarad ka kala ka socday labadii beelood.

 

Wadahadalka oo soo maray xaalado iyo marxalado kala duwan laguna gorfeeyay sidii arrinta labada beelood loogu dhameyn lahaa walaaltinimo iyo deris wanaagii hore ayaa waxaa lagu guulaystay in la soo afjaro colaadii u dhexeysay labadaba beelood.

 

Waxaa jiray guddi arintaan loo xilsaaray inay soo afjaraan colaada labada beelood, guddigaas ayaa waxaa uu ugu danbayntii soo saaray go'aamo ay u arkeen inay wax ka qaban kara mugdigii iyo shakigii labada beelood u dhexeeyey, sidaas darteed ayaa waxaa gudigu go'aansaday inuu tago labo meelood oo ay kala degan yihiin labada beelood.

 

Waxaa guddiga iyo dhamaan nabadoono iyo waxgarad labada dhinacba ah ay shalay isugu tageen Tuulada Dhaqayo-boor. Waxaa halkaas ka dhacay fadhi weyn oo ay marti gelisay beesha degta Dhaqaya-boor. Waxaa sidoo kale guddigii arrinta soo waday ay soo bandhigeen go'aamadii ay ka gaareen arrinta labada beelood iyo waano iyo wacyi gelin ku saabsan sida labada beelood u kala maarmi karin arintoodana mar walba ay ku dhameystaan wadahadal iyo is qancin joogta ah, lagana fogaado in gacan ka hadal kale uu dhex maro labada dhinac.

 

Shirkii shalay ka dhacay Dhaqayo-boor oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dhamaan waxgaradka beelaha dega Puntland iyo Caabudwaaq ayaa ugu danbayn la isku waafaqay in la taageero heshiiska labada beelood la dhex dhigay. Hadaba waxaa maanta mar labaad uu shirkii dib uga furmay gudaha Yamaarugleey halkaasoo oo ay Beesha Yamaarugleey ay gogol ku fidisay.

 

Shirka oo si habsami ah uga socda maalintii labaad Yamaarugleey ayaa waxaa la filayaa inay arrinta labada beelood ku soo af jaranto nabad iyo xasilooni waarta.

 

S. M. C.

Caabudwaaq, Central Somalia

GedoNet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this